telesom
logo
logo
logo
|

Muuse oo laga diiday inuu soo xulo Ergooyinka shirweynaha iyo inaanu Samaale-na la tartamin isagoo wasiir ah.

 

Hargeysa(Togdhnews) Kulan kulul oo ay isku waajaheen Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Golaha Wasiiradda oo uu Gadh-wadeen ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la siku mari waayay kadib markii uu Muuse Biixi iyo Hogaanka Kulmiye iyagoo ka cadhaysan Qado sharafeed uu Wasiirka Maaliyaddu u qabtay Beesha Sacad Muuse, kaasoo uu ku cadeeyay in uu u taagan yahay Musharxnimada Jagooyinka Guddoomiyaha iyo Madaxtinimada.

Kulanka Caawa oo ka dhashay xanaaq ay Muuse Biixi iyo Maxamed kaahin ka qaadeen Loolanka kaga socda Wasiir Samaale ayaa kaliftay inay saaka isku shubaan Madaxtooyadda isla markaana ay Madaxweyne Siilaanyo ka codsadaan inuu Wasiirkiisa ka qabsado, hase yeeshee waxa la sheegay Madaxweyne Siilaanyo inuu ka gaabsaday isla markaana Muuse u tilmaamay inaanu Madaxweyne ahaan ka joojin Karin Damaca Samaale.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay markii uu qancin kari waayay Muuse iyo Maxamed Kaahin in uu saaray isla saaka Guddi ka kooban Xisbiga iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa, kuwaasoo qaban qaabiyay Kulanka Caawa Madaxtooyadda ka dhacay.

Kulanka oo ahaa mid kulul ayay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin soo jeediyeen in ay iyagu Ergooyinka Shirweynaha Soo xulaan, iyagoo Samaale-na soo jeediyay isagoo aan wasiir ahayn in uu la tartamo, balse labada soo jeedimood ayay Golaha Wasiiraddu ka diideen, waxaanay sheegeen Muuse Biixi inuu yahay Guddoomiye ku-meel gaadh ah oo aan awood u lahayn in uu soo xulo, halka soo jeedinta kalena ay ku sheegeen inuu Samaale Xaq u leeyahay.

Soo jeedinta Wasiiradda ayay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ka biyo diideen waxaanay xaaladdu gaadhay in ay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ku dhawaaqaan Erayo af-lagaado iyo diidmo isugu jiray, kuwaas oo sababay in shirkii lagu kala dareero iyadoon wax natiijo ah laga gaadhin qorshihii uu Muuse Biixi watay.

Arrintan ayaa cirka ku sii laalaysa khilaafkii marka horeba u dhaxeeyay labada dhinac waxaanay sababi kartaa in Shir Gole Dhexe oo Deg deg ah la qabto si qorshaha Shirweynaha halkaas looga abaabulo, shirkaas oo aan la garan doonin waxa ay labada dhinac ku kala mudan doonaan.

Waaheen

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)