Mucjiso: Gabadh Korriinka Cagaheedu Joogsan Waayeen oo loo Bushaareeyey
Mucjiso: Gabadh Korriinka Cagaheedu Joogsan Waayeen oo loo Bushaareeyey
Gabadh u dhalatay dalka Ingiriiska oo korriinka cagaheedu joogsan waayeen, kadib markii uu haleelay cudur sababay in labadeed lugood si qayrul-caadi ah u korayeen, ayaa dhakhaatiirtu ugu bushaareeyeen inay u heleen daawo, baadhitaanno ay muddo dheer ku sameeyeen dheecaankeeda DNA-da kadib.
Gabadhan oo lagu magacaabo Mandy Sellar, da’deeduna tahay 38 jir ayaa xaaladdan ku sugnayd intii ay dunida ku noolayd, waxaanay arrintaasi ka dhigtay curyaan lugahu aad u bararaan, marar badanna qallinno wax lagaga jaray lagu sameeyey, balse ilaa hadda aan korriinkii joojin cagaheeda oo ka weynaaday jidhkeeda kale oo dhan.
Xannuunka cago-korriinka ee haleelay haweenaydan Ingiriiska ah ayaan ilaa hadda loo helin magac rasmi ah, kadib markii dhakhaatiirta caafimaadku sheegeen inuu yahay noocii ugu horreeyey ee lagu arko qof adduunka guudkiisa ku nool.
Xaaladdani waxay gabadhan ku keentay inay socod iyo dhaqdhaqaaqba joojiso, waxaanay nolosheeda inta badan ku dhammaysatay fadhiga guriga dhexdiisa, laakiin waqtiyadan waxa loo sameeyey gaadhi curyaan ay mararka qaar dibada ugu baxdo.
“Noloshaydaba waxaan dareemayey dhibaato, waxaanan doonayaa inaan guriga ka baxo oo aan nolosha wax ka arko. Waxaan ahay qofkii ugu horreeyey ee adduunka ee cudurkan hayo, welina magacba looma hayo,” ayey tidhi Ms. Sellar.
Haseyeeshee, dhakhaatiir caafimaad oo ka tirsan Jaamacadda Cambridge oo la kulmay haweenaydan ayaa ugu bushaareerey inay daaweynta cudurkeeda u heleen daawo cusub, arrintaas oo aad uga farixsay Mss. Mandy Sellar.
Dr. Robrt Semple oo baadhitaan ku sameeyey DNA haweenaydan, ayaa sheegay inuu asiibay xannuun la ydihaa Proteus Syndrome oo ah xaalad jidhka qofku u ekaado maroodiga lab.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com





Recent Comments