telesom
logo
logo
logo
|

Wasiirka Maaliyadda oo Si Rasmi ah u Cadeeyay in uu Musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE u Taagan Yahay

 

Hargeysa (Togdheernews)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta xaflad qado sharaf ah oo uu u sameeyey wax-garadka, dhallinyarada iyo aqoonyahanka beesha uu ka soo jeedo ee Sacad Muuse ka hor caddeeyey inuu u taagan yahay musharaxnimada Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, kana qaybqaadan doono masuuliyiinta u tartamaysa marka shirweynaha xisbigu dhacayo bisha March ee inagu soo foolka leh.

Md. Cabdicasiis Samaael oo qado sharaftan beeshiisa maanta ugu qabtay hudheelka Maansoor ayaa isagu ka codsaday dadkii ka soo qaybgalay inay ku taageeraan inuu sidii uu u noqon lahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Xubno ka mid ah dadkii sharkaas ka qaybgalay oo aan saxaafadda u furnay ayaa mareegta Togdheernews u xaqiijiyey in uu Cabdicasiis beeshiisa ka codsaday inay hiil iyo hooba la garab istaagan sidii uu jagadaas ugu guulaysan lahaa.

Geesta kale, Guddoomiyaha-ku-meelgaadhka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna musaasibad tan oo kale ah beeshiisa Sacad Muuse ugu qabtay, kaasoo uu kaga codsanaayey in lagu taageero inuu xilkan si rasmi ah u qabto.

Labadan masuul ee isku beesha ka soo dhex jeeda ayaa ololahan xooggan ee kala jiidashada dhinaca beeshooda iyo u tartanka jagada guddoomiyenimo ee KULMIYE ka dhex qarxay, taasoo khilaaf hor leh u keeni karta xisbiga KULMIYE.

Weriye: Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)

Togdheernews/Hargeysa

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)