Ragga Wejiga Ballaadhan oo Noqday Kuwa ugu Cunsuriyadda iyo Gardarrada Badan Adduunka
Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Delware ee dalka Marakanka, ayaa daboolka ka qaaday in ragga wejigoodu gaaban yahay, balse ballaadhan yahay ay yihiin dadka gardarrada iyo falalka cunsuriyadda ugu badan adduunka.
Khubaradani waxay sheegeen in qaab-dhismeedka wejigu masuul ka yahay hadba sida dabeecadda qofku noqonayso, iyagoo tilmaamay in dadka wejiga balballaadhan leh ay soo saaraan hormoonada cadhada keena.
M. Eric Hehman oo madax u ah cilmi-badhayaashan, ayaa isagoo arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi; “Daraasaddani waxay baadhis ku samaysay arrinta ah in wejigu masuul ka yahay inuu qofku cunsuri noqdo, waanay noo soo baxday. Haddii aad doonayso inaad iska eegto qof khatar kugu ah wejigiisa si fiican ugu fiirso.”
Cilmi-badhayaasha oo ragga daraasadda ka qaybqaatay weydiiyey su’aalo ku saabsan aragtidooda ku aaddan dhinaca midab-takoorka, waxa u soo baxday in ragga wejiga balbalaadhan amma wejiyadoodu gaagaaban yihiin ay qaar cunsuriyiin ah oo ajnebiga neceb, dhinaca gardarradana ku badan.
Daraasaddan oo lagu daabacay wargey ka warrama cilmi-nafsiga oo la yidhaa Psychological Science, ayaa aad uga yaabisay dad badan oo su’aalo kala duwan iska weydiiyey.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdhernews.com




Recent Comments