telesom
logo
logo
logo
|

Abdiraxman Ubaxle oo Taariikh aan UK dib u soo marayn kaga tegey iyo Dayacii Jaaliyadaha oo Durba soo baxay..Rooda Xaaji Daauud

 


Bismilaahi Raxmani Raxiim ,,, Asalamu Calaykum Wa raxmatulaahi wa barakaatul.

Bacda salaan waxaan ugu horayn jaaliyadaha yurub ka tacsidaynayaa masuul qaaliya una hagar la,aa isku xidhka iyo walaalaynta jaaliyadaha Somalilandna waqti badan u huray oo ay waayeen waa Abdirahman Ubaxlee.

Mar labaadkana anigoo ku hadlaya magaca ururka Somaliland Comunities UK oo xaruntiisu tahay London Uk kana mida ururada uu Gudomiye Ubaxle mideeyey iskuna xidhay waxaanu ka xunahay Gudomiye Ubaxle oo is casilay anagoo tebi doona kana werwersan in uu masuulkaasi oo kale soo mari doono UK ama EU.

Ubaxle wuxuu ahaa masuul aad u furfuran oo dedaal badan si weyna ay ugu dheerayd qadiyada Somaliland waqtigiisa iyo hantidiisana u hura hawl kasta oo u taala qadiyada Somaliland, waxaan hubaa in taariikhda UK ama reer London aanay soo mari doonin rikoodhka uu Abdirahman Ubaxle sameeyey ee Sanadkii na soo dhaafay 18/5/2012 oo ay Xaflad aan Loo kala hadhin lagu xusay qadiyada Somaliland ee 18MAY.

Xaflada sanadkii hore dhacday waxaa ka soo qaybgalay ugu yaraan 2000 oo qof oo Somalilander ah iyo masuuliyiintii Somaliland ee ku sugnayn  London, waxay ahayd xaflad walaalaysay Jaaliyadaihii iyo Ururadii Reer Somaliland ee UK oo aan heshiis wanaagsani ka dhaxayn iyadoo xafladihii taas ka horeeyey ay koox waliba meelyar isku urursan jirtay halka dhinaca kalena ay faniin shisheeye ka samaysan jireen London Xaflado ay lacago ku urursadaan.kuna madcaaban 18MAY, waxan xasuustaa in markii Masuulkaasi uu horumarkaa ka gaadhay UK ay canaasiiri ku kacday taasina sababtay in Xafladii taas ku xigtay bil ka bacdi 26/6/2012 oo uu Wakiilka Somaliland Mr. Cawale uu khalkhal geliyey taasina ay sababtay in burburkii halkii ka bilaabmo oo laba xafladood oo yaryari ka dhacaan London meel kalena hadalkeeda daa.

Is Casilaadii Ubaxle waxay sababtay in Madaxweynihii Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo ) ay kooxihii uu Masuulkani Shaqadiisa ka wadan kari waayey qol yar ugu xareeyaan 40qof oo qaarkood goobtii isku qabqabsadeen iyadoo ay London keliya ku noolyihiin ugu yaraan 150.000 qof oo Somalilander ahi iyagoo isku wareegaya oo garan waayey meel madaxweynahoodii ku suganyahay.

Is Casilaada Ubaxle waxay kaloo sababtay in durba ay ilaa shalay soo if baxday is jiidjiidad ka dhexeeya fanaain iyo ganacsato sii xajisanaya qabashada xafladihii laga baayac mushtari jiray ee London ka dhici jiray markii masuulkii nidaamka u sameeyey uu meesha ka baxay.

Ugu danbayn waxaanu leenahay Md. Abdiarhaman Ubaxle Fadlan ka noqo iscasilaada bulshadana halkii aad ku jirtay ha ku banayn Xukuumada Madaxeyne Axmed Siilanyona waxaanu ka codsanaynaa inay xubnaha xukuumada nidaam u kala samayso masuul kastana shaqadiisa loo daayo shakhsiyaadka aan jaaliyaduhu arag marka hawli jirto ee la arko marka madaxweynuhu yimaadona ay ka dayso masuuliyiinta ay dhinac eryeyso hadii xubnahaasi muhiim idiin yihiina dee xilal u magcaaba ay idinku barbar yaacaan.

Rooda Xaaji Daauud
Xubin ururka Somaliland Communities UK
London UK

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)