Dugsiga Dhegoolayaasha Boorama oo caawimo La Gaadhsiiyay.
Boorama(Togdhnews)-Dugsiga dhagoolayaasha magaalada Boorame ee gobolka Awdal,ayaa la gaadhsiiayay maanta Deeq isugu jirta maacuun, dhar, maro-kaneecooyin, saabbuun iyo agab kale,waxaana deeqdan Bixisay
hay’add lagu magacaabo Hodan Foundation oo ka dhisan dalka Canada.
Axmed Xige Riiraash oo ay hay’addu u soo wakiilatay in uu deeqda ku wareejiyo maamulka dugsiga dhagoolayaasha ayaa sheegay in mucaawinada ay ka dhalatay kaddib markii ay hay’addu aragtay sida ay ardayda dhagoolayaasha ah ugu baahan yihiin in la caawiyo.
Maamulaha dugsiga dhagoolayaasha Boorame Faarax Axmed Cigaal ayaa ka mahadceliyay caawimaadda la soo gaadhsiiyay, wuxuuna hay’addaha kale ka dalbaday in ay gacan u fidiyaan dugsiga.
Dugsiga Dhegoolayaasha Boorama ,ayaa ah dugsigii u horeeyay ee ay yeeshaan dadka laxaadka dhegaha aan wax ka maqlin Islamarkaana waxa ka aflaxay arday badan oo dhegoolayaal ah.
TogdheerNews…Boorama.




Recent Comments