telesom
logo
logo
logo
|

Gudoomiyihii Ahlu Sunna oo Muqdisho ku Geeriyooday.

 


Alle ha u naxariistee, guddoomiyihii guddiga fulinta ee maamulka Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa goor dhowayd ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay mas’uul sare oo ka tirsan Ahlu Sunna .

Xeefow oo da’diisu ay ahayd 50 jir ayaa ku dhintay isbitaalka Xalane oo looga daaweynayay cudurka sonkorta.

Guddoomiyaha guddiga talada Colow Sheekh Cabdiqaadir Aadan ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay geerida hoggaamiyaha.

Colow wuxuu sheegay in maydka marxuumka isla maanta loo duulin doono magaalada Guriceel si halkaas loogu aaso.

Wararku waxay sheegayaan in Xeefow oo qabay cudurrada sonkorta iyo dhiig-karka uu xanuunsaday xalay, waxaana isla markiiba loo duuliyay magaalada Muqdisho si halkaas loogula tacaalo xanuunkiisa.

Xeefow, oo ahaan jiray macallin dugsi hoose iyo ganacsade caan ka ah gobolka Galgaduud ayaa August 2011 loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka Ahlu Sunna.

Guddi ka kooban 32 xubnood ayaa xilligaas Xeefow waxay ku doorteen magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Shalay mar uu la hadlayay warbaahinta, Xeefow wuxuu ka dalbaday madaxda sare ee dowladda Soomaaliya in ay tagaan gobolka, si ay indhahooda ugu soo arkaan xaaladda bini’aadannimo ee ka jira halkaas.

Wuxuu sheegay in gobolka ay ka jirto xaalad bini’aadannimo oo aad u liidata, sidaasi darteedna loo baahan yahay in la gargaaro dadka dhibaateysan.

TogdheerNews

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)