Masuul loo Magacaabay Madaxa Sirdoonka CIA-da Maraykanka oo Lagu Eedeeyey inuu Diinta Islaamka Qaatay

Masuulka dhowaan noqon doona madaxa hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, ayaa lagu eedeeyey inuu diinta islaamka qaatay, maadaama uu hore madax uga soo noqday waaxda sirdoonka dalkiisa oo ku taal waddanka Sucuudi Carabiya sannadkii 1990-kii sida uu sheegay sarkaal hore uga tirsanaan jiray hay’adda dambi-baadhista Maraykanka ee FBI.
Mr.John Guandolo oo sannadkii 2008 hawlgab ka noqday hay’adda sirdoonka maxalliga ah ee FBI-da Maraykanka, ayaa waraysi uu siiyey idaacadda Trento Radio ku sheegay in Mr. John Brennan oo Madaxweyne Obama u magacaabay hoggaamiyaha cusub ee CIA-da uu booqday magaalooyinka barakaysan ee Mekkah iyo Madinah, kadibna saraakiil Sucuudiyaan ah ku dhiirrigeliyeen inuu qaato diinta Islamka.
Mr. Guandolo waxa uu dooddiisa arrintaas ku sii xoojiyey tusaaleyaal uu u soo qaatay mid ka mid ah ciidammada Marines Maraykanka oo Al-qaacida afduub u haysteen, kadibna qaatay diinta Islamka, wixii intaa ka dambeeyeyna bilaabay inuu la shaqeeyo hay’adda sirdoonka CIA, waxaannu idaacadda Trento Radio u sheegaay in Mr. Brennan uu booqday Sucuudiga waqtiyo kala duwan oo beegan xilliga muslimiintu gutaan waajibaadka xajka, kaasoo 1996 ilaa 1999kii madax ka ahaa xarun CIA-du ku leedahay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga.
Sidoo kale, Mr. Guandolo waxa uu sheegay in sarkaalkan loo oggolaado tegista magaalada Makkah oo gelisteedu mamnuuc ka tahay dadka aan muslimiinta ah, balse madaxa cusub ee sirdoonka Maraykanku isagu si toos ah u galay, sidaa darteed waxa uu ku taliyey in Mr. John Brennan aannu ninkan ku habboonayn qabashada xilka hoggaaminta CIA-da, waxaannu badka soo dhigay in dhammaan masuuliyiinta Maraykanku la socdaan in masuulkaasi Islam yahay.
Mr. Brennan oo 57 jir ah ayaa muddo ka badan 30 sanno waxa uu ka soo shaqaynayey hay’adda sirdoonka Maraykanka, waxaanay dadka aqoonta u leh ku tilmaamaan inuu yahay nin khibrad, aqoon iyo waayo-aragnimo u leh hawlaha basaasnimada.
Madaxweyne Brack Obama ayaa Mr. Brennan u magacaabay 7 Janury, 2012 inuu noqdo taliyaha cusub ee hay’adda sirdoonka Maraykanka ugu sarraysa ee CIA-da, kadib markii uu General David Petraeus xilkaas isaga casilay fadeexado hadheeyey noloshiisa.
Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com




Recent Comments