telesom
logo
logo
logo
|

Dhakhaatiir Maraykan ah oo Shirkada Telesom oo Casho-sharaf u Samaysay

 


Hargeysa (Togdhnews)- Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom, ayaa  casho-sharaf u samaysay dhakhtar Stephen Gorden oo u dhashay dalka Maraykanka, xaaskiisa iyo laba kalkaaliyayaal caafimaad ah oo midkood tahay gabadh Soomaaliyeed, kuwaasoo shirkaddu ka soo kaxaysay dalka Maraykanka si ay hawlo caafimaad oo bilaash ah uga fuliyaan Somaliland.

Casho-sharafta loo sameeyey dhakhaatiirta Maraykanka ah waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Telesom Mr. Cabdikariim Maxamed Iid, masuuliyiin sare oo shirkaddaas ka tirsan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Cabdi Axmed Nuur (Guray), Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Cumar Askar, wasiirkii hore ee Qorshaynta Qaranka Mr. Cali Ibraahin Maxamed (Sanyare) iyo marti sharaf kale oo lagu martiqaaday.

Wwasiirkii hore ee Qorshaynta Mr. Cali-sanyare, ayaa sheegay in Telesom kaalin fiican kaga jirto horumarka dalka iyo wax-ka-qabashada arrimaha bulshada, waxaannu ku ammaanay shirkadda waxqabadka ay muujisay.

Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Xaaji Askar oo isaguna madashaas ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey hawlaha dhinaca caafimaadka ah ee dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaad ee Maraykanka ah ka qabteen cusbitaalka Hargeysa, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen qalliino bilaash ah oo dad kala duwan loo sameeyey, isagoo Telesom ku ammaanay kaalinta ay ka qaadatay in dhakhaatiirtaas Maraykanka ah dalka ka fuliyaan adeegyo caafimaad oo bilaash ah.

Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland, ayaa guul weyn ku tilmaamay tallaabada shirkadda Telesom qaadday ee lagu suurtogeliyey in dhakhaatiir ajnebi ah la keeno dalka si ay adeegyo caafimaad oo bilaash ah uga fuliyaan cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Waxa kaloo xafladdaas ka hadlay Dr. Stephen Gorden iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee la socday, kuwaasoo sheegay inay tahay markoodii ugu horreysay ee ay Somaliland yimaadaan, waxayna tilmaameen in shaqada ay dalka ka fuliyaan ugu socoto si fiican.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdi Axmed Nuur oo isna halkaa ka hadlay, ayaa shirkadda Telesom uga mahadceliyey dhakhaatiirka ay keentay Hargeysa, isagoo tilmaamay in wasaaraddiisu ku tiirsan tahay Telesom.

“Dhammaantayo waxaannu ku tiirsanahay shirkadda Telesom, wasaaraddayaduna internet-ka ay ku shaqaysaa waa kan Telesom, lacagahana waxaannu isugu gudbinaa adeegga Zaadka, Telesom hawlaha ay hadda nala soo galeen ee xagga caafimaadka ahna aad baanu ugu faraxsanahay, waanan soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadku.

Dhakhaatiirta Maraykanka ah muddadii ay joogeen Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxay qalliinno bilaash ah u sameeyeen dadka gubtay oo qaarkood xubaha jidhkoodu isku dhegsanaayeen sida qoorta, gacmaha iyo meelo kale. Waxa kaloo ka mid ah qalliimo ay u sameeyeen dadka faruuran, kuwaasoo dhammaantood lagu guulaystay.

TogdheerNews..Hargaysa.

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)