“Waxaa Dastuurka Qaranka Somaliland uu Damaanad Qaadayaa in Muwaadin kasta oo Somaliland ahi in uu qaabkasta oo uu doono uu dareenkiisa u cabiro”
Hargeysa (Togdhnews) Murashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa si mug leh u cambaareeyay xadhiga lagula kacay Afhayeenka Xisbiga UCID ee gobolka Saaxil.
Jamaal Cali Xuseen oo warsaxaafadeed ka Soosaaray arintan waxa uu u dhignaa Sidan.
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan Anagoo ah Xisbiga Cadaallada iyo Daryeelka ee UCID waxaanu si mug-leh oo wada jir ah u-canbaareyneynaa Xadhiga foosha xun ee lagula kacey Afhayeenka Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Mudane: Bootaan Guuleed Ahmed oo ka mid ahaa Mujaahidiintii u soo Halgamey Qadiyada iyo qaranimada Somaliland.Waxaanu Xukuumada ka codsaneynaa in ay Muwaadinkaa ay Xoriyadiisa oo buuxda Si-deg-Deg ah ugu -soo celiso.
Waxaa Dastuurka Qaranka Somaliland uu Damaanad Qaadayaa in Muwaadin kasta oo Somalilander ahi in uu qaabkasta oo uu doono uu dareenkiisa u cabiro karo Xukuumadana dhaliili karo, weliba isagoo af-hayeen u ah xisbi mucaarid ah dastuurkuna xaq u siiyey inuu dhaliilaha xukuumada si waafiya uga hadli karo. Xukuumadda waxa looga fadhiyaa inaanay ku xad gudbin xoriyatalqowlka, Karaamada iyo milgihii uu xaqa u-lahaa muwaadinkaa Xisbiga mucaaradka ah ka tirsanaa ee loo igmadey xilkaasi, iyo weliba muwaadaniinta kale ee rear Somaliland iyadoon loo marin sifihii sharciga ahaa?.Ayuu ku yidhi Warsaxaafadeedkaasi.
Maxakamada Gobolka Hargaysa ayaa maanta Nadra Maxamed Jaamac oo xidhnayd wasiirka Madaxtooyada oo la sheegay inay u dirtay fariimo Massage ah,ku xukuntay xadhig sideed bilood ah.
TogdheerNews.




Recent Comments