telesom
logo
logo
logo
|

Doon Kuluumaysi Oo Ku Degtay Xeebta Degmada Maydh.

 

Maydh(Togddhnews)- Doon Kaluumaysi oo laga leeyahay Wadanka Yemen ayaa  galabnimadii maanta  ku degtay Xeebta Degmada Maydh ee Gobolka Sanaag.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Iyo Ilaalada Xeebaha ee Somaliland Sareeye Guuto Axmed Aw Cismaan oo u Waramayay Warbaahinta , ayaa sheegay in doontan oo ahayd mid Kalluumaysi lagana leeyahay Wadanka Yemen ay degtay saacadu markay ahayd Shantii iyo Badhkii galabnimo.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebuhu waxaa kale oo uu Sheegay in Ciidanka Badu u gurmadeen markii ay doontan iyo laba laash oo saarnaa ay degtay isla ,markaana ay ka soo badbaadiyeen dhamaanba dadkii saarnaa oo shan qof ahaa.

Sareeye Guuto Axmed Aw- Cismaan, waxa uu intaas ku daray in lagu hayo shaqaalihii doontaas saarnaa iyagoo bed qaba fadhiisinka Ciidanka Ilaalada iyo Difaaca Xeebaha ee Degmada Maydh.

Taliyuhu waxa uu ammaan u soo jeediyay ciidanka illaaladda xeebaha ee u gurmaday samato-bixinta bad-maaxeyaashaasi ajanabiga ah.

TogdheerNews..

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)