Calashiga Xanjada oo u Wanaagsan soo Jeedka Maskaxda
Cilmi-baadhis cusub ayaa iftiimisay in calashiga xanjadu aad ugu fiican tahay maskaxda aadamaha iyo soo jeedkeedaba.
Daraasaddan oo ay soo saareen khubaro u dhashay dalka Japan, ayaa tilmaantay in calasahiga xanjadu 10% kor u qaado fikirka maskaxda waqtiga qofku hawlaha culus ku jiro.
Warbixinta cilmi-baadhista oo lagu qoray wargeys la yidhaa Journal Brain and Cognition oo caafimaadka maskaxda wax ka qora, waxa tusaalayaasha khubaradani soo qaateen ka mid ah tababaraha kooxda kubadda cagta ee Man United, Sir Alex Ferguson, kaasoo daqiiqadaha kooxdiisu ciyaarayso xanjo calashada, afkiisana aanay mar qudha ka bixin.
Waxa kaloo daraasaddani in calashiga xanjadu soo dedejiso siddeed qaybood oo maskaxda bani’aadamka ka mid ah, waxaanay si gaar ah u sheegeen cilmi-baadhiyaashu in canjo-calashigu maskaxda qofka dhiigga gaadhsiiyo.
Cilmi-baadhistan waxa si gaar ah loogu tijaabiyey dad iyagu aad u isticmaala calashiga xanjada iyo kuwo aan afkooda gelin mar qudha, taasoo la ogaaday in dadka xanjada calaashada 30 daqiiqaba soo saaraan fikirro aad u cajiib ah, halka ay kuwa kale ku qaadato muddo intaas ka badan.
Ragga iyo haweenka aan cunin xanjada waxay ku qaadatay inay fikir falcelin ah soo saaraan 545 ilbidhiqsi, marka la barbardhigo kuwa cunta oo iyaga inay fikir-jawaabeed la yimaadda 493 il-bidhiqsi gudahood.
“Natiijada daraasaddani waxay daaha ka qaadday in calashiga xanjadu kor u qaado fikirka degdegga ah iyo in maskaxda qofku noqoto mid soo jeedda muddada uu afka ku hayo canjada, taasina waxay keenta in qofkaasi guulo waaweyn gaadho.” Sidaa waxa yidhi cilmi-baadhe ka tirsan kooxda cilmi-baadhistan diyaariyey, kana tirsan mac-hadka noocyada maskaxda lagu baadho ee National Institute of Radiological Science oo ku yaal dalka Japan, sidoo kalena adduunka xarumo badan ku leh.
Cilmi ahaan ragga way u fududahay inuu waajibaadka iyo masuuliyadda xaasaskiisa ka saaran si fiican u guto, balse haddii haweenaydu leedahay wax ka badan hal say aad bay ugu adag tahay inay si siman waajibaadkeeda ninkeeda siduu yahay u fuliso, sababtoo ah dumarka waxa ku yimaad xaalado badan oo dabeecadaha jidh ahaaneed keenaan sida xilliyada caadada ay helaan (menstrual cyle).
Sababahan kor ku xusan iyo qaar badan oo Ilaahay xigmadiisa ku sheegay ayaa jira, kaasoo uu dumarka kaga mannuucay inay noqdaan qaar rag badan yeesha.
Ibraahim Khadar Sicid
Togdheernews.com




Recent Comments