Awrgaal Nabar Uu Ogyahay Uma Gagabo.
Anigoo ah Suldaan Maxamuud C/laahi X.Aadan kana mid ah Salaadiinta Beesha Habar Yoonis waxaan Maqaal kan kaga hadlaya habka ay u dhacday bixinta Darajada Ciidamada, ugu horeyn waxaan hambalyo u dirayaa Ciidanka Qaranka S/Laand xuska sanad Guurada 19aad ee ka soo wareegtay Maalintii Aasaaska Ciidanka, Darajada Ciidanka in la siiyaa way haboontay waana wax mudo badan la sugaayay hase yeeshee sida loo bixiyay waxa ka muuqda saluug badan lagumana salayn habka saami qaybsiga beelaha Beel ahaana kuma qanacsanin Nabar aad ika ogtahayna kuma dilo. Hadaba sida uu sheegay Suldaanka Guud ee beelaha H/Yoonis (Suldaan Maxamed Suldaan XirsiQani) waanu filaynay in M/weyne (Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo) uu ka qadinaayo beesha Darajada Sare ee Ciidamada.
Waxaana cadayn u ah M/weynuhu wuxuu bixiyey 12 Darajo mid mooye 11ka kale waxay ahaayeen Darajada (Sareeye Gaas, Sareeye Guuto) midkuna wuxuu ahaa (Gaashaanle Sare) waxaan leeyahay sarkaalka maxaa looga reebay saraakiisha, ma beesha ayaan lala rabin Darajada Janaraal? waxase haboonayd in lala sugo marka la bixin ayo Darajada Gaashaanle sare, waxa kale oo jira Saraakiil la magacaabay saacado ka hor wakhtigii la bixinaayay Darajada oo la siiyay Darajada Janaral si loogu raali geliyo Beelaha ay ka soo jeedaan Beesha H/Yoonis miyay ka duwan tahay beelahaas? Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa Maahmaahdan (Awr Gaal Nabar uu Og yahay uma Gagabo).
ALLAA MAHAD LEH:
Suldaan Maxamuud C/Laahi X.Aadan.
Email: samalaho2@hotmail.com




Recent Comments