Madaxweyne Siilaanyo oo Dhaqan-geliyay Xeerka Sirdoonka iyo Madaxtooyada oo ku Wacad-furtay Ballan u Taallay Saxaafadda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saxeexay dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo dhawaan loo gudbiyey, kadib markii labada ee Wakiillada iyo Guurtidu ansixiyeen, kaas oo cabasho ay ka muujiyeen saxaafadda maxalliga ah iyo hay’adaha xuquuqal-insaanku qodobbo ku jira oo liddi ku ah xorriyatul-qawlka.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo saaray shalay digreeto uu ku dhaqan-gelinayo Xeerka Sirdoonka oo ay Madaxtooyada Somaliland iyo guddi ka tirsan warbaahinta maxalliga ah u ballansanaayeen in meel laysla dhigo cabashooyinka ku saabsan qodobo xeerka ku jira oo aad looga qayliyey ka hor inta aannu Madaxweynuhu qallinka ku duugin dhaqan-galkiisa.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul oo lagu shaaciyey digreetada Madaxweynuhu dhaqan-geliyey xeerka Madaxtooyadu ku wacad-furtay ballantii u taallay guddiga saxaafadda xorta ah waxa uu u qornaa sidan:
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta [shalay] digreeto madaxweyne ku dhaqan-geliyey Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.
Madaxweynuhu:-
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL; Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012;
Wuxuu soo saaray dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Haseyeeshee, go’aanka Madaxweynuhu ku saxeexay Xeerka Sirdoonka ayaa noqonaya in Madaxtooyadu ku wacad-furtay wadahadal loo ballansanaa inay kala yeelato warbaahinta dalka cabashada xeerkaasi oo qodobbo ka mid ah cabudhin iyo dhibaato ku noqonayaan shaqada hayaan iyo guud ahaan mabaadi’da xorriyatul-qawlka dastuurka Somaliland dammaanad-qaaday.
Dadaallo ay ku jireen guddi ka kooban sagaal xubnood oo matalayey ururka SOLJA iyo hay’adaha warbaahinta madaxbannaan oo doonayey inay cabashooda u bandhigaan Madaxweynaha, kana codsadaan in aannu u saxeexin ilaa wax-ka-beddel lagu sameeyo, ayaa hakad kaga yimi hawlihii doorashada dartood uu Wasiirka Madaxtooyada Mr. Xirsi Cali Xasan oo la kulmay kula ballamay inay arrintan Madaxweynaha kala hadli doonaan kadib natiijada doorashada, isagoo u ballanqaaday in aan muddadaas Madaxweynuhu saxeexi doonin xeerkan. Hase ahaatee, iyadoo aannu qabsoomin kulankii loo ballansanaa ayaa si lama filaan ah shalay u soo baxday digreetada Madaxweyne Siilaanyo ku dhaqan-gelinayo Xeerka Sirdoonka ee muranka dhaliyey.
Sidoo kale, waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhaqan-geliyey wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta [shalay] digreeto madaxweyne ku dhaqan-geliyey wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka.
Madaxweynuhu:
Markuu arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL; Go’aan Lr. GW/G/KF-19/582/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001;
Wuxuu soo saaray dhaqan-galka wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001 ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kale oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.




Recent Comments