Golaha Degaanka Burco oo Fadhigoodii u Horreeyey ku Korodhsaday Mushaharka ay Qaataan
Burco (Togdheernews.com)- Golaha cusub ee degaanka magaaladda Burco, xarunta Gobolka Togdheer, ayaa fadhigoodii ugu horreeyey ku ansixiyey miisaaniyad-sannadeedka dawladda hoose ee 2013-ka oo ay ku jirto korodhisiimada lagu sameeyey gunnada xildhibaannadu iyo mushaharka shaqaalaha dawladda hoose.
Sida ilo-wareedyo xogogaal ah Togdheernews.com u xaqiijiyeen, fadhi ay golaha cusub ee degmada Burco yeesheen Khamiistii toddobaadkan oo saxaafaddu dibadda ka joogtay, waxa xildhibaannadu ku ansxiyeen miisaanyadda dawladda hoose, iyadoo 19 mudane oo fadhigaas ka qaybgalay dood adag ka yeesheen markii xubnaha golaha cusub fadhiga soo hordheen in miisaaniyadda lagu daro korodhiisimada gunnooyinka ay qaataan, balse waxa arrintaas ganafka ku dhuftay oo si adag uga horyimi Maayir Maxmed Yuusuf Muraad iyo ku-xigeenkiisa Muxumed Xasan Xoday, kuwaas oo sheegay in aan waqtigan loo baahnayn korodhiisimo gunno, laakiin golaha looga baahan yahay waxqabad.

Waxa kale oo masuuliyiintani si cad u tilmaamayeen in culayska la saaro oo miisaaniyaddu loo badiyo dhinaca mashaaricada horumarinta.
Haseyeeshee, doodda miisaaniyadda oo ahayd mid adag oo xildhibaannadu isku mari waayeen, isla markaana socotay ilaa 3:00 galabnimo ee maalintaas, ugu dambayn waxay mudanayaashu ku duduuceen maayirka iyo ku-xigeenkiisu inay aqbalaan dalabkooda ku wajahan korodhsiimada gunnooyinkooda, sidaasna waxa lagu ansixiyey miisaaniyad-sannadeedka dawladda hoose ee Burco oo dhan 12,042,593,060 (laba iyo toban bilyan, laba iyo afartan milyan iyo shan boqol, shagaashan iyo saddex iyo lixdan kun) shillinka Somaliland ah, taasoo 10,854,600 ka badan miisaaniyaddii sannadkii dhammaaday ee 2012.
Kordhsiimada gunnooyinka xildhibaannada cusub samaysteen waxay dhan tahay 33%, halka shaqaalaha dawladda hoosena 20%loo kordhiyey mushaharooyinka.
Inkastoo miisaaniyadda golaha degaanka ansixiyey ka muuqdaan mashaariic waaweyn dhinaca horumarka ah, haddana xildhibaannada cusub ee degaanka Burco, ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyey ee korodhsada gunnada ay qaataan.
Togdheernews.com
Burco/Office




Recent Comments