telesom
logo
logo
logo
|

Guddiga TALO iyo TAWFIIQ oo uga Digay Xukuumadda inay Wax ka Beddesho Saami-qaybsiga Beelaha Togdheer

 

 

Ceerigaabo (Togdhnews)- Guddiga iyo TALO iyo TAWFIIQ ee beelaha Galbeedka Burco oo maalmihi  u dambayeey ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa  shir-jaraa'id oo ay halkaas ku qabteen shalay, waxay xukuumadda Somaliland  ugu baaqeen  inay ka  digtoonaato  wax-ka-beddel  lagu sameeyo nidaamkii  saami-qaybsiga  beelaha ee Gobolka Togdheer.

Sidoo   kale,  waxay  ka hadleen  habkii  ay  u dhacday  dalka  doorashadii  degaannadu   iyo  arrimo  kale.

“Dalka waxa ka dhacday doorashooyinkii degaanka oo muddadii loo qabtay ku qabsoomay laakiin maxaa ka soo baxay, waxay dawlada Somaliland si badheedha oo musuqmaasuq iyo boob baahsan oo dalka oo dhan ku baahsan oon xishood lahayn ku samaysay doorashadii dalka ka dhacday ee golayaasha degaanka. Waxyaabaha dalka oo dhan saameeyey waxa ka mid ah in dawladdu la timi sanaaduuq dheerada oo ka siyaado ah sanaaduuqdii komishanka, isla markaan gaystay goobo aan loogu talogalin in doorasho ka dhaco. Sidoo kale, ciidammada qaranka oo dadka u dhexeeya, kana masuul ah ammaanka dalka lagu khasbay in ay codeeyaan oo waliba xisbiga xukuumadda u codeeyaan.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Talwo iyo Tawfiiq Mr. Xasan Xuseen Faarax.

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay saami-qaybsiga beelaha ee Gobolka Togdheer, isagoo  xukuumadda   uga digay  inaanay  ka weecan  qaabkii hore ee beelaha gobolkaasi wax u qaybsan jireen.

“Togdheer waxay lahayd dhaqan  iyo sunne  la raaco  oo ay wax ku qaybsato,  kaasoo  xukuumad kastaa  raaci jirtay,  maadaama Burco tahay goob xaasaasi ah. Maanta reerka leh Badhasaabnimada waa la garanayaa, reerkiina waa u taagan yahay oo waa sugayaa, sidaa daraadeed xukuumaddu waa in ay si degdeg ah ugu soo magacawdaa badhasaabkii gobolka."

Waxa kaloo uu Gudoomiyuhu ka digay cawaaqib-xumada ka dhalan karta haddii wax laga bedelo habkii saami-qaybsiga beelaha Togdheer, taasoo uu sheegay inay keeni karto dhibaatooyin badan oo ay masuuliyadooda xukuumaddu tunka u ridan doonto.

Mujaahid Ibraahim Jaamac oo ka mid ah xubnaha Guddiga Talo iyo Tawfiiq, ayaa isaguna sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay derajada ciidammada ee ay dhowaan ballanqaaday in loo qaybiyo si caddaalad ah.

"Xukuumadda Somaliland waxaan u sheegayna in arrinta derajada ciidammada ee la doonaayo in la siiyo ciidamada waa inay noqoto mid ay isku dheellitiran yihiiin beeluhu amma nidaam ay ka wada raalli yihiin lagu bixiyo, haddii kale waxay noqon doontaa mid dhibteeda leh oo khalkhal galin karta amaanka dalka,” ayuu yidhi Ibraahim Jaamac.

TogdheerNews..Ceerigaabo

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)