Guuldaradii Xukuumada ee Hanashada Maayir ku xigeenka Berbera oo Galaafatay Badhasaab Ramaax Iyo Ciidamo Xoogan oo RRU-ah oo Gaadhay Berbera Bilaabayna…
Hargaysa (Togdhnews)- Madaxweynaha Somaliland Md.Axamed Maxamed Siilaanyo ,ayaa warsaaxafeed uu soo saaray goor dhaweyd ku sheegay inuu xilkii ka qaaday Badhsaabkii Gobolka Saaxail Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax) ,islamarkaana u magacaabay Cali Maxamed Cilmi, Sidoo kale waxa Warsaxaafadeedkan lagu sheegay in Xamarji mar kale loo magacaabay Badhasaabka Maroodi Jeex.
Badhasaabka Saaxil Mr.Ramaax ayaa wararku sheegayaan inay galaafatay ka dib markii uu Xukuumada iyo Xisbigiisu ay guuldaro xumi ka raacday ololihii ugu weynaa ee ay u galeen ,sidii maayir ku xigeenka Berbera looga dhigi lahaa nin ka soo jeeda beesha Bariga Burco ,balse ay ku hungoobeen.
waxa Kale oo wararka caawa ka imanayaa magaalo xeebeedka Berbera ,ayaa tilmaamaya in ciidanka loo yaqaan RRU , oo wata gaadiid badan ay caawa gaadheen magaaladaasi, kuwaasoo la sheegay inay isku xeereen Xarunta Dawlada Hoose Berbera, Xaruntii Gobolka, iyo afeefka hore ee dekada.
geesta Kale , waxa kacsan xiisada magaaladaasi, waxaana ka bilaabmay shirar hoose oo lagag arinsanayo arimahan soo kordhay.
TogdheerNews..Hargaysa.




Recent Comments