Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE oo Weji-gabax Fool-xun Kala Kulmay Golaha Degaanka Berbera Iyo Maayir Cabdala oo dawlada Ku Eedeeyay.
Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa weji-gabax fool-xun kala kulmay doorashadii maayirka iyo maayir-ku-xigeenka Berbera, kadib markii ay ku fashilmeen dedaal xooggan oo ay ku doonayeen in xubno ay danaynayeen loo doorto maayirka iyo ku-xigeenka Berbera.
Kulanka lagu doortay maayirka iyo maayir-ku-xigeenka magaalada Berbera oo ka dhacay xarunta maamulka gobolka Saaxil, waxa hadheeyey buuq iyo qaylo ka dhashay isku dayday wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan ku doonayey in fadhiga golaha dib loo dhigo si aanay wax doorasho ahi u dhicin, balse waxa qorshahaas gaashaanka ku dhuftay Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ku adkaystay in kulanku qabsoomo, lana doorto maayir iyo maayir-ku-xigeenka Berbera oo ka soo kala baxay xisbiga UCID iyo Urur-siyaasadeedka WADDANI.
Sida uu ku soo waramay suxufi Jamhuuriya ka tirsan oo ku sugnaa goobta golaha degaanka Berbera fadhiga ku yeeshay, waxa kulankaas oo uu guddoominayey Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ka xaadiray 12 xildhibaan oo ka mid ah 21-ka golaha degaanka Berbera ka kooban yahay, kuwaasoo cod gacan-taag ah ku doortay maayirka magaalada Berbera, ahna guddoomiyaha golaha degaanka Md. Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cabdishakuur-cidin) oo ka soo baxay xisbiga UCID, halka ay sidaas oo kalena u doorteen Md. Baashe Cabdillaahi Ibraahim (Yacquub) oo ka soo baxay urur-siyaasadeedka WADDANI inuu noqdo maayir-ku-xigeenka Berbera.
Go’aanka golaha degaanka magaalada Berbera oo ah dekedda laf-dhabarta u ah dhaqaalaha dalku ku doorteen maayirka iyo maayir-ku-xigeenka, ayaa weji-gabax fool-xun ku noqday xukuumadda talada haysa iyo xisbigeeda KULMIYE, kuwaasoo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii loo dooran lahaa maayir iyo maayir-ku-xigeen ay wataan, iyagoo si gaar ah u danaynayey in maayir-ku-xigeenka Berbera loo doorto xildhibaan ka soo jeeda beesha bariga Burco (Habar-jeclo), iyadoo qorshahaas oo ilaa madaxtooyada is-daba taxnaa guul-daraystay markii maayir-ku-xigeenka shalay loo doortay xildhibaan Baashe Cabdillaahi Ibraahim (Yacquub) oo ka soo jeeda beesha galbeedka Burco, kana soo baxay ururka WADDANI.
Xukuumadda oo uu wakiil ka ahaa wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa olole ugu jirtay sidii dib loogu dhigi lahaa fadhiga golaha degaanka Berbera shalay yeeshay ee lagu doortay maayirka iyo ku-xigeenka, kuwaasoo qorsheeyey in fadhigaas dib loogu riixo ilaa maalinta Axadda si ay fursad ugu helaan inay kala jabiyaan xildhibaannada golaha degaanka Berbera ee qorshahooda ka soo horjeeda, isla markaana tiro aqlabiyad ah uga raadsadaan xildhibaannada si maayirka iyo ku-xigeenkiisa loogu doorto xubnaha ay sida gaarka ah u danaynayeen.
Hasayeeshee, waxa qorshahaas fashiliyey Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), isagoo go’aansaday in fadhiga golaha degaanku qabsoomo, isla markaana la doorto maayirka iyo maayir-ku-xigeenka, arrintaas oo sababtay inay is khilaafeen badhasaabka iyo wasiir-ku-xigeenka amniga ee wasaaradda daakhiliga oo dedaal ugu jiray in aanay saxaafaddu waxba ka duubin kulanka lagu doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeenka golaha degaanka Berbera, isla markaana gabi ahaanba fadhigaas dib loogu riixo Axadda toddobaadkan.
Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, waxa uu goobta ka sheegay in sagu leeyahay amarka askarta ammaanka ku sugaysay ku shaqaynayso, isagoo ciidanka ku wargeliyey in aanay saxaafadda u ogolaan inay gudaha u galaan hoolka doorashadu ka dhacday, balse Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa wasiir-ku-xigeenka ku wargeliyey inuu yahay madaxweynaha gobolka, sidaa darteedna amarkiisa oo qudhi shaqaynayo, waxaannu amray in saxaafaddu gudaha u gasho hoolka xildhibaannada golaha degaanku ku doorteen maayirka iyo ku-xigeenka ay xukuumaddu sida xooggan uga soo horjeeday.
Dhinaca kale, maayarkii hore ee magaalada Berbera Md. Cabdale Maxamed Carab (Sandheere) oo isagu hore uga tanaasulay inuu u tartamo maayarnimada Berbera, kana mid ahaa xildhibaannadii doortay maayirka iyo maayir-ku-xigeenka cusub, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay farogelinta ka dayso golaha degaanka Berbera.
"Waxaan xukuumadda leeyahay idinkuba kursiga doorashaad ku timaadeen ee faro-gelinta ha laga daayo golaha deegaanka Berbera,” ayuu yidhi Md. Cabdalle Maxamed Carab oo shalay saxaafadda kula hadlay hoolkii lagu doortay maayirka iyo maayir-ku-xigeenka Berbera.
Waxa maayirkii hore ee magaalada Berbera sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay doorashada maayirka iyo maayir-ku-xigeenka cusub, isagoo ballanqaaday si wanaagsan ula shaqayn doono xubnaha la doortay, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi;
"Waxaannu aad ugu faraxsanahay 10 sannadood dabadeed in aanu maanta (shalay) halkan ku doorano dhallinyaro cusub ee la soo doortay Cabdishakuur Cidin iyo Baashe Cabdillaahi Ibraahim (Yacquub), waxaannu ugu bushaaraynaynaa dadweynaha ku dhaqan Gobolka Saaxil inaanu si wanaagsan ula shaqaynayno, xil wareejin wanaagsan aannu u samaynayno, waxaanan u rajaynayaa guul."
xigasho jamhuuriya





Recent Comments