Maayirkii Hore ee Burco oo Wareejiyey Xilkii iyo Lacag Badan oo Isugu Jirta Shillinka Somaliland & Doollar
Xaflad ballaadhan oo ay xilka kula wareegayeen maayirka cusub ee loo doortay degmadda Burco Sheekh Maxamuud Yuusuf Muraad iyo maayirkii hore Maxamuuud Axmed Xasan Dhegalaab, ayaa shalay ka dhacday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Xafldan xilka lagula kala wareegayay oo ay ka gaybgaleen Maamulka gobolka, Wasiiru–dalaha Maaliyadda, Guddiga horumarinta, guddoomiyaha Jaamacadda Burco, Xildhibaannadda cusub, qaarka mid ah hay’adaha samafalka caalamiga iyo kuwa wadaniga ah iyo dadweyne badan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Dawlada Hoose.
Maayirkii hore ee degmada Burco ee isagu xilka wareejinayay Md. Maxamuud Dhegalaab oo warbixin dheer ka jeediyey xafladaas, ayaa ka xogwaramay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay dawladda hoose, isagoo xusay in markii uu xilka qabanayey la wareegay dayn badan, shaqaalaha oo mushahar qaadan 13-bilood, gaadiidka oo fadhiya, balse hadda aanay jir wax dayn ah oo uu wareejiyey.
“Waxaa ii sharaf ah maanta (shalay) in aan wareejiyo hanti dhaqaale oo dhan 707,357, 792.SLSH (toddoba boqol iyo toddoba milyan, saddex boqol, konton iyo toddoba kun, toddoba boqol, laba iyo sagaan shillinka Somaliland ah) iyo $2,840 dollar. Waxaan wareejinayaa shaqaale dhan 341 oo aan wax dayn ah lahayn, marka laga reebo mushaharkii bishan socota, waxaan wareejinayaa gaadiid wada shaqaynaya oo leh hoostadiisii, dhammaan waaxyaha dawladda hoose oo xafiisyadoodu wada qalabaysan yihiin, kuna shaqeeya qalab casri ah, waxaan wareejinyaa qaybta xisaabaadka dawladda hoose oo ku shaqeeya nidaam xisaabeed casri ah oo aad si fudud u heli karto xisaabtii bil kasta, sannad kasta iyo maalin kasta, waxaana arrintan naga caawisay oo uga mahadcelinyaa hay’adda Habitat oo maanta goob-joog ka ah xafladan,” ayuu yidhi maayirkii hore ee Burco, isagoo intaas ku daray in muddo ka badan soddon sanno iyo dheeraad markii u horreysay magaalada Burco ka hirgalinay afar jid oo laami ah, saddex kalena gacanta lagu hayo, isla markaana ay farxad u tahay inuu meesha ka saaray wixii loo yaqaanay ku qabso ku qadi mayside.
Waxa maayirkii hore tilmaamay inay dakhliga soo gala dawladda hoose 5% ku kabi jirnay Jaamacada Burco iyo cisbitaalka, halka ay ciidanka booliska ka caawin jireen shiidalka iyo dhinca qoraalada.
Maayirka cusub ee degmada Burco Sheekh Maxamed Yuusuf Muraad oo xafladas ka hadlay, ayaa sheegay inay halkooda ka sii qaadi doonaan waxqabadka ay ugu yimaadeen dawladda hoose, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan idiin sheegayaa inaan ka sii horumarin doono halka maanta la soo gaadhsiiyay, ballanqaadi doonana inay hantida qaranka naga nabadgasho.”
Waxa maayirka cusubi ka codsaday bulshadda reer Burco inay la shaqeeyan oo gacan siiyaan; isagoo carrabka ku dhuftay inuu ku faraxsan yahay in maayirkii hore ka mid yahay golaha degaanka cusub ee la soo doortay, isla markaana ka dhigan doono la taliye, kana faa’iidaysan doono waayo-aragnimadiisa.
Badhasaabka Togdheer Md. Cabdoo Axmed Aayir oo isna xafladaas xil-wareejinta ka hadlay, waxa uu maayirkii hore ku hambalyeey waxqabadka uu soo bandhigay, kuwa cusubna ku booriyay inay halkaas ka sii wadaan waxqabadka maayirkii hore ka tagay.
“Waa u guul aan la inkiri karayn mar haddii golihii soo bandhigeen waxqabadkoodii oo aynu ka markhaati ka cayno, oo hanti ka badan ilaa toddob a boqol oo milyan ay maanta wareejinayaan oo aanay ka tagayn wax dayn ah, ammaan ayey ku mudan yihiin, waan u guul,” ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Togdheer.
Wasiirul-dawlaha wasaarada maaliyada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, ayaa sheegay in hantida uu wareejiyay maayirkii hore ay ka sii mudan tahay habka iyo hannaanka uu wareejiyay oo rajaynayo in tariikhdu xusi doonto.
Sidoo kale Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee magaalada Burco Cali Cabdi Xirsi ayaa ka warbixiyey hawlaha shaqo ee Dawladda hoose, islamarkaana sheegay inay gacmo furan ku soo dhaweynayaan maamulka cusub ee la doortay iyo xubnaha degaankaba, waxaannu ballanqaaday inay si daacad ah ula shqeyn doonaan.
Mr. Cabdiraxmaan Maxamuud oo ka mid ah sarakiisha hay’adda Habitat , ayaa uga mahadceliyay maayirkii hore degmada Burco wada shqaynta wacan ee ka dhaxaysay, kuna ammaanay kaalinta uu ku lahaa horumarka iyo waxqabadka Burco.
Xaflada xil-wareejinta oo ahayd mid si weyn loo agaasimay, waxa ka hadlay Maayir-ku- xigeenka cusub ee degmada Burco Muxumed Xasan Xoday, Mayir-ku-xigeenkii hore Axmed Cabdi Falay, Maxamuud Diiriye Xayd (Dibjir), guddoomiyaha Gudiga horumarinta Togdheer, Maxamuud Aadan Dheri, Guddoomiyaha Jaamacaadda Burco Prof. Saleebaan Dirir iyo Badhasaabka gobolka Saraar Sheekh Cali Warsame iyo xubno kale , kuwaas oo soo dhaweyey tallaabadan, waxqabad ee uu muujiyay duqii hore ee degmada Burco.
Gabagabadii xafladan waxa wasiirul-dawlaha maaliyaddu shahaadooyin guddoonsiiyey badhasaabka gobolka Togdheer, taliyaha booliska gobolka, Maayirkii hore ee degmadda, kuwaasoo ay soo diyaariyeen xildhibaannadda golaha degaanka ee cusub.
Waxa kaloo shahaadooyin la guddoonsiiyey xubnaha shaqaalaha dawladda hoose, xildhibaanno, waxgarad, Wargayska Jamhiiriya Media Group, Telifishanka Caalamiga ah HCTV iyo qaar ka mid ah saxaafaadda gobolka Togdheer, shirkaddaha Dahab shiil, Telesom, Kaah, Beder iyo kuwo kale.
Waxa munaasibaadsi lagu soo bandhigay muuqal sawiro ah oo muujinaya waxqabadkii dawladda hoose Burco mudadii uu xilka hayay maayirkan xilka wareejiyey.
Togdheernews.com





Recent Comments