Golaha Degaanka Berbera oo Doortay Maayir iyo Maayir ku Xigeen.

Berbera 19 Dec 2012 (Togdhnews)- Mudanayaasha cusub ee dhawaan loo doortay Golaha Degaanka Berbera, ayaa maanta doortay maayar iyo maayar-ku-xigeen lagaga adkaaday xisbul-xaakimka KULMIYE oo xisbi ahaan ugu tiro badnaa xildhibaannada ka soo baxay degmadaasi.
Fadhi buuq dhaliyey oo maanta xildhibaannadu ku yeesheen xarunta dawladda hoose ee Berbera, ayaa a Maayarka Berbera loogu doortay Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ka soo baxay xisbiga UCID, halka Maayar-ku-xigeen loo doortay Baashe Cabdillaahi Ibraahim (Yacquub) oo isna ka soo baxay ururka Waddani.
Haseyeeshee, waxa fadhiga hadheeyey buuq ka dhashay loollan dhexmaray Badhasaabka Gobolka Saaxil Mr. Ramaax oo doonayey inuu fadhigu qabsoomo oo uu maamulo iyo Wasiiru-dawlaha dhinaca ammaanka ee Wasaaradda Dakhaaliga Cabdillaahi Abokor oo isna damacsanaa inuu baajiyo fadhiga, maadaama qorshe xukuumaddu ku doonaysay in cid ay wadato lagu doorto lagaga awood badnaa.
Dhinaca kale, Maayarkii hore ee Degmadda Berbera Cabdale Maxamed Carab (Cabdale-sandheere), kana mid ah mudanayaasha cusub ee dib loo soo doortay oo markii fadhigu dhammaaday la hadlay warbaahinta ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay farogelinta ka joojiso Golaha Deegaanka Berbera.
“Waxaanu aad ugu faraxsanahay 10 sanadood dabadeed in aanu maanta halkan ku doorano Dhalinyaro cusub ee la soo doortay Cabdishakuur Cidin iyo Baashe Cabdilaahi Ibraahim (Yacquub). Waxaan-se xukuumadda leeyahay idinkuba kursiga doorashaad ku timaadeen farogelinta ha laga daayo Golaha Deegaanka,” ayuu yidhi Maayar Cabdalle.
TogdheerNews..Berbera.




Recent Comments