Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtid oo Sheegay inay Wasiiro Xukuumada ahi Xaalad Nabadgelyo Daro Ka abuurayaan Ceerigaabo.
Hargeysa-(Togdhnews)-Xildhibaan Cumar Nuur Waaye oo ka mid ah xubnaha golaha guurtida Somaliland ugu jira gobollada Togdheer iyo Sanaag ayaa sheegay in wasiiro ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ay ka dhex wadaan xaaldo iska horkeen iyo qalalaase ah, waxaanu tilmaamay in qoraalo colaado lagaga dhex hurinayo beelaha wada dega gobolka Sanaag ay gacanta ku hayaan.
Xildhibaan Cumar Waaye waxa uu xukuumada uga digay in waxa faragalin ah ay ku samayso golayaasha deegaanada ee cusub iyo xubnaha ay u dooranayaan hogaamintooda.
Md Cumar waaye oo Haatuf shalay ugu waramay xaruntooda guurtida, ayaa ugu horayn buuqa ka dhashay doorashada waxa uu yidhi ?Doorashadii golayaasha deegaanada ee dalka ka dhacday casbashooyin badan ayaa ka yimid sidii codbixintu u dhacday, iyadoo natiijada kama dambaysta ahaydna wali laguma dhawaaqin, waxaan bulshada ugu baaqayaa inay nabadgalyada ilaaliyaan, dadkii ku dhintay rabshadihii ka yimid cabashooyinkii doorashadana Ilaahay ha u naxariisto kuwii ku dhaawacmayna Alle ha ka kiciyo.
Waxa kale oo jira xildhibaano iyo wasiiro oo aan xogo badan ka hayo oo qulqulado iyo iska horkeen ka dhex wada magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waa arrin cad oo aanu qoraalo ka hayno in wasiiro ay qalalaase iyo fidmo ka wadaan gobolka Sanaag, waxaanu leenahay dalka dan uma ahe in dadweynaha layska horkeenaa, waxaanu leenahay shakhsiyaadka xukuumada ku jira ee gobolka Sanaag beelaha ku dhaqan hagar-daamada iyo iska horkeenka ka dhex wadaa waar waanu idin ognahaye ummada fidmada iyo qoriga dabka leh ee aad ka dhex hurinaysaan ka daaya, golayaasha deegaanada ee gobollada dalka loo doortay xaq bay u leeyihiin inay maayaradooda doortaan waanay u madaxbanaan yihiin ee faragalinta halaga daayo golayaasha deegaanada? Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray ?Shakhsiyaadkaasi wasiirada ah iyo xildhibaanada colaada ka abuuraya Ceerigaabo ee aanu la
hadlaynaa way isgaranayaan, ummaduna way ogtahay, haddii ay xaaladaha iska horkeenka ah joojin waayaan si rasmiya ayaanu ummada ugu soo bandhigi doonaa qoraalada ay ku hurinayaan iska horkeenka bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag? .
xigasho/haatuf





Recent Comments