Xarun Loogu Talogalay Caafimaadka Xoolaha iyo Tayayntooda oo Laga Hirgaliyay Burco

Burco (Togdhnews) Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir, ayaa shalay xadhiga ka jaray mashruuca caafimaadka iyo tayaynta xoolaha ee ku yaal dhinaca galbeed ee duleedka magaaladda Burco.
Xaflad loo sameeyey furitaanka mashruucan oo ay ka qaybgaleen wasiiro ka tirsan xukuumada, guddoomiyaha rugta ganacsiga, xildhibaano, salaadin, siyaasiiyin, aqoonyahano iyo marti sharaf badan, ayaa ka dhacay gudaha xarunta mashruucaas ee magaalada Burco.
Dr. Ibraahim Cismaan Saleebaan (Xannaano) oo khabiir ku takhasuusay cilmiga xoolaha oo isagu ka warbixiyey hawlaha mashruucani qaban doono, ayaa yidhi; “Runtii waxay tahay farxad, madaama mid ka mid ah himilooyinkaygii rumoobeen, waxaana shirkadani kaga duwan tahay kuwa kale, waxay haysataa shahaado caalami ah oo siisay hay’adda adduunka u qaabilasn ka ganacsiga xoolaha iyo waxa ka soo baxa ee lagu magacaabo O.I.E, sidaas darteed waxay fasax u haysataa inay heshiis la gali karto cidda ay doonto oo waxna u dhoofin karto.” Isagoo intaas ku daray in shirkadani isku filan tahay oo gaar u leedahay shaybaabkeedii oo heer caalami ah, xeryaheedii, daweynteedii iyo ganacsigeediiba.
“Ujeedooyinka kale ee shirkadda waxa ka mid ah tamarta iyo tayada xoolaheena kor loo qaado, in cilmi-badhis lagu sameeyo cawskeenii dabar go’ay, cuntadeenii dabar go’aday iyo nabaad-guurka degaanka, inay noqoto xarun lagu tababaro ardayada barata xannaanada xoolaha, waxaana Ilaahay ka rajaynayaa in uu noqdo mashruucii aflaxa,” ayuu yidhi Dr. Ibraahim Cismaan Saleebaan (Xannaano.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo dhaweynayaan, isla markaana ka caawin doonaan wixii shirkaddu uga baahato, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Hadday noqoto mid adduun, mid farsamo, mid aqoooneedba waannu idinku caawinaynaa, maanta laga bilaabo waxaad tihiin agtayada, wixii awoodayada ahna waxba idinkala hadhi mayno.”
Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif, kaasoo sheegay inay shirkaddan Al-Caam ee gacanta ku haysa xarunta caafiimadka xoolaha iyo tayayntooda ay u dhamaystiran tahay dhammaan wixii sharci ruqsadeed ah, dhammaantoodna ay ka haystan wasaarad ahaan.
Wasiirul-dawlaha maaliyadda Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid oo xafladaas ka hadlay ayaa tilmaamay in xukuumada Somalilnd soo dhaweynayso markasta ganacsiga xorta ah iyo maalgashiga dalka, isla markaana loo fududeynayo waxkasta, madaama ay wadanka ku soo kordhinayaan waxtar.
Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan mashruucan, isagoo xusay inay waxbadan oo dhinaca horumarka iyo shaqo abuurka ku soo kordhin doonaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Xafladda lagu furay xarunta caafimadka iyo tayaynta xoolaha oo marti sharaf aad u badan ka qaybgalay, waxa xubnihii kale ee ka hadlay ka mid ahaa siyaasiga Cali Maxamed Warancadde, xildhibaan Cali Mareexaan,Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog, Xaaji Cabdi-waraabe, Guddoomiyaha Jaamacada Burco Saleeban Dirir, guddoomiyaha gudida horumarinta Togdheer Maxamuud Aadan Dheri, salaadiin, boqoro, aqoonyahano, Badhasaab-ku-xigeenka gobolka Togdheer iyo xubno badan oo kale, kuwaasoo dhammaantood soo dhaweeyay mashruucan, kuna tilmaamay mid wax badan u soo kordhinaya dadka iyo dalkaba.
Xaruntan caafimaadka iyo tayaynta xoolaha oo ay ku bahoobeen ganacsato Soomaliyeed, ayaa socday muddo saddex sanno ah, kaasoo ku fadhiya dhul cabirkiisu yahay 6km oo isku wareeg ah, islamarkaana ay gali karaan 245 kun oo neef oo isugu jira adhi, geel iyo lo’ sida ay sheegeen masuuliyiinta xruntani, sidoo kalena waxa fursad shaqo ka heli doona in ka badan laba kun oo qof, waxaannu noqon doona xaruntii u horreysay ee nooceeda ah laga hirgaliyo gobolka Togdheer.
TogdheerNews…Burco




Recent Comments