telesom
logo
logo
logo
|

“Arrintaas doorashooyinka xisbiga KULMIYE ma maamulayn, dawladuna ma maamulayn, waxa maamulayay Komishanka Doorashooyinka”..Madaxweyne Siilaanyo.

 

Hargeysa (Togdheernews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliladn Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xukuumadiisa ka leexiyey inay maamulaysay doorashadii golaha degaanka, isagoo sheegay in ay gacanta ku hayeen Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.

Madaxweyne Siilaany oo warbaahinta galabka kula hadlay qolka nashada Madaarka Hargeysa ayaa sidoo kale sheegya inay wada hadal dhinaca nabadgelyada ah iyo xidhiidhka wada yeesheen madaxweynaha Jabuuti ee ay ka wada qaybgeleen sannad-guuradii 40 ee ka soo wareegtay qorista Afsoomaaliga oo lagu qabtay dalka Jabuuti.

“Arrintaas doorashooyinka xisbiga KULMIYE ma maamulayn, dawladuna ma maamulayn. Arrinta doorashooyinka waxa maamulayay Komishanka Doorashooyinka Qaranka sida uu sharcigu ina faray. Markaa wixii ku su’aal ah ee ku saabsan arrintaasi iyagaa laga weydiinayaa. Dawladdu intii ay doorashooyinka waajib ku lahayd way ka geysatay. Waxaan aad iyo aad uga xun nahay cid kastaaba masuuliyadda ha lahaatee, wixii dhibaato ah ee dadka iyo ummadda soo gaadhay horena waan uga tacsiyadeeyay imikana waan ka tacsiyadeynayaa. Wixii khasaare ina soo gaadhana waa mid ummadeena iyo dadkeena soo gaadhay,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

 Waxaan kula talinayaa ummadda iyo dadweynaha iyo cidii xataa wax ka tirsanaysa, doorasho haddii ay timaado cidina way hadhaysaa, cidina way soo baxaysaay’e waxa weeye in dadka guud iyo maslaxadda qaranka laga eego.

Waa in wixii soo baxa ee Haay’adaha sharciga ah ee arrimahaas qaabilsani ay soo saaraan loo hoggaansam. Wixii jaanis maanta waayay beriba way heli karaan inshaalaahu tacaalaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray; “Waxaannu ka soo qab-galay shir lagu xusayay 40- guuraddii ka soo wareegtay qoraalka Afsoomaaliga oo lagu qabtay dalka Jabuuti. Xafladaasi waxay ahayd xaflad si weyn ay u yimaadeen cid allaale iyo cidii danaynaysay afsoomaaliga. Dawladda Jabuuti ayaa marti qaadka lahayd.Waxa halkaasi joogay Madaxweynaha dalkaa Soomaaliya iyo masuul kale oo ka socday waddankaas, waxa joogay masuuliyiin ka socday kililka 5aadItoobiya. Waxa joogtay Haay’adda PEN ee danaysa afsoomaaliga. Waxa joogay wax allaale wixii daneeya afsoomaaliga taariikhdiisa, qoraalkiisa, hidahiisa iyo dhaqankiisa,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Waxaannu halkaasi kula kulanay Madaxdii ka socotay wadanka Soomaaliya, waxa kale oo aanu kula kulanay dawlada Jabuuti oo aanu wax wanaagsan uun ka wada hadalay. Xaflad baanu u soconay oo ma jirin wax xaajood iyo wada hadal sidaasi ma aanu gelin. Laakiin salaan wanaagsan iyo inaanu nabad-gelyo ku wada noolaano iyo inaanu mustaqbalka marka ay timaado si maamuus leh u wada hadalo ayaanu ku heshiinay.”

Md.Siilaanyo oo ka hadlay xafladaasi iyo sida masuul ahaan loo qaabilay waxa uu yidhi; “Xaflad aad u weyn ayay ahayd si qaaliya loo soo agaasimay, la iskugu yimid. Waxaan jecelahay inaan halkan mahad naq balaadhan uga soo jeediyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladiisa oo mar walba aad u daneynayay shirkan qabashadiisa uun ma ahee, mar walba si laxaadle u daneeya bahda u shaqeysa afsoomaaliga, dhaqankiisa iyo Hidahiisa had iyo jeer gacan weyn siiya. Waxaan jecelahay inaan mahad naq u soo jeediyo cidii ka soo qeyb gashay oo dhan. Xafladaasi si weyna waa naloogu soo dhaweeyay xaflad milgo iyo maamuus leh baa halkaasi ka dhacday.”

 

Weriye: Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)

Togdheernews/Hargeisa

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)