World Vision oo Bulshadda  Ka Raali geliyay Qoddob Laga Cadhooday oo Ku jiray Shaqo ay Baahiyeen

Guddida Wanaag Farista oo Xaruntooda ugu Tegey Hay’addan iyo Cudur-daar uu Ka Bixiyey Masuulka World Vision

Hargeysa (Hubaal) – Hay’adda World Vision oo kamid ah Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawl gala Somaliland ayaa raali gelin ka bixisay shaqo ay baahiyeen oo  dadka soo dalbanaya  lagu xidhay qoddob meel ka dhac ku ah sharafta diinta islaamka.

Shaqada  oo hay’addu sheegtay in qofka ay doonayaan uu aaminsan yahay diinta Kiristaanka  ayay Madaxda hay’addaasi sheegeen in uu si khaldan uga baxay oo aanay ugu talo gelin geyiga Somaliland.

Mr. Edwin Siala, Madaxa Xafiiska Hay’adda World Vision ee Somaliland oo ay weheliyaan Dadio Thakic iyo Axmed Cismaan oo kamid ah hawl wadeenada Xafiiska ayaa si wada jir ah raali gelin uga bixiyey qoddobka shuruudaasi oo ay sheegeen in aanu iyaga ka iman bale uu  si khaldan uga soo baxay xafiiskooda guud ee  magaalada Nairobi.

Madaxda Hay’addan ayaa cudur daarkaasi bixiyey kadib markii guddoomiyaha guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland  Sh. Maxamed X.  Maxamuud Xiirey  oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddidaasi ay daba gal ku sameeyeen sababta ka dambaysa shaqadan, oo Isniintii Dorraad ku soo baxay wargeyska Hubaal, taas oo guddidu  xafiiskooda ugu tegeen Madaxda Hay’adda World Vision ee Somaliland, isla markaana wax ka weydiiyeen Ujeedadooda.

Haddaba Guddoomiyaha guddida wanaag farista Sh. Maxamed Xaaji Maxamuud Xiirey oo habeen hore nagu soo booqday Xarunta Wargeyska Hubaal ee Magaaladda Hargeysa ayaa nooga warramay Tallaabadii ay guddi ahaan ka qaadeen Warkaasi iyo cudur daar ay Hay’addaasi ka bixisay baahintiisa. Guddoomiyaha guddida Wanaag faristu waxa uu sheegay in  madaxdu u caddeeyeen in warkaasi  uu si khaldan loo baahiyey isla markaana qofka loo doonayaa aanu ahayn mid xaruntiisu noqonayso Hargeysa ee uu yahay  magaalada Nairobi ee dalka Kiiniya, warkaasi aanu ka soo bixin xafiiskooda Hargeysa isla markaana ay saxeen khaladkaas.

Sh, Maxamed Xaaji Maxamuud Xiirey, guddoomiyaha Wanaag faristu waxa uu sheegay in subaxnimadii hore ee Isniintii dorraad markii ay tegeen Hay’adda World Vision ay Madaxdoodu si fiican ula hadleen  una ballan qaadeen illaalinta iyo dhawrista shuruucda dalka iyo sharafta Diinta Islaamka ee dadkiisu aaminsan yahay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in iyadoo la tixgelinayo hadalka guddida wanaag farista ay hay’addaasi tixgelisay isla  markiibana meesha laga saaray qoddobkii ku jiray shaqada la baahiyey.

 

Gebogabadii guddoomiyaha guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu waxa uu u mahad naqay Wargeyska Madaxa banaan ee Hubaal oo cadadkiisii 69aad ee isniintan soo baxay lagu baahiyey  warkan, waxanu ku ammaanay in ay halkaa ka sii wadaan dedaalka iyo xilka ay bulshada u hayaan, isagoo warbaahinta kale ugu baaqay inay ku daydaan, meelna uga soo wada jeestaan ilaalinta karaamada iyo milgaha bulshada dhaqan ahaan iyo diin ahaanba.

 

Urur reer Puntland ah oo Mashruuc ka Fuliyey Tuulada Awr Boogays

 

Puntland oo Beer Laxawsi Ku Kasbanaysa Kalsoonidii Deegnaada Bariga iyo Tallaabada Dawladda Somaliland Uga Meel taal

Awr Boogays (Hubaal)- Urur laga maalgeliyo  maamul  goboleedka Puntland oo magaciisa la yidhaahdo  Agency For Peace And  Development (APD), ayaa  mashaariic  horumarineed loogu soo celinayo kalsoonida shacabka deegaanka u qabeen  maamulkaas ka bilaabay gobolka Sool.

Ururkan ayaa shalay soo gabagabeeyay  dayactir lagu sameeyay ceel-biyoodka  Tuulada Awr-boogays , iyada oo ay halkaas ku sugan yihiin ka tirsan Puntland oo la sheegay in ay  kormeerayaan barnaamijkaas, isla markaana  ballan qaaday in xarumo ay ka samayn doonaan deegaankaas oo hoostaga degmada Xudun .

Sida aanu ka soo xiganay shabakada wararka ee Somalilandtoday.com oo warkan lagu daabacay toddobaadkan, Axmed   Xasan Faarax oo ah wakiil ay wasaarada biyaha Puntland u magacowday gobolka Sool,  ahna madaxa weftiga ka socda maamulkaas, ayaa  kulan uu la yeeshay odayaasha dhaqanka  ku sheegay in  abuurayaan  jawi Isfahan ku dhisan oo dhexmara dadka deegaanka iyo Puntland. Saraakiil ka socotay Puntland ayaa iyaguna   dhawaan booqday degmada Kala-baydh ee gobolka Sool, halkaas ay dhagax-dhigeen dugsiyo  cusub. Dawladda Somaliland ayaan iyaddu ilaa haatan wax tallaabo ah ka qaadin dhaqdhaqaaqyada lidka ku ah qaranimada ee  maamulka Puntland ka wado deegaanada bariga Somaliland, marka laga reebo xubno dhawaan xabsiga loo taxaabay mar ay socdaal ku tegeen deegnaanada bariga Somaliland, gaar ahaan sanaag bari.

 

 

 

 

 

Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo Hungo Madhan ku Tilmaamay Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo iyo Waxqabadkii ay Sheegteen

 

“2 Sanno iyo badh Ka Dib Markii Waxqabad La’aan Laga Cawaday Ayey  Is Yidhaahdeen Wax aad Dadka U Sheegtaan Sameeya, Laakiin Iyagoo Iska Badheedhaa La Qaadan lahaa”

 

Hargeysa (Hubaal) – Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed oo ka mid ah aasaasayaashii Ururkii dib u xoraynta Dalka ee SNM ayaa sheegay in rajadiix shacabku ka qabeen  Xukuumadda Madaxweyne Maxamed Siilaanyo ay noqotay xubno gudhay, isla markaana ay dib u liqeen candhuuftooda.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin oo shalay u warraysi siiyey weriye Khaalid Xabdi oo ka tirsan Gabiley News waxa uu sheegay in  waxqabadkii ay Xukuumaddu ku andacootay inay samaysay labadii sanno ee u dambeeyey aanay ahay  70%  balse  taas beddelkeeda ay fulisay inta u dhaxaysa 5% illaa 10%. Waxanu waxanu tilmaamay in aanu jirin Horumar muuqdda oo la qabtay muddadii Xukuumadda Kulmiye talada haysay. “Waxaan u arkaa in aanay Xukuumaddu 70% baad sheegaysaaye in aanay 5% ilaa 10% hadday ugu badato inta u dhaxaysa inay fulisay wixii ay qabatay, hase yeeshee Xukuumadda waxaynu u dooranay inay wax inoo qabato oo ay inoo shaqayso Wadanku-na waa mid u baahan in laga shaqeeyo oo la horumariyo, waxa horumar ah oo muuqda oo ay Xukuumaddu inoo qabatay labadii sanadood iyo badhkii ay talada haysay ma jirto dadkuna wuu ogyahay.” Ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin, waxanu intaa ku daray “ Horumarka aynu u baahanahay ee ugu horeeyaa waxa weeye Waddooyinkii Magaaladda guddaheeda isku xidhayey, Waddooyinkii dalka isku xidhayey, Iskuulada dhisi-dooda, Cusbitaaladii, Madaarada, Dekedaha, waxaas oo dhan bay tahay in ay Xukuumaddu wax ka qabato Shaqalo la’aanta Dhalinyarada haysata, Dhaqaalahan Wadanka inag soo galaya ee dadku ay inta badan ka shaqaysanayaan waa waxa ay Dadku ku nool-yihiin ee ay Shaqada ka helaan, markaa mar-ba haddii aynu arkayno qaybihii ay ahayd inay ina taabato ay waxba ka qabanin (Xukuumaddu) dee 70% meesh ay iyagu ka keenayaan waa ta Dadku ay markii ay sidaa ku doodeen ay u arkeen mid ay iyagu (Xukuumadda) iskasheegteen”

Prof: Cabadisalaan Yaasiin waxa uu sheegay in natiijadii ka soo baxay shirkii qiimaynta ahaa ee Madaxtooyadu ku tilmaamtay in in 70% la fuliyey ballanqaadyadii KULMIYE ummadda u qaaday biyo dhaceedu noqonayo in looga jeeday marin habaabin. “Wuxuun-bay ku daboolayaan tamar-daraantooda iyo hawl-qabad la’aantooda, markaa anigu Shakhsi ahaan waxaan qabaa sida ay Xukuumaddu arrinkaa ay tidhi waa markii laba Sanadood iyo badh ka dib markii ay Dadku aad u cawday ee Warbaahintii dhaliilo badan lagu sheegay ee Shacabku sidoo-dii kale u cawday, ee Maamul xumo laga cawaday, ee wax qabad la’aan laga cawaday, ee Sixir-babar laga cawaday inay is yidhaahdeen (Xukuumadda) laba Sanadood iyo badh-baad maraysaan muddadii la idin doortay badhtankeedii bal wax aydun dadka u sheegtaan sameeya, waxa-se u sheegeen dee iyagoo iska badheedhaa la qaadan-lahaa oo yidhaahda wax yar-baanu qabanay oo runta sheega, wax badanina wey noo hadhsan-yihiine dee intaa aanu qabanayna dadaalkaanu ku sii kordhin, markaa sidaasay ila tahay in aanay Xukuumaddani 70% baad sheegaysaaye sida aan hore ugu tilmaamay hadday ugu badato 5% baad siin kartaa”

Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed waxa kale oo uu sheegay in xiligii ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay talada Dalka qabatay ay Shacabku yididilo badan qabeen, waxaanu yidhi “Markii hore Yididilo weyn-baynu qabnay, dhibaatada haysata Xukuumaddan waxa weeyaan 8 Sandood oo Xukuumaddii hore ee Rayaale oo wax qabad la’aan ah ayey dhaxleen, iyagoo balan-qaaday oo Dadka yidhi wax-baanu idiin qabanaynaa oo balan weyn qaaday, Dadku aad iyo aad-buu Yididilo badan ugu qabay, Wasiiro tiro yar oo tayo leh waanu dooranaynaa-bay yidheedeen Wasiiradu markii hore sidii tii Rayaale ma badnayn, laakiin imikaad aratgaa inay badanayso sidii Xukuumaddi Rayaale maalin-ba sida Wasiiro loo magacaabayo,marba haddii ay dib ugu noqdeen 8 Sandood ee Rayaale ee wax qabad la’aantii, waxay taasi muujinaysaa Xukuumadda gabigeeda oo dhami-ba inaanay Qorshe Wadanka lagu dhiso oo habaysan, xataa kii Barnaamijka Siyaasiga ah ee ay keeneen ayaan jirin”

Prof: Cabdisalaan oo hadalkiisa sii wata, waxauu yidhi “Boobe (Wasiirkii hore ee Warfaafinta) wuxuu yidhi Idaacadii Radio Hargeysa sida ay ahayd-baan ugu imid, taa macnaheedu waxa weeyaan ilaa Cabdiraxmaan Tuur ilaa Maxamed X. Ibraahim Cigaa, ilaa Xukuumaddan isagu ka midka ahaa ilaa tii ka horaysay intaasu-ba wey wada eegayaan oo sidaas-uun bay tahay qabyadii Ingiriisku wuxuu nooga dhisay-baa bur-buray, waadiga arkay Maxkamaddu siday u bur-burtay, meel aan sidaa u bur-burin ma jirto wax lagu kordhiyo iska daayo, markaa maxaynu qabsanay? wixii aynu dhaxalnay-baa burburay, Waddooyinkii Ingiriisku dhisa-baa burbursan oo la hagaajin kari laa’yahay, markaa inaynu shaqaysano weeyaan oo Dalka ka shaqaysano oo Maamul yar oo kooban-baynu u baahanahay oo Dadka u shaqeeya oo adeegaa ay u baahan-yihiin u qabta kiina ilaa imika kama hayno”

 

 

Guddoomiye-ku-xigeenkii  WADANI oo Wedku Helay Isagoo Soo Dhawaynaya Guddoomiyihiisa

 

Marxuumka oo Saaka Lagu Aasi Doono Naaso Hablood + Madaxweynaha oo Tacsiyeeyey

 

 

Berbera (Hubaal)- Alle ha u naxariistee Guddoomiye-ku-xigeenkii saddexaad ee Urur-siyaasadeedka Wadani Marxuum Cabdillaahi Siciid Ismaaciil(Cabdillaahi Siciid-dheere, ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo shalay  galab ka dhacay dulleedka degmadda Abdaal ee Gobolka Saaxil, ka dib markii uu taayir danbe qarxay.

Sidoo kale, waxaa shilkan dhaawacyo ka soo gaadheen Xildhibaan Cali Xaaji  Maxamed oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada iyo Guddoomiye Ku xigeenka 4aad ee WADDANI Cabdi Raygal Beegsi oo la sheegay in isaga dhaawaciisu fududyahay, laguna dawaynayo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdillaahi Siciid Ismaaciil iyo labada masuul ee weheliyay waxay ku sii socdeen magaalo-xeebeedda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil oo ay doonayeen inay ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha Ururka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka soo laabtay safar-dibadeed uu ku mqanaa.  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u Marxuum Cabdillaahi Siciid Ismaaciil, Ilaahayna caafimaad u weydiiyay masuulliyiinta ku dhaawacmay shilka gaadhi, “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Urur siyaasadeedka Waddani, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh

ee ku timid MARXUUM, CABDILAAHI SICIID DHEERE oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad ee urursiyaasadeedka Waddani oo Maanta Shil baabuur oo ka dhacay inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera ku geeriyooday.  MARXUUMKU waxa uu ka mid ahaa Masuuliyiintii ka qayb-qaatay dib u dhiskii iyo dedaalkii loo galay  nabadayntii beelaha Somaliland, isla markaana waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii ururka Mucaaradka ah ee

Ucid, isla markaana isaga soo sharaxay golaha baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland, balse aanu ka mid noqon mudanayaashii u soo baxay kuraasta baarlamaanka, haatana waxa uu ahaa Marxuumku Gudoomiye ku xigeenka

Saddexaad ee urur siyaasadeedka Waddani. Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale u ducaynayaa labada masuul ee ku dhaawacmay shilkan baabuur oo uu ILLAAHAY uga baryaayo inuu u fudaydiyo dhaawaca soo gaadhay. Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Urur siyaasadeedka Waddani iyo taageerayaashiisa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland,  ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.  “ ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Madaxweynuhu ka soo saaray geerida guddoomiye ku xigeenkii 3aad ee WADANI Marxuum Cabdillaahi Siciid Ismaaciil, oo saaka 9:30 subaxnimo lagu aasi doono Xabaalaha Naasa Hablood ee Magaalada Hargeysa.

 

 

 

Qalabkii Codbixinta Doorashada oo Komishanku Ka Doonay London

Hargeysa (Hubaal) C/raxmaan Maxamed Ismaaciil iyo Faarax Abiib Aadan oo ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ku sugan Dalka Ingiriiska, halkaas oo ay ka soo qaadayaan Qalabkii Doorashada Dawladdaha Hoose lagu gali lahaa oo la dhamaystiray.

C/raxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood oo ku sugnaa xarunta Shirkadda samaysay qalabka Doorashada oo ku taala Barriga London ayaa  sheegay in ay dalkaa u tegeen sidii ay qalabkii Doorashada lagu gali lahaa u soo qaadi lahaayeen, waxaanu xusay in xarunta qalabakaasi lagu diyaariyay oo ah mid aad u balaadhan uu ka dul ba banayo Calanka Somaliland, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta ay kala kulmeen.

“ waxaanu joognaa East born oo ah magaalo dhacda Barriga Londan, waxaanu ku sugan nahay xarunta lagu daabacayo qalabkii lagu codayn lahaa oo dhan, muddo sadex cisho ah ayaanu  ku sugnayn markaa hawshii baanu ku dhex jirnaa, waxaananu aad ugu farax sanahay Xarunta aanu joogno oo ah meel Caalami ah waxa ka dul ba’ banaya Calanka Somaliland” ayuu yidhi Dixood.

Labada Xubnood ee Komishanka waxa Socdaalkooda ku wehelinaya La taliayaha Dhinaca Sharciga ee Komishanka Doorashooyinka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana la filayaa inay maalmaha soo socda qalabkaasi soo qaadaan.

 

 

 

Ganacsataddii Maayarku Lacagta Kaga Qaaday Dhismaha Xusbiga oo Lacagtoodii Loo Celiyey iyo Baaq ay Madaxweynaha u Dirteen.

Hargeysa (Hubaal)- Maayarka Magaaladda Hargeysa Eng. Xuseen MAxamuud Jiciir ayaa dib ugu Celiyey lacagihii hore looga qaaday dadkii  dooonayay in loo dhiso xarunta Xisbiga Hargeysa ee  uu Madaxweynuhu Xayiray.

Dhulkan oo la sheegay in Maayarku hore uga iibiyey dad ganacsato ah isla markaana  khilaaf ka dhex dhalisay dawladda Hoose iyo dadkii hore u degenaa dhismaha dhulkaas ayaa madaxweynuhu amray in aan la dhisi karin, lana xayiro.

Haddaba xubno ka tirsan ganacsatadii la sheegay in dhulkaasi laga iibiyay  ayaa shalay sheegay in Maayarku dib ugu celiyey lacagihii uu ka qaaday  taas oo ay sheegeen inaanay ahayn mid lagaga iibiinayay dhulka danta guud balse ay ahayd maal gashi.

Mustafe Maxamed Aadan oo kamid ahaa dadkii lacagta loo celiyey oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa ka warramay dib u soo celinta lacagtii Maayarku ka qaaday,  “Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in la noo celiyay lacagtii markii horana dhulka la nagma iibine waxaanu ahayn dad maal gashi ku samaynaayay dhulka xusbiga markii madaxweynahu go,aanka ka soo saarayna waanu joojinay anaga oo fulinayna amarkii madaxweynaha,lacagtiina waanu qaadaynay.” Ayuu yidhi Mustafe Maxamed Aadan.  Waxa kale oo halkaa ka hadlay Jirde Cabdi Boqore oo isaguna yidhi “Qof kasta waxa laga qaaday lacag dhan laba kun iyo boqol doolar, (2100), waana la noo celiyay mana jiro wax muran oo naga dhaxeeya anaga iyo dawlada gaar ahaan maayirka, halkanna waxaanu ku haynaa tigidhkii lacagta la noogu celinaayay oo aanu Dahab Shiil iyo meelkastaba kaga qaadanayno markaa warka uu qoray wargayska Waaheen ee sheegaaya in madaxweynahu gudi xalisa muranka ka jira dhulka xusbiga anagu ma ogin waxna kama jiraan warkaasi.

Sidoo kale ganacsatadan ayaa madaxweynaha ka Cod saday inuu siiyo dhul ay ku ganac sadaan islamarkaana ay kala soo baxaan nolol maal moodkooda, una fasaxo dhulkii laga raray.

 

Koob uu Dhigay Musharrax Sallo oo Lagu Soo Gebogabeeyey Garoonka Gacmo Dheere  iyo Kooxdii Guushu Raacday

Hargeysa (Hubaal)- Tartan dhinaca kubadda Cagta ah oo uu dhigay Musharrax/Mujaahid Saleebaan Xuseen Axmed oo kamid ah Musharraxiinta doorashada golaha deegaanka Hargeysa uga tartamaya urur siyaasadeedka Rays ayaa lagu soo gebogabayeey garoonka kubadda Cagta ah ee 12-ka October ee degmadda 26 June ee magaalada Hargeysa.

Tartankan oo muddadii uu socday ay ka qayb galeen 12 kooxood oo kamid ah Kooxaha da’yarta ah ee ka jira degmada 26ka june ayaa dorraad lagu soo gebogabeeyey garoonkaas iyada oo ay iskaga horyimaadeen labada kooxood ee Arsenal iyo Danan oo iyagu isugu soo hadhay wareegii kama dambaysta ahaa e tartankaas, waxaana daawashadeeda ka qayb galay oo goob joog ka ahaa Musharraxa Koobka dhigay iyo mas’uuliyiinta urur siyaasadeedka RAYS. Musharrax Saleebaan Xuseen Axmed (Sallo) oo ka warramay ujeeddada uu u dhigay koobkan ayaa sheegay in ay qayb ka tahay barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu damacsan yahay in uu bulshada u qabto haddii uu ku soo baxo doorashada deegaanka, Mujaahid Sallo waxa uu tilmaamay in garoonkan yaraantiisii ku ciyaari jiray isla markaana uu dhigan jiray dugsiga  12-ka October ee garoonku magaciisa sito. “Horta aniga laba farxadood bay ii tahay oo waa iskuulkii aan dhigan jiray dugsigaygii hoose dhexe iyo  garoonkii aan ku ciyaari jiray oo aan maanta xaflad koob ciyaareed ah  ugu qabto 12 kooxood.” Sidaa ayuu yidhi Murrashax Sallo, waxanu intaa ku daray “Waxa aan idinka ballan qaadayaa in xoogayga iyo xoolahayga wax aan idinka hagran doonaa inaanu jirin, haddii aan ku soo  baxo doorashada”.

Musharraxa ka dib waxa isaguna halkaa ka hadlay masuuliyiin ay kamid yihiin Xoghayaha guud ee ururka RAYS iyo xubno kale.

 

Dhinaca kale labada kooxood ee isugu soo hadhay ciyaarta kama dambaysta ah ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan oo xirfad iyo xeelladi ku dheehan tahay. Waxaanay Ciyaartu ku dhammaatay barbar dhac, halkaas oo markii dambe lagu kala saaray Gool ku laad (rigooreyaal). Waxaanay guushu raacay oo ku guulaystay Koobka Kooxdii ku ciyaaraysay magaca Arsenal.