Ifafaalaha Ciidamo Shisheeye Oo Soo Farogeliya Dalka Suuriya..Faallo Xassan Cumar Hoorri

Dherigu waxaa uu karayay 19 bilood, haddana waxaa soo uraya farogelin ciidamo shisheeye ku sameeyaan dalka Suuriya marka aad ogaato duruufaha dalku ku sugan yahay, saamaynta ay yeelan karto colaadda oo ku sii fidda dalalka deriska iyo weliba durbaanada dawankoodu ka soo yeedhayo Istanbul, Washington iyo Cammaan.
“Dawladda Maraykana ayaa ciidamo u dirtay Boqortooyada Urdun si ay uga hawl-galaan soohdinta Urdun iyo Suuriya,” maalintii Arbacada, sidaa waxaa sheegay Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Leon Panetta waxaana uu ku ladhay “ujeedadu waxaa ay tahay in la is hortaago colaad ku sii baahda dhinaca Urdun.”
Xoghayahu isaga oo ka hadlayay shir ay Brussels, caasimadda Belgium isugu yimaadeen Wasiirada Gaashaandhigga ee dalalaka NATO, waxaa uu ka sheegay in ay iskaashi dhow la leeyahiin dalka Urdun iyaga oo si wadajir ah kor uga ilaalinaya xarumaha hubka Kimikada iyo Bayolojiga (chemical and biological weapons) ee dalka Suuriya. Sidoo kale, waxaa uu sheegay dalkiisu in uu gacan ka gaysanayo sidii loo maarayn lahaa qaxootiga ka soo tallaabaya xuduudda Suuriya. Isla markaa, xoghayahu, Leon Panetta waxaa uu tibaaxay ciidamada Maraykanku in ay fadhiisin ka samaysteen soohdinta dalka Urdun la wadaagto Suuriya.
Urdun waxaa culays ku haya qaxootiga ka soo barakacay colaadda Suuriya kuwaas oo tiradoodu kor u dhaaftay 200,000. Toddobaadkan, qaaxottiga ku sugan Saxaaraha tuulada Zaatari ayaa isu soo bannaan-baxay iyaga oo ka cabanayay duruufaha qalafsan ee xerada qaxootig waxaana ay halkaa ku burburiyeen taanbuugyadii loo dhisay iyaga oo habeenkii ku dhaxay qabogawga Saxaaraha.
Sida la sheegay ciidamada sirdoonka ee dalka Urdun waxaa ay indhaha ku hayaan ciidan tiradoodu gaadhayso ilaa laba kun oo ajnebi ah kuwaas oo ka barbar dagaalama Jabahadda Ciidamada Xorta ah. Ciidamadaas oo xagjir mintid ah lagu tilmaamay waxaa laga sii gaashamanayaa waxyeelada ka iman karta haddii ay gacanta ku dhigaan hubka Kimikada ah.
Haddaba warka ka soo yeedhay Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka waxaa ay wax ka bedelayaan aragtidii in dalka Maraykanku aanu diyaar u ahayn farogelinta miletari ee dirirta 19ka bilood ah ka oognayd Suuriya. Sida la og yahay Washington waxaa ay ka maagaysay in xoog lagu muquuniyo xal u helidda colaadda Suuriya in kasta oo ay hore u yeeleen markii dagaalku ka qaraxay Liibiya.
Arrinkan cusub waxaa uu soo ifbaxay mar ciidamada Turkigu tiroba dhowr jeer tuurtuureen gudaha dalka Suuriya ka dib markii gantaalo habow ah ay kaga soo dhaceen dhanka Suuriya. Gudaha Turkiga waxaa toddobaadki hore ka dhintay 5 qof oo rayid ah kuwaas oo geeridooda loo aananayo rasaasta ciidamada Suuriya. Sidaa darteed, waxaa muuqda ifafaalaha colaadda ka aloosan Suuriya in ay ku sii fidi karto dalalka deriska ah arrintaas oo muddo badan aad looga digayay.
Dhinaca kale, warkan waxaa daaha laga fayday xilli loolanka doorashada Maraykanku ay marayso heerkii ugu kululaa. Badhasaabka Mitt Romney, oo uu sharraxan Xisbiga Jamhuuriga waxaa uu ku doodayaa in Madaxweyne Barack Obama ka gaabiyay wax ka qabashada dagaalada ka socda Suuriya gaar ahaan iyo in aanu la jaanqaadin isbedelada ka dhashay Gu’ga Carabta ee saameeya dhammaan dalalka Bariga dhexe.
Maraykanku mar hore waxaa uu walaac ka muujiyay cidhib-xumada ka iman karta kaydka hubka Kimikada ah ee dalka Suuriya. Madaxweyne Obama ayaa ka digay in Madaxweyne Bashaar Al Assad hubkaas u adeegsado dagaalka uu ku la jiro jabhadda Ciidamaa Xorta ah isaga oo ku hanjabay haddii taasi ay dhacdo in Assad ka tallaabay Xariiq Cas taasoo soo dedejin doonta in ciidamada Maraykanku si toos ah u farogeliyaan Suuriya.
"Annaga oo isku tashanayna, iyo annaga oo la tashanayna dalalka Bariga Dhexe ee aanu talada wadaagno, waxaanu ku hawlan nahay sidii looga hortegi lahaa dhibaato intaas ka badan oo nagaga soo faruuranta dagaalada Suuriya,” sidaa waxaa yidhi Goerge Little oo ku hadlayay magaca Wasaaradda Gaashaandhigga.
Sarkaal kale oo Maraykan ah, isaga oo magaciisa qariyay waxaa uu sheegay ciidamada Maraykanka ee ku sugan soohdinta Urdun iyo Suuriya in tiradoodu dhan tahay 100 ciidan ah iyo tiro aan la sheegin oo ah saraakiil ku takhasustay agaasinka saadka. Sarkaalku waxaa uu ciidamadaa ku sheegay in ay ka hadheen ciidan Maraykan ah oo bishii May si wadajir ah dhoola-tus ciidameed u la sammaynayay dhiggooda dalka Urdun.
Turkiga ayaa iyaguna sii xoojinaya ciidankooda ku sugan xuduudda u dhexaysa iyaga iyo Suuriya halkaana waxaa ay ku sii daadguraynayaan hub culus iyo dayuuradaha dagaalka. Taliyaha Ciidanka Turkiga chief Gen. Necdet Ozel oo isaguna ku sugnaa shirka Wasiirada Gaashaandhigga ee NATO ayaa Arbacadii ku hanjabay in Suuriya ka waantoodo in ay tijaabiso awoodda ciidamada Turkiga kuwaas oo si dhab ah u difaaci doona dalka iyo shacabkooda. Ciidamada NATO oo iyangana ay ka dhexeyso heshiis loogu gurman karo dal katsa oo ka mid ah haddii la soo weeraro, ayaa Salaasadii ku baaqay markii loo baahdo in ay gacan bir ah kaga jawaabi doonaan colaadda soo wajahday Tukiga.
Isku soo xoori, waxaa muuqata ifafaalaha farogelin ciidamo shisheeya oo ku soo fool leh dalka Suuriya taas oo si fudud xukunka loogaga tuuri doono Bashaar Al Assad. Balse waxaa aan laga war hayn cidhib-xumad ka iman doonta iyada oo ilaa hadda aan si qoto dheer looga wada tashan waxa ka danbayn doona Xukunka Assad.
TogdheerNews..Hargaysa




Recent Comments