Tababare Jama Aden (Karaiin) oo Si Heer Sare Loogu soo Dhoweeyey Algeria
Tababaraha Caalamigaa ee loo doortay Tababaraha Adduunka sannadkii 2008 ee Orodada Masaafada Dhexe Jama M. Aden (Karaiin) ayaa Shalay oo taariikhdu ahayd sideed bishan October, ka dagay Gegida diyaaradaha ee Magaala madaxda Algeria ee Algiers, kadib markuu ka helay martiqaad rasmiya Xukuumadda Algeria, khaasatan Wasiirka Sportiga, iyo Madaxa Algerian Olympic Commitee ga. Martiqaadkan oo ka dambeeyey kadib waqti ciyaaryahanka orodka 1500m ee Algeria Taoufik Makhloufi oo ka mid ah dhallinta caanka ee uu tababarro Jama Aden uu hantiyey Billadii Dahabka ee orodka 1500m ciyaarihii 2012 London Olympics ee dhowaan dhacay. Billadan dahabkaa ayaa riyaaq waddaninimo oo aan la koobi karin ku beertay dadka reer Algeria, ama caalamka Carabtaba meel ay joogaanba. Wuxuu Taoufik ka mid noqday cayaaryahannada fara ku tiriskaa ee Billadan oo kale u soo haya Algeria, carabta, ama Afrikaba.

Waxaa Tababare Jama Aden ku qaabilay Madaarka madaxda ka socotay wasaaradda ciyaaraha ee Algeria, Madaxa Guddiga Olympics Algeria, Ciyaaryahanka Taoufik, iyo dhallin aad u fara badan oo xiisaysa ciyaaraha orodada. Waxaa halkaa Mahadnaq weyn u soo jeediyey Tababaraha madaxdii soo dhoweeysay. Isagoo isla markaa Jama halkaa ka sheegay inaanu filanayn soo dhoweeyn sidaa u ballaadhan, aadna ugu faraxsanyey inuu soo booqdo Algeria mar kale. Ugu dambeeystii, waxaa uu Jama u mahadnaqay dhamaan madaxdii iyo dadkii sida diiran u soo dhoweeyey.
Tababare Jama Aden ayaa noqday mid si aan xad lahayn looga yaqaan caalamka ciyaaraha fudud. Waxaa magaciisu si cad uga muuqda taariikhda iyo diiwaanka ciyaaraha Oroddada, ama ha noqdaan ku IAAF, Olympics, ama Guddiyada kala duwan ee qaaradaysanba. Waxaa layn ka ugu jira oo isku haysta siduu gacantooda u soo gelli lahaa dawladdo aad u tira badan, iyo companiyo khuseeya ciyaaraha oroddada. Waxaanu idin soo gudbin doonaa doorka dambe warbixinta socdaalkan Algeria, iyo qoraal ku saabsan Tababaraha iyo Guulihiisi Sannadkan.
Issa Awaleh




Recent Comments