telesom
logo
logo
logo
|

Falaqaynta Kulan Xamaasadda Leh ee EL CLASICO ee Real iyo Barcelona

 

Kulanka caawa ka dhacaya Camp Nou waxaa laga baahin doonaa in ka badan 30 dal, iyadoo ay ciyaarta xaadiri doonaan ilaa iyo 600 joornaaliiste.

Iyadoo lympique de Marseille ay martigelineysa PSG horyaalka Ligue 1, islamarkaana AC Milan ay geesaha isgeli doonaan Inter horyaalka Serie A, maanta oo axad ah ayaa maalin weyn u ah kubada cagta. Si kastaba, Waa kulanka La Liga ee u dhaxeeya Barcelona iyo Real Madrid midka muran la’aan ugu culus kulamadaan.

Kooxaha reer Spian ayaa dhowr jeer oo hore geesaha isgeliyay xilli ciyaareedyadii u danbeysay, waxaana kulan kasta ka soo baxayay waxyaabo badan oo laga daawado. Ka soo bilow shaqsiyaas farsamo fiican oo bandhiga, qilaaf iyo isqabqabsi dhaca, goolal cajiib ah iyo taakalo meel walba duulata, El Clasio guud ahaan wax walba ayaa loogu imaanayaa.

Tababaraha Madrid Jose Mourinho ayaa si dhaqso ah u tilmaamay muhimada kulankaan, markii la weydiiyay xafiiltanka kala dhaxeeya Barcelona.

“Marka ay Madrid la ciyaaryso Barcelona, adduunka oo dhan ayaa joogsada” ayuu yiri Mourinho.

“Waa kulan aan jecelnahay inaan ciyaarno, kaliya aniga kaliya ma ahan, laakiin hubaashii iyaga xitaa waa jecel yihiin, xaqiiqdii waa wax ka badan kulan caadi ah oo horyaal ah”

 

Dhanka kale dhigiisa Barca Tito Vilanova ayaa dareensan in Clasico ay tahay kaliya kulan kale oo iska caadi ah, islamarkaana kooxdiisa ay diirada saareyso kaliya natiijada ay kulankaan ka heli karaan.

“Waxaan ciyaareynaa kulanka kale oo kubada cagta kaasoo sheegi doonaa hadii aan shan, sideed ama 11 dhibcood ka sareyn doono Madrid.”

Ciyaarta ayaa waxaa lagu baahin doonaa in ka badan 30 dal oo Yurub, Asia, Waqooyiga America, Koonfurta America, Bartamada America iyo Afrika, waxaana ka qeybgeli doona 680 joornaaliiste oo ka socda 28 wadan.

Waxaa la qiyaasayaa in ciyaartaan caawa ay soo jiidan doonto 400 milyan daawadayaal ah, iyadoo ciyaarta si toos ah looga baahin doono in ka badan 30 dal oo ay ku baahinayaan Tv-yo caan ah sida Sky Sports, Al Jazeera Sports iyo ESPN.

In ka badan 20 shirkadood oo TV ah ayaa dalbaday inay si shaqsiyan ah u tabiyaan ciyaarta, taasoo ah rikoor cusub.

Xigasho Laacib.net

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)