Wararki Wargayska Hubaal Cadadki Arbaca
Jaha-wareer Ka Dhashay Koox aan La Aqoonsan oo Saq Dhexe u Soo Daatay Idaacada Cusub ee RH oo La Qabtay Iyo C.I.D-da oo Ku Dawakhsan Kiiskooda
“Marba Qolo ayay Sheeganayaan Wixii la Weydiiyana si Nasakhan Bay Uga Jawaabayaan”
“Nimankani Habeen hore ayay xagga waqooyi ee garoonka xigta ka soo dhaceen, mabay cabsanayn oo telefoono ayay ku hadlayeen markii aanu qabanay”
Hargeysa (Hubaal)- Saddex nin oo aan la garanayn qorshahooda ayaa habeen hore gacanta lagu dhigay kadib markii ay u soo dhaceen Kaamboolka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaana Halka laga taagay War-laliyaha Idaacada Cusub ee Radio Hargeysa. Saddexdan Nin ayaa ka soo dhacay Jihada waqooyi ee Dayrka Idaacadda iyaga oo sanqadh tirasho ku soo galay xayndaabka Taawarka Idaacadda hase yeeshee waxa markiiba ku dhigay Ciidamada Amaaanka ee gaadhka kaga jiray aagaas. Ragan oo dhalinyaro ah ayaa looga shakiyay inay fulinayeen hawl gal lagu sheegay inuu yahay Qarax lagu beegsanayo Idaacadda Cusub oo hadda uun faraha laga qaaday rakibaadeeda. Mid ka mid ah Hawl wadeenada Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta oo Ka cudur daartay in Magaciisa la xuso ayaa wargeyska Hubaal Xalay uga Warramay sida wax u dhaceen iyo goorta ragani u soo dhaceen xarunta “habeen hore tobankii oo wax la’ bay nimin dhalinyar ah oo waxay yihiin aan lagaranaynini ka soo dhaceen xaga dambe ee dayrka, adigu waa la qabtay oo hadda C.I.D-da ayay ku xidhan yihiin, oo lagu hayaa” ayuu yidhi masuulkani, waxanu ku gaabsaday inuu faahfaahin dheeriya ka bixiyo iyo ujeedada ragani u soo dhaceen waxa ay tahay “ Ciidamada ayaa baadhaya oo kiiskooda gacanta ku haysa, dee meeshuna waa Sensitive (xaasaasi) oo way hawlo badan tahaye waxba wali lagama soo saarin”. Ayuu raaciyay.
Dhinaca kale Wargeyska Hubaal ayaa la xidhiidhay mid kamid ah Saraakiisha Ciidanka Amaanka ee Wasaaradda Warfaafinta, oo ka gaabsaday in Magaciisa la xuso ayaa sheegay in Raggani soo dhaceen iyagoo Moobilo ku hadlaya oo aan wax baqdin ahi ka muuqan “Walaal Nimankani wali Waa la baadhayaa oo Habeen hore ciidankoo heegan ku jira ayay xagga waqooyi ee garoonka xigta ka soo dhaceen, ciidanka ayuun baa qabtay iyagoo iska baraad la” ayuu yidhi sarkaalkani, waxanu intaa ku daray “mabay cabsanayn oo telefoono ayay ku hadlayeen markii aanu qabanay”. Mar la weydiiyay meesha ay ka yimaadeen ragani iyo ujeeda hawlgalkan waxa uu ku gaabsaday “Wallaahi dee in kastoo la baadhayo oo wixii ka soo baxa la sugi doono haddana wali waa la garan la’yahay waxa ay yihiin , marba qolo ayay sheeganayaan oo reer hebel baanu nahay bay ku odhanayaan, wixii la weydiiyana si nasakhan bay uga jawaabayaan” ayuu intaa raaciyay sarkaalkan Ciidanka ahi. Waxa kale oo Wargeysku sii waydiiyay in ragganu socdeen Qarax iyo in hawlo kale u socdeen, waxaanu ku gaabsaday in wax walba la fili karo, balse aanu ka hor dhacay”.
Wasaaradda Wafraafinta ayaakamid ah hal bawlayaasha Qaranka maadaama oo ay dhex taalo warbaahintii qaranka ee bulshada wacyi gelinta u qaabilsanayd, waxaana arrinatni ku soo beegan tay xilli xukuumaddu sheegtay in la dhamaystiray rakibaada Idaacaddii Cusbayd ee Radio Hargeysa oo Muddaddii ay Somaliland jirtay ay tahay markii u horeysay ee Idaacad Xajmigeedu weyn yahay la rakibo. Taasoo markii la keenay dalka dhawaan ay ciidamada Sirdoonka Somaliland ku wargeliyeen Maamulka warfaafinta dawladda in la adkeyo ammaana wasaaradda oo dhan, iyadoo la sheegay in cadawga Somaliland bartilmaameed ka dhiganayo Idaacadda Cusub, si aan loogu guulaysan inay dalka wada gaadho.
2
Booyad Shidaal Dhaansan Oo Afka Dhulka Dartay iyo Tobanaan Kun oo Litir oo Ciida Qul-qulay
Hargeysa (Hubaal)-Gaadhi Booyada oo sid-day shidaal gaadhaya 95 Foosto oo Naafto ah ayaa xalay ku gedoontay Wadada Laamiga ah ee dhinaca bari ka marta Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Gaadhigan oo ahaa gawaadhida loo yaqaano isjiidka oo ka koobnaa laba Booyadood isla markaana ayaa shidaalka kooban 19 kun oo Litir u siday kaalinta Loo Yaqaan TOTAL eek u taal jidka boqol iyo kontonka ee galbeedka Jaamacadda ADMAS ayaa dhacday abaaro 7:30-kii fiidnimo ee xalay kadib markii ay labada taayir ee Hore u go’een booyada is jiidka ah, halkaasoo ay dhulka gashay Naaftadii ku jirtay booyadu.
Weriyayaal ka tirsan Wargeyska Hubaal oo tegey goobta booyadu ku qalibantay ayaa isla goobta kula kulmay Cabdiqaadir Cali Cilmi oo ah Mulkiilaha Kaalinta ay booyadu u siday shidaalka, Waxanu ka warramay sida shilku u dhacay iyo waxa sababay. Mr. Cabdiqaadir waxa uu sheegay in mushkiladu dhacday markii la kala furayay labada booyadood oo ay u goéen labada taayir ee hore, kadibna ay booyadii afka dhulka ku dhufatay.
Mr. Cabdiqaadir oo aanu weydiinay qiyaasta shidaalka ay siday booyadu iyo inta khasaartay ee daadatay iyo inta ay ka gaadheen ee u badbaaday ayaa noo sheegay in booyadu siday sagaal iyo toban kun oo Litir oo Naafto ah, halkaas oo uu noo xaqiijiyay in ay daateen laba iyo toban kun oo Litir halka ay ka badbaadiyeen todoba kun oo litir, isaga oo arrintaa ku tilmaamay khasaare sahlan.
Ciidama Booliska ee degmada Koodbuur ayaa isku xeeray agagaarka booyadu ku qalibantay, halkaas oo ay ka ilaalinayeen dad ku soo qamaamay shidaalka daatay oo ay doonayeen in ay dhurtaan, taas oo boolisku ay kala tacaalayeen in dadkaasi ku waxyeeloobaan shidaalkaas ama dab ka kaco.
3
Madax-dhaqameedka Awdal Oo U Hal-celiyey Dhigooda Hargeysa Oo Muran Dhul Ka Dhaxeeyo.
“Waxaad ku Faantaan Annagaa Duminay Dawladdii Soomaaliweyn, maanta waxaad wadaa.,…”
Borama (Hubaal)- Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka beesha Maxamed Case (Samaroon) oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Borama ayaa jawaab ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex (Sacad Muuse), kaasi oo ka dhashay muran dhuleed oo ka taagan Waqooyiga gobolka Hargeysa. Madax-dhaqameedkan ayaa ku dooday in dhulka lagu muransan yahay ee Waqooyiga gobolka Maroodi-jeex uu ka mid yahay gobolka Awdal isla-markaana intii ka horeysay lixdankii laga xukumi jiray degmada Saylac ee hadda ah xarunta gobolka Salal, intii wakhtigaasi ka dambaysayna uu ka mid ahaa gobolka Awdal. Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo ka mid ah Madax-dhaqameedka shirka jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Dhulka raggaasi ay ku andacoonayaan maaha dhul ay arkeen, lixdanka ay sheegayaana wuxuu ka tirsanaa gobolka Awdal, dhulkaasi 1960-kii waxa laga xukumi jiray Saylac, intii ka dambeysayna waxa ay ahaayeen deegaanka Awdal”. Suldaan Ibraahim Jaamac Samater, waxa uu difaacay eedaymo Madax-dhaqameedka ay u jawaabeen u jeediyeen Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu sheegay inuu ka xun yihiin eedaha loo jeediyay masuuliyiinta uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenku. Suldaan Abshir oo ka mid ah Madax-dhaqameedka halkaasi ka hadlay ayaa isaguna ku dooday in deegaanka muranku ka taagan yahay laba jeer laga codeeyay, iyadda oo degmada Lughayaha uu hoos tagayo “Nimankaasi ma istaahilaan in loo jawaabo, laakiinse waxa la yidhi nin kula hadlay kaa hadli-baan ula hadlaynaa, meesha ay ka hadlayaana waxay doorasho ka dhacday laba jeer, mar waxay ahayd 2001-dii, marna 2005-tii, waxaana looga codeeyay dastuurkii Cigaal”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Labadaa jeerba waxa looga codeeyay degmada Lughayaha”. Suldaan Muuse Dugsiiye (Sanburad) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isaguna eedaymo u jeediyay Madax-dhaqameedkii doraad ka hadlay muranka dhuleed ee Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex “Waxaad ku faantaan anagaa duminay dawladii Soomaali-weyn, maanta waxaad wadaa tana (Somaliland) waan duminayaa, haddaad dumiso adigaa ku dhargey oo anigu waxba kuma hayo”ayuu yidhi.
4
Shir Lagu Dabrayo Maxakamadaha oo Saaka Hargeysa Ka Furmaya Iyo Kaaliyayaal Ka Dayriyay Ajandahiisa
“Mas’uul UNDP u Qaabilsan Sharciga oo Faraha la Soo galay Arrimo aanu Xaq u lahayn iyo Mas’uuliyiinta Maxakamadda Sare oo Hor boodaya”
Hargeysa (Hubaal)-Shir ka dhan ah Kaaliyayaasha Maxakamadaha Dalka gaar ahaana kuwa caasimadda ku yaalla ayaa Saaka la filayaa in uu ka qabsoomo xarunta Maxakamadda racfaanka ee gobolka Hargeysa. Shirkan ayaa la sheegay in uu ku saabsan yahay Sidii loo dhaqan gelin lahaa Xeer uu soo saaray guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee JSL, kaasi oo lagu xakamaynayo dhaq-dhaqaaqa iyo xaqul-qalinka Kaaliyayaasha Maxakamaddaha gobolku ka qaadaan dadka ay dacwadahooda gacanta ku hayaan, isla markaana. Xeerkan ayaa warku sheegayaa in uu qayb ka yahay faro galin ay hay’adda UNDP ku samaysay hawlaha ay kaaliyayaashu gacanta ku hayaan iyada oo u soo dhex maraysa Hoggaanka sare ee Maxakamadda distooriga ah. Ilo Xog ogaala oo Wargeyska Hubaal Arrintan wax ka weydiiyay ayaa shirkan Saaka ku tilmaamay faro gelin iyo cabudhin sharci oo lagula kacayo Kaaliyayaasha Maxakamaddaha oo ay sheegeen inay wado Hay’ada QM ee UNDP, taas oo Waaxda garsoorka dalka kala shaqaysa arrimaha shuruucda. Qaar kamid ah Kaaliyayaasha Maxakadaha Hargeysa oo aan Magacooda xusin ayaa sheegay in Mas’uulka Hay’adda UNDP u qaabilsan Arrimaha shuruucda oo la yidhaahdo Cabdixakiim Muxumed Cabdi uu Dalbaday in shir la isugu yeedho Kaaliyayaasha Maxakmadaha, isaga oo gacan ka helaya Masuuliyiinta Maxakamada sarena uu ku amar ku taaglaynayo farogelinta uu ku hayo Kaaliyaasha. Xubnahani waxay intaa ku dareen in Shirka Saaka oo hal ku dheg looga dhigay Maamul wanaaga Kiisaska Maxakamadaha lagu wargeliyay Kaaliyaasha inay isugu yimaadaan xarunta Maxakamadda racfaanka Hargeysa iyada oo ka sokow saraakiisha Maxakamada Sare ee shirkaa ka qayb galaysa uu isaguna soo dhex fadhiisan doono Mr. Cabdixakiim Muxumed Cabdi, Masuulka UNDP u qaabilsan Shuruucda ee shirkan dalbaday. Waxana natiijada shirkan laga filayaa inay ka soo baxaan qoddobo la xidhiidha dhaqan gelinta digreetadii uu hore guddoomiyaha Maxakmadda sAre u soo saaray ee ka dhanka ahayd Kaaliyayaasha Maxakamadaha taasoo sida Ilahani tibaaxeen ay ka dambsayo UNDP.
5
Xasan Sh. Maxamuud-ka Xamar oo Beesha Caalamka Ka Codsaday In aanay La Macaamilin Somaliland
“Nuxurka Warbixin Xaqiraad iyo Hanjabaad isugu Jirta oo aan Saxaafadda Loogu Talo galin oo Madaxweynaha Soomaaliya u Gudbiyay Qaramada Midoobay”
Muqdisho (Hubaal-W/wararka)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa beesha Caalamka ka codsaday in ay Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland cadaadis ku saaraan inay hoos yimaadaan Dawladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in midnimada Soomaaliya ay muqadas tahay oo aanay ogolayn cid gooni u goosata. Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay inay Somaliland iyo maamulka Puntland u hayaan ixtiraam badan, balse ay u arkaan inay yihiin maamulo ka mid ah dawlada Somalia, isagoo yidhi, "maaha in gobol walba uu sheegto goosasho been ah iyo wax aanu ahayn oo samaysto lacag iyo baasaboor foojari ah" wuxuuna sheegay inay taasi sii abuurayso inay xiisada Somalia ee hogaamiyayaasha deegaanada kasii darto. sidaa awgeed waxa uu ku dooday in aanay Somaliland iyo Puntland joojinayn wuxuu ugu yeedhay been-beenta ay iska dhigayaan wax aanay ahayn ee ay kula xidhiidhayaan heshiisyada been-beenta ah, isla markaana xukuumaddiisu kala xidhiidhay qaramada midoobay, Ururka Midawga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo midawga Yurub, maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada dagaalka iyo dhamaan Ururada siyaasada ee ka wer-wersan xaalada inay noo saamaxaan inaanu xidhno dhamaan xuduudaha siyaasada Somalia ee denbiilayaasha iyo dagaal oogayaasha si aynu daacad uga noqono denbiyada ka dhanka ah bini'aadanimada intii lagu jiray dagaalada sokooye ee Somalia. ayuu yidhi Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo todbaadkan la hadlayay wakiilo iyo dublamaasiyiin ka socda beesha caalamka oo uu ku qaabilay xafiiskiisa. "waxaanu si cad ugu baaqaynaa hogaamiyayaasha Somaliland iyo Puntland maamuladaasi inay aqbalaan oo u hogaansamaan dastuurka federaalka ee Somalia, sababtoo ah Somalia waxay leedahay 275 xubood oo ah baarlamaan la dooratay oo dhamaan deegaamada ka wakiil ah. sidaa awgeed waxay taasi soo af-jartay been-beentii goosashada iyo lacagihii iyo baasabooradii foojariga ahaa " ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayay wefdiga ka socday beesha caalamka. Dhawaaqa hanjabaada iyo xaqiraada ah ee kasoo baxay madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya weedho dublamaasiyadeed iyo hadalo afmacaani ah oo uu hore ugaga hadlay qorshihiisa siyaasadeed ee ku waajahan Somaliland oo uu sheegay inuu sii wadayo wada hadaladii beesha caalamku hormoodka u ahayd ee u socday Somaliland dawladii hore ee Somalia oo uu sheegay inuu halkii kasii wadayo, balse dhawaaqan danbe oo ahaa mid aan saxaafada loogu talo gelin ayaa si dhab ah u kashifaya qorshihiisa siyaasadeed ee u qarsoon, isagoo weedhahani ahaayeen fariin si dhab ah uu ugu dhiibayay beesha caalamka, taas oo xaqiraad iyo meel ka dhac ah ku ah qadiyada madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, isla markaana si cad u muujinay khatar kusoo fool leh Somaliland, balse aanay dareensanayn xukuumadda Somaliland marka laga reebo kooxda hanbalyada ku boobtay markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo aan weli cadayn mawqifkiisa siyaaasadeed ee ku aadan Somaliland, balse la rumaysanyahay inay ka hanbalyadoodu ahayd xidhiidho iyo dano gaara oo ka dhexeeya oo aan ka turjumayn qadiyada Somaliland.
6
Shaqaalaha Shan Hay’adood oo Dawli ah oo Shalay u Fadhiistay Imtixitaankii Lagu Qiimaynayay
Hargeysa (Hubaal)- Shaqaalaha dawladda ee ka hawlgala shan ka mid ah wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda JSL ayaa shalay uu u bilaabmay Imtixaankii qiimaynta shaqaalaha Dawladda ee caadiga ahaa kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah. Wasaaradaha Xanaanada xoolaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, ganacsiga, Macdanta iyo Biyaha iyo Kommishanka Xuquuqul insaanka ayaa shaqaalahoodii imtixaanaadku ku waajibay oo tiradoodu dhan tahay 293 qof ay shalay dufcaddii ugu horaysay u fadhiisatay. Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Dawladda Nuux Sh. Muuse Ducaale oo imtixaanka ka hor shaqaalaha kula hadlay fadhi kooban oogu qabtay hoolka Imtixaanka ee Hay’ada Shaqaalaha ayaa sheegay in imtixaankani ka mid yahay imtixaanadii lagu qiimaynayey qaranka, natiijadiisuna tahay in lagu kala saaro heerka aqooneed ee shaqaalaha. Md. Nuux waxa uu tibaaxay in imtixaanka ay qaadi doonaan hawlwadeeno loo xulay oo loo dhaariyey shaqada ay qabanayaan, loona qaadi doono si cadaalad ah, waxuuna gudoomiyahu u rajeeyey shaqaalaha inay imtixaanaadka ku guulaystaan.
7
Ujeedada Shir Beeleed Siyaasadaysan oo Maalintii Saddexaad ka Socda Bariga Sanaag iyo Natiijada Laga Filayo
Badhan (Hubaal)- Deegaanka Caroweyn oo ka mid ah degmada Badhan ee bariga gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa waxa maalintii saddexaad waxa ka socda shirwayne ay halkaasi ku qabsatay beelaha Aaden Siciid (Warsangali), kaasi oo la sheegay in lagaga wada arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee Beelahaasi. Shirkan oo halkaasi ka furmay 23-kii bishan September waxa ka qayb-galay Madax-dhaqameedka, odayaasha iyo siyaasiyiinta beelahaasi ee ku kala mabda’ ah qadiyada Madax-banaanida Somaliland, waxaana shirkaasi jooga siyaasiyiin xilla kala soo qabtay Maamul goboleedka Puntland, kuwaasi oo hadda Mucaarad ah ku ah Madaxwayne Faroole isla-markaana ka soo horjeeda in siyaasadiisu ka shaqeyso deegaanka Sanaag bari. Shirkan oo galay maalintiisii labaad, ayaa ilaa hadda waxyaabaha lagaga wada hadlayo lagu sheegay mustaqbalka siyaasadeed ee beelahaasi iyo sidii ay nabad ugula noolaan lahaayeen beelaha la deriska ah, balse wararka ka soo baxaya ayaa sheegaya in beelaha Aaden Siciid ka wada tashanayaan sidii maamulka Puntland aanu deegaankooda uga bilaabeen ololayaal la xidhiidha hanaanka xisbiyadda badan oo hadda Puntland u guurayso, iyadda oo la sheegay inuu shirkaasi dabada ka riixayo Suldaan dhowr bilood ka hor xukuumadda Hargeysa ku casuuntay, kaasi oo hadda ku sugan deegaanka bariga Sanaag. Shirkan ayaa la sheegay inay la socdaan siyaasiyiinta bariga Sanaag kaga jira xukuumadda Somaliland isla-markaana doonayaan in laga soo saaro go’aamo lagu taageersan yahay siyaasada bariga Sanaag ee xukuumadda Somaliland, iyadda oo siyaasiyiinta xukuumadda ka midka ahi doonayaan inay iska maydhaan fadeexado ka soo gaadhay khilaaf ka dhashay maalgashigii dekeda Laasqoray, taasi oo xukuumaddu faro-galin ku samaysay markii masuuliyiin reer Puntland ahi halkaasi soo gaadheen
8
Dadka Xanuunka Dhimirka Ka Ladnaaday oo Loo Furay Xarun Xirfad Loogu Abuurayo
Hargeysa (Hubaal)- Xarun Cusub oo Loogu talo galay in Xirfado Loogu abuuro dadka xanuunnada Dhimirku asiibay ee hadda ka bogsaday ayaa shalay laga furay Magaalada Hargeysa. Xaruntan oo ay gacanta ku hayaan ururka HORIZON oo ah urur daryeela dadka qaba xanuunada dhimirka ayaa ka war bixiyay ujeedada ay xaruntan u fureen iyo waxa ay ugu talo galeen. Waxaana xaflad loo sameeyay furitaanka xafiiskan ka qayb galay Mas’uuliyiinta ururka Horizon, xubno ka socday guddiga wanaag fariska iyo xumaan reebista iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha ururka Horizon Mr. Mustafe Good Nuur oo ka hadlay madashaasi waxa uu ka warramay maraaxilkii uu soo maray ururkoodu iyo waqtigii la aasaasay iyo waliba hawlaha ay qaabilsan yihiin, “laga soo bilaabo sanaddii 2009kii illaa maanta ururkayagu wax uu ku hawlanaa xannaanaynta dadka dhimirka, waxana jira dad badan oo illaahay sabab nooga dhigay inay gacantayada iyagoo ku jira ladnaadaan oo aanu ka xaraynay cadcadeedii iyo balwadihii ay ku dhex jireen, waxana ilaahay mahaddii ah inaanu maanta gaadhnay heer dadkii gacantayada ku ladnaaday aanu xirfad uu ku shaqaysto oo dadkiisa ku dhex geli karo u abuurno, xirfadaha ay dadkaasi heli doonaana waxa kamid ah Nijaarista, wastaadida iyo wixii la hal maala, hawshana waxa naga caawiyey urur ka dhisan dalka Finland oo lagu magacaabo ABILLIS foundation oo aanu abaal badan u hayno.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Waxa kale oo uu ka war bixiyay waxyaabaha sababa in qofku uu miyirkiisa waayo, “waxyaabaha sababa in xanuunka dhimirku uu qofka haleelo waxa ugu waaweyn, camal la’aanta iyo balwadaha oo uu qaadku ugu horreeyo, kaas oo ah aafo ay bulshadeenu si weyn ugu mashquulsantahay, oo aanay dareensanayn waxyeeladiisa iyo dhibaatooyinka uu caafimaadka,dhaqaalaha iyo naftaba u leeyahay.” Ayuu yidhi Guddoomiye mustafe. Waxa iyaguna madasha ka hadlay Cumar Xaashi Guunje, Abu-bakar Sh. Xasan iyo Cabdi Cumar oo ka wada tirsan Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista, kuwaas oo bogaadiyay hawsha ay masuuliyiinta Horizon u hayaan bulshada Nugul, waxanay ku la dardaarmeen inay halkaa ka sii wadaan hawsha ay u hayaan dadka dhimirka qaba. Ugu dambayntii waxa si wada jir xadhiga looga jaray xarunta cusub ee loogu talo galay dadka kasoo ladnaaday xanuunka dhimirka inay lagu baro xirfadaha kala duwan ee ay u baahan yihiin si ay naftooda iyo ta ehelladoodaba u anfacaan, isla markaana wax ula qaybsadaan bulshada inteeda kale oo ay muddo kasoo maqnaayeen xannuunada maskaxda ka asiibay awgeed. Dadka xaafadda laga hirgeliyey xaruntan cusub ayaa aad usoo dhaweeyey una riyaaqay talaabadan horumarka leh ee ururkani ku dhaqaaqay, iyagoo ilaahay uga baryey ururka inuu u fududeeyo hawsha culus ee ay dhabarka ku qaateen.
.
9
Cilmi Baadhis Lagu Darsey Nolosha Bulshada Somaliland oo Natiijadeedu Ka Marag Furtay Wacyiga Jira
“Machadka Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa oo Muddo Dheer Waday Daraasadan iyo Xukuumadda oo Ka Mabsuuday Natiiijadeeda”
Hargeysa (Hubaal)- Cilmi baadhis mug leh oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa machadka Xallinta Khilaafaadka iyo Cilmi baadhistu maalintii shalay kusoo bandhigay xaruntiisa ku taala magaalada Hargeysa. Madasha xafladdan lagu ibo-furayey oo ahayd mid si aad ah loosoo agaasimay, ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiiro, xildhibaano, madax kala duwan oo ka kala socotay Hay’ado caalamiya iyo kuwo waddaniya, madaxda iyo hawl wadeenada Machadka Xallinta Khilaafaadka iyo Cilmi baadhista(OCVP) iyo marti sharaf kale. Ugu horrayn Agaasimaha Machadka Xallinta Khilaafaadka iyo Cilmi Baadhista, Cabdilaahi Maxamed Odowaa oo goobtaasi ka hadlay, ayaa si mug leh u faah-faahiyey waxa ay cilmi baadhista ku sameeyeen mudaddii ay howsha wadeen iyo meelihii ay awoodda saareen, “cilmi baadhistayadani waxa ay socotay intii u dhaxaysay 2009-2010kii, meelaha aanu howsha ka wadnayna waa shan degmo, Muddo dheer ayaanu ugu kuur-galnay una daraasadaynay dhinacyo badan oo nolosha dadka ku tacaluqa, sida arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Dhaqaalaha, Siyaasadda, Nabad-gelyada, Caddaaladda iyo dhammaanba wax kasta oo muhiim u ah degenaanshaha shacabka” ayuu yidhi Agaasimuhu, waxa kale oo uu sheegay in meelaha ay daraasada ka sameeyeen waraysiyo la yeesheen dad gaadhaya 800 oo qof oo kamid ah qaybaha bulshada “shanta degmo ee aanu daraasadaynay mid kastoo ka mid ah 800 oo qof oo qaybaha kala duwan ee bulshada ah, ayaanu waraysiyo gaar ah kala yeelanay noloshooda iyo nolosha qoysaskooda, waxanu baadhnay guri kasta inta qof ee ku nool, inta shaqaysa, dakhliga soo gala, khayraadka ay degmo kastaa haysato hadday dabiici tahay iyo hadday dad samee tahay, sida iyo biyaha, laydhka iyo caafimaadka ku helaan, ma gacan dawladeed ayaa ka caawisa, ma mid qurbo joog, ma mid NGO, mise hay’ado caalami ah iyo caqabadaha horyaalla nabad gelyada iyo degenaanshaha.” Ayuu yidhi Agaasimaha Machdka Xalinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysi. Natiijada u soo baxday ayaa sidoo kale Mr. Odowaa sheegay inay noqotay mid dhaxal gal ah oo Mustaqbalka laga faa’iidaysan karo iyadoo laga shidaal qaadanayo daraasadooda, “Natiijaddii kasoo baxday shanta degmo waxay noqotay wax faa’iidadeeda leh oo xal u noqon karta mustaqbalka meel kasta oo ay ka jiraan caqabado nololeed iyo kuwo nabad gelyo oo la mid ah kuwa ka jira shanta Degmo ee aanu daraasadaynay.”ayuu yidhi Agaasime Odowaa. Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna Madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay cilmi baadhistan oo uu sheegay in ay tahay mid loo baahan yahay “Waxa dunida cilmi la bartay waxa ka horreeyey daraasad iyo cilmi baadhis dheer oo horseeday in lagaga gudbo caqabad kasta oo dunida ka jirta, idinkuna waxa aad maanta goobta kusoo bandhigteen waa wax ka qayb qaadan kara horumar, mar haddii aad cilmi baadhistiina ku darteen mawduuca Caddaaladdana waa wax aanu aad ugu farax sanahay oo caddaaladda iyo nabaddu way isku xidhanyihiin.” Ayuu yidhi wasiirku. Xil. Dheeg iyo Xil. Obsiiye oo ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland oo iyaguna madashaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay daraasadan oo ay sheegeen inay tahay mid loo baahan yahay
Xiisaha KALA MAAN iyo Xaajiyo QAAYIBA
Xaqal-rubaabi
Diyaariyey: Cali Duul-duul
Bismillaahi Waa Kow Quraankay Bir lab u tahay, Kulan wacan dhamaantiinba, kusoo dhawaada Mar kale iyo Barnaamijkeenii Xiisaha Kalamaan iyo Xaajiyo Qaayiba oo si taxane ah uga dheegataan Wargeyskeena Hubaal. : Waa hagaag akhristayaal, waxaynu gudo galaynaa barnaamijkeenii taxanaha inoo ahaa ee Qaayiba, bal haye xaajiyo maxaad maanta haysaa?
Qaayiba: Waar heedhe, horta wiil yahow waxan ku su’aalay halkeed dhaqanka ku baratay?
Kalamaan: Hee, Maxaan xumeeyay?
Qaayiba: dee waad ka soo daraysaa uun, maalin walba ged cusub baad la imanaysaa. Bariido ma lihid oo guriga dalaq uun baad iska soo odhanaysaa, laakiin maanta tijaabo ayaan kaa qaadayaa diyaar ma u tahay?.
Kalamaan: dee koley wixii aan is leeyahay waad garan waan ka jawaabiye bal soo daa.
Qaayiba: waxad garataa wax saddex jirka ku hanaqaad ah oo soddon markuu jiro gabooba?, waxad garataa wax mar afarta lugood ku socda, mar laba lugood ku socda, marka u dambaysana Saddex lugood ku socda?. Labaad hal xidhaale ayaan Saaka kugu tijaabinayaa ee sheeg?
Kalamaan: Bal aan hooyaday soo weydiiyo’e Berri ha inoo ahaato, ee bal dee waad I boobtee waraysigii aan saaka u socday aan bilaabee soo joogso.
Qaayiba: Haye
Kalamaan: Waxaad iiga warantaa Meeshan Akaademiga la yidhaa ee Nabada iyo Suugaanta ka shaqaysa?
Qaayiba: Akaadami, Akaadami….een Ma Meeshan Saan cadaalayaasha lacagta kaga soo gurata nabad baanu ka shaqaynynaa. Wacdalla waxa ay ka dhigan tahay Meeshani Islaan waalan oo Xeebta Berberaad ku noolaan jirtay Waagii Abaartii Zula la odhan jirtay dhacday. Islaantaasi waxa ay hal hays u lahayd oo ay odhan jirtay Haadaa Xaqanna Xaqal-rubaabi. Oo Macnaheedu ka dhigan yahay Wax kasta Rubaabi baa iska leh hadday markab tahay, haday moodhar tahay iyo haday magaalo tahayba. Markaa immika in muddo ahba ilaa labaatan sano ah ayaan Hargeysa Caano diiq ka ahaayoo weli ma maqal Meel la leeyahay Akaademi ayaa suugaan ku qabatay ama laba reer oo is dilay oo la leeyahay way dhexdhexaadinaysaa, haddana intaa xafiiskaasi waa furan yahay oo haayadahana lacag bay ka guraysaa, markaa dee soow nabada iyo xasiloonada ay guurtida iyo sulaadiintu ku tabcaan kuma xaadiraan oo Islaantaas Rubaabi oo kale uun maaha.
Kalamaan: waan gartaye, waxaad ka warantaa golahan deegaanka ee imika weli shaqaynaya iyagoo waqtigu ka dhamaaday?
Qaayiba: waxa la yidhi beri baa waxa xanuunsaday nin oday ah oo aad u xoolo badnaan jiray, dabadeed waxa u yimi rag tolkii ah kolkaasay arkeen isagoo sakaraad ah, waxa ay yidhaahdeen ee xaaji Ashahaado ileen wax kale lama qaban karee aanu kuu laqimnee, carabka ku celceli ashahaada. Kadib waxa ay ku jeedsadeen Islaantiisii oo markaa barbar fadhiday odayga sakaraadaya, waxay ku yidhaahdeen ee miyaanu Salaada tukan jirin. Ku-te, dee markii horana nin xoolo badan buu ahaayoo salaadaba umuu baahnayn, immikana wuu xanuunsanayaayoo Ma haleelayn. Markaa waxan hadda uga socdaa Golahani intii horena waxbaa la faan biyaynayayoo Jaanisba may hayn, dee imikana xilligii ka dhamaayoo Jaanisba ma hayaan.
Kalamaan: Waa hagaage, waxan jecelahay inaan ku weydiiyo oo kale, dhexdhexaadintan uu Guddoomiyihii Guurtidu ka dhex wado Xisbigii UDUB iyo guddigii Doorashada?
Qaayiba: Alla dee taasi ma war bay leedahay!!!?, waxaad u jeedaa uun Hees qaade. Wuxuu yidhi Ismaaciil Yare (Alla ha u naxariistee waa fanaankii Qalanbaawiga ahaa ee Ismaaciil Cabdi la odhan jiray):
Geed Midho leh baan
Gaadh is leeyahoo
Soomana gurtee
Geriyaad Cidla ah
Cid aan Garabsadiyo
Gacal ii Dhawayn
Gabal maygu dhacay
Bal inay Go’dadu
Giririxa taqaan
Mar labaad Gadhkiyo
Gondaa aan Qabtee.
Lasoco….
Cali Ismaaciil Carab
(Cali-Duulduul)
Hargeysa, Somaliland
+252 2 4414633
Is-yeel-yeelka fankaan ahayn: Feysal Cumar Mushteeg
(1942kii-2012ka)
“Dhulyahow adna waan ku dhaarinayaa,
Ilaahii ku dhammeeyay ee ku dhisee,
Kuu kala dhigay dhoobo iyo ciid,
Dhexdaada ku beeray dhadhaabaha,
Jacaylka dhexdayada dhaqaaleeyoo,
Wixii na dhibaaya naga dhowr.”
Beyd ka mid ah Qaraamkii hodanka iyo curiskaba ahaa ee Feysal Cumar Mushteeg
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-cankaabo@hotmail.com-www.dharaaro.com
Qormadii: 3aad
Sida ay saaxiibbadii beryahaa la noolaa waxa kale oo ay ii sheegeen in ka qayb-geli jiray oroddada qudhooda. Feysal Cumar Mushteeg, wuxu ka hawl-galay xafiiskii xannanada xoolaha ee Burco. Beryahaas ayuu bilaabayaa silsiladdiisii heesaha ahayd ee uu ku qaadi jiray codka ‘Subcis’. Dareen beryahaa ka dhashay ayuu ka tirinayay ereyadaa mahadhada reebay, markii danbena hal-ku-dhegga noqday.
Carruur ayaan ahaa maa daama aan dugsiga dhexe ka bilaabay Axmed gurey sannadku markii uu ahaa 1959kii lixdii bilood ee danbe. Waxaan xusuustaa in beryahaa ku dhegaysan jiray guriga walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale. In kasta oo aanan wada xussuusan, haddana waxaan ka sii hayaa oo weli xiskayga ku keydsan:
“Habeen dem ah oo dabaylo leh,
Duqii oo jooga daartii ka wada baxnayoo,
Dawaafnay buurta dacalladeedii,
Ma garan isku daal-dhaceennii,”
Waxa kale oo aan ka sii xusuustaa:
“Waxaan canbayow haadka kaa celiyaba,
Waxaan sida Cawsha kuu guciyaba,
Ma hadday ku cuneen cadaawuhu,”
Sida aan ka soo xigtay fannaanka caanka ee Busi oo ii sheegay in uu ereyadan ka qoray Feysal Cumar Mushteeg afkiisa, waxa kale oo ka mid ahaa:
“Burcoo idil baa bidhaamaysoo,
Baroo idil baa barwaaqooboo,
‘Paarkerow’ waxa timid ‘Blue’ Laydh,”
Intaa haddii uu yidhi fannaankeennii weynaa ee Feysal Cumar Mushteeg ayaa loo sheegay in uu Burco ka tago oo loo beddelay Bari, waxaanu intaa hore ku kabay:
“Anoon booqan Bari u bixi maayee,
Ma baahde Ilaahay baa la baryaa,
‘Paarkerow’ waxa timid ‘Blue’ laydh,”
Sheekadu waxay leedahay mar danbe ayuu maqlay in jacaylkiisii la guursaday, waxaanu intaa hore ku daray:
“Bustaankaan ka beeray Boorame,
Baaq-baaq baan islaa bilow dhow,
Bartiikhii la guursay waa been,”
1960kii Feysal Cumar Mushteeg wuxu ka wareegay xafiiskii xannaanada xoolaha, waxaaanu galay Dugsigii ama Xaruntii Tababarka ee xirfadaha ee Cammuud oo loo yaqaannay “Vocational Training center” oo loo soo gaabsan jiray “VTC” oo ay dad badani ka soo baxeen. Sidii ay saaxiibbadii ii sheegeen wuxu ka mid ahaa ardaydii tacliinta ugu fiicnayd, isaga oo halkiisii ka sii watay ka qayb-galkii ciyaaraha oo aad loogu majeeran jireen.
Laba sannadood ka dib ayuu ka soo baxay tababarkii waxaanu noqday macallin, isaga oo ka soo shaqeeyay meelo badan. Walaalkay Axmed Yuusuf Ducaale wuxu ii sheegay in uu macallin u ahaan jiray. Walaashay Sacdiya (Baarcad) oo aan ku dhalasho xigayna waxay ii sheegtay in uu macallin ugu ahaan jiray dugsigii hoose ee New Hargeysa oo beryaha qaar la odhan jiray “Reece”. Sacdiya-Baarcad waxay ii sheegtay in uu daqiiqadaha hore oo dhan fasal u heesi jiray. Waxay ii sheegtay in uu mar danbe odhan jiray xamaamkii ma is-taagay, markaa ka dib ayuu xiisadda bilaabi jiray.
(La soco………………..)
Madaxweyne , Musuqa Ragaadiyay Wasaarada Duulistu Waa Ceeb Gondahaaga Taalla
“Waxaan ahay nin arkaaya
Ayaankaygii shi' dhaafay
Markii loo injireystay
Oo madow daba-keeniyo
Isagoo ducanayaa
Dirqiga- weysha ku ooftayoo
Idinkoo qof maqnaynoo
Indhihiinu shan yihiin
Mar labaad ambanaaya.”
Wasiirka Duulsita Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo kaashanaya hayada NASHA ayaa waxay ku kaceen musuq-maasuq noocii ugu casrisanaa ee Somaliland ka dhaca iyada oo musuqani uu matelo sida ay u shaqaysato maafiyada ugu khatarsan aduunka,hadaba wasiirka iyo hayada NASHA ayaa waxay sanadkiiba waxay si sharci darro ah u lunsadaan lacag dhan laba malyan iyo shan iyo konton kun oo dollar sanadkiiba lacagtan oo haba yaraateen aan ku soo dhicin khasnada dawlada dhexe balse uu wasiirka iyo hayadani iska maamushaan iyada oo hayada iyo wasiirku ku heshiiyeen in shaqaale tiradoodu gaadhayso ilaa 90 sharci daro ah oo ka soo jeeda caa’ilada wasiirka in laga shaqo geliyo madaarka berbera iyada oo aan ka diwaan gashanayn hayda dawlada shaqaalaaha uga wakiilka ah ee u qaabilsan diwaan gelinta shaqaalaha dawlada,arintan oo markii la ogaaday yax yax iyo amakaag ku noqtay dadweynaha reer Somaliland iyada oo lagu tilmaamay dhacdo ku ugub ah geyiga Somaliland islamrkaana waxay ku soo began tahay xili uu dalku ku jiro xaalad dhaqaalo xumo tii ugu xumayd ee dalka soo marta tan iyo markii Somaliland xoriyadeeda dib ula soo noqotay 1991-kii hadaba waxay dad badni isweydiiinayaan meeye golayaashii sharci dejinta qaranka ee shacabka ugu masuulka ahaa ulaalinta hantida qaranka ee sida gaarka ah loogu takri falayo maxay raali ka yihiin musuq-maasuqa uu wasiirka duulistu iyo hayda NASHA ay ka wadaan dalka ee marysa heer aan loo dulqaadan Karin, inkasta oo uu madaxweyne siilaanyo uu maalintii dhaweyd ee ciida soon fureed uu masjidka jaamicaweyn ee Hargeysa uu ka sheegay in uu wax ka qaban doono musuq-maasuqa iyo cadaalad darada ayaa hadana aysan muuqan wax talaabo ah oo uu madaxweynuhunka qaaday arintaasi iyada ah,balse mudane Madaxweyne ogow in musuq-maasuqa uu ku kacay wasiirka duulista hawadu ceebteedu gondahaaga taalo, hadaba suugaanta soomaalida yaa markasta waxa jira waxay sawir ka siisaa dadweynaha markaa aan soo qaado erayo ka mid ah gabaygii ergo ee Abwaan Maxamed Xaashi dhamac Gaariye:
Waxaan ahay nin arkaaya
Ayaankaygii shi' dhaafay
Markii loo injireystay
Oo madow daba-keeniyo
Isagoo ducanayaa
Dirqiga- weysha ku ooftayoo
Idinkoo qof maqnaynoo
Indhihiinu shan yihiin
Mar labaad ambanaaya.
Gabagabadii hadii aan musuq-maasuqa aan xadka layan ee dul hoganaya wasiirka duulsita hawada Somaliland wax laga qaban waxaa imandoonta| Dharaar baa iman doonta mujrim -oogo madowoo- islaam sheeganayaa agablaay hambadaada- isa sii kaba raasho ku darsoo Madaxweyne – waxaan ahay xog-ogaaloo hir fog baan arkayaa- orna waa maqlayaa waxna way urayaan.
Qalinkii C/casiis Bshiir Nuur freelance journalist
Tel:4144434
Email:c.cassiis98@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland
Madaxweyne, Saddexda Ciidan Qaran Mushaharka u Kordhi Sanadka 2013-ka
W/Q. Mawliid A. Cumar
Mudane madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud marka hore waxaan kugu dhiiri galinayaa inaad heegan uu ahaato difaaca Qaranimada iyo madaxbanaanida dalkan Somaliland, Sidoo kale inaad heegan u ahaato isbedelada maamul ee ka dhacay dalalka aynu jaarka nahay ee itoobiya iyo soomaaliya, sidaasi awgeed Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa inaad guud ahaan saddexda ciidan qaran ee Militariga, Asluubta iyo Booliska u samayso mushahar kordhin insha Allah sanadka 2013-ka. Mudane madaxweyne guud ahaan ciidamada qaranku waa jiritaanka iyo midnimada Qaranka Somaliland, sidaasi darteed waxaan marka labaad kugu adkaynayaa in ciidamada qarankeenu ugu mudanyihiin in lagu bilaabo maalgalinta koboca horumarka ee dalkeena u kordhay, ciidamadeena oo ah tiirka koowaad ee hadh iyo habeenba u taagan difaaca qaranka iyo ilaalinta nabadgelyada wadanka. Hadaba mudane madaxweyne maadam oo ay naawilayaan ciidaada qaranku balanqaadkii xisbiga kulmiye iyo xukuumadaba waxay mudanyihiin ciidamadeenu inaad kaga farxisaan talaabadaas dhiirigalinta u ah insha Allah waxaan ku leeyahay caafimaad ku hogaami xilka aad umada u hayso ee laguu doortay
WABILLAAHI TAWFIIQ
Mowliid Aadan Cumar
Hargeysa, Somlailand
Xukuumadeey Ha ku Mashquulin Maamulka Soomaaliya’e Hoos u Eeg Arrimaha Somaliland
Jaamac Cilmi Jiir
Tan Iyo Intay Xukuumada Uu Hogaamiyo Madaxwayne Siilaanyo Talada Dalka La Wareegtay Waxa Ay Badashay Siyaasadii Ay Xukuumadihii hore kula dhaqmi jireen konfurta Somalia oo tan iyo waagii talada dalka laga tuuray kaligii taliyihii hore ee Somalia maxamed siyaad ay dagaalo ragaadiyeen oo aanay jirin dawlad dhexe oo lagala hadlo arimaheena , hayeeshee dawlada uu hogaamiyo madaxwaynaheena waaya-araga ah oo shacabku kalsooni badan ku qabaan ay wada hadalo la furtay dawlad ku sheega konfurta Somalia loo yagleelay . Haddaba aqoonyahan jiir waxa uu dawlada somaliland kula taliyay in aanay isku mashquulin dawladan taagta daran ee dagaalada isdaba jooga ah ku jira , hayeeshee ay dawlada somaliland awoooda saarto siyaasada arimaha gudaha dalkeena oo ay awooda saarto arimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada , biyaha , iyo arimaha nabad galyada arimahaas oo faa’iido badan inoo leh oo shacabkeenu baahi farabadan u qabaan . Waxaa kale oo aan u soo jeedinayaa dawladeena in ay dib u eegto xasuuqa loo gaysanaayo shacabkeena ku nool kilinka shanaad ee ismaamulka ethopia , shicibkaas oo xasuuq ba’an ay ku hayaan ciidan ku sheega new-police oo ina ilay u samaystay xasuuqa dadkeena dagan reserve Area , waxaa ua danbaysay xasuuqii loo gaystay shacabka aan waxba galabsan ee Xarshin , taas oo markaa ay ku baxeen salaadiintii habar awal oo uu hogaaminaayay suldaan xasan ay ciidamada liyuu police ay xabsiga u taxaabeen salaadiintaa sharafta leh oo aan gayin xadhig . Markaa waxaan odhan lahaa dawlada somaliland ha ka shaqayso sidii arimahaas wax looga qaban lahaa oo ay kala hadlaan dawlada dhexe ee federalka.
Xukuumadeey Ha ku Mashquulin Maamulka Soomaaliya’e Hoos u Eeg Arrimaha Somaliland
Jaamac Cilmi Jiir
Tan Iyo Intay Xukuumada Uu Hogaamiyo Madaxwayne Siilaanyo Talada Dalka La Wareegtay Waxa Ay Badashay Siyaasadii Ay Xukuumadihii hore kula dhaqmi jireen konfurta Somalia oo tan iyo waagii talada dalka laga tuuray kaligii taliyihii hore ee Somalia maxamed siyaad ay dagaalo ragaadiyeen oo aanay jirin dawlad dhexe oo lagala hadlo arimaheena , hayeeshee dawlada uu hogaamiyo madaxwaynaheena waaya-araga ah oo shacabku kalsooni badan ku qabaan ay wada hadalo la furtay dawlad ku sheega konfurta Somalia loo yagleelay. Haddaba aqoonyahan jiir waxa uu dawlada somaliland kula taliyay in aanay isku mashquulin dawladan taagta daran ee dagaalada isdaba jooga ah ku jira , hayeeshee ay dawlada somaliland awoooda saarto siyaasada arimaha gudaha dalkeena oo ay awooda saarto arimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada , biyaha , iyo arimaha nabad galyada arimahaas oo faa’iido badan inoo leh oo shacabkeenu baahi farabadan u qabaan . Waxaa kale oo aan u soo jeedinayaa dawladeena in ay dib u eegto xasuuqa loo gaysanaayo shacabkeena ku nool kilinka shanaad ee ismaamulka ethopia , shicibkaas oo xasuuq ba’an ay ku hayaan ciidan ku sheega new-police oo ina ilay u samaystay xasuuqa dadkeena dagan reserve Area , waxaa ua danbaysay xasuuqii loo gaystay shacabka aan waxba galabsan ee Xarshin , taas oo markaa ay ku baxeen salaadiintii habar awal oo uu hogaaminaayay suldaan xasan ay ciidamada liyuu police ay xabsiga u taxaabeen salaadiintaa sharafta leh oo aan gayin xadhig . Markaa waxaan odhan lahaa dawlada somaliland ha ka shaqayso sidii arimahaas wax looga qaban lahaa oo ay kala hadlaan dawlada dhexe ee federalka.
Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir
Hargeysa, Somaliland





Recent Comments