“Guddoomiyaha waxa doortay wakiillada oo cod aqlabiyadda ku doortay, sida looga qaadayana waa shaqo baarlamaan ee shaqo cid kale u taal maaha”
Burco (Togdhnews)- Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Marreexaan) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in sharcigu u fasaxayo guddoomiyaha golahooda inuu isku hayo labada xil ee lagu haysto, isla markaana dhammaan xildhibaannada wakiilladu min laba xil wada hayaan marka la eego xisbiyada iyo ururrada dhexdooda ee ka tirsan yihiin.
Md. Marreexaan oo warbaahinta u warramay shalay isagoo ku sugan magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; “Xubnaha wakiilladu marka horeba xisbiyo ayey ka soo baxeen, dhammaana 82 xubnood ee Golaha Wakiilladu ka kooban yahay qof aan laba xil hayn naguma jiro, marka laga hadlayo xisbiyada iyo ururrada dhexdooda ama guddiga fulinta ayay ka tirsan yihiin, golaha dhexe amma qaarkood hoggaanka ayay ku jiraan.
Guddoomiyaha Wakiillada hadda joogaa UCID ayuu ka baxay. Lixdii sanno ee hore wuxuu ahaa ku-xigeenka xoghayaha guud ee xisbigaasi, waana xil weyn, cidna kumay wadahadli jirin, laakiin intii iminka la furay Xeer No: 14 oo dadka u fasaxaya in ururro iyo xisbiyo ku tartamaan, in muwaaddiniintu ururro isu abaabulaan, ururro furtaan, waana xeerka oggolaaday in sagaal urur soo baxaan oo ku tartamaan saaxadda siyaasadda.
Waxa kale oo xeerkani sheegayaa in xildhibaanka Golaha Wakiilladu si gaar ah u furan karo ururro oo uu la mid yahay muwaaddinka. Sidoo kale, waxa uu oggolaaday xeerkani in xildhibaanku xisbiga uu ka soo baxay ka guuri karo oo mid kale gali karo.
Xisbiga KULMIYE iyagoo xeerkan laga faa’idaysanayo waxa nagu soo biiray 17 xildhibaan oo ka yimi UCID iyo UDUB. Xaflad ayaannu u qabanay, waxaanay ku jiraan hadda guddiga fulinta, golaha dhexe iyo guddiga abaabulka, markaa waxa guddoomiyaha wakiillada u fasaxaya labada xil, waxa 17-ka xildhibaan u fasaxay inay ku biiraan KULMIYE, waayo isku qodob ayaa sheegay, sharciguna waa oggolyahay.”
Cali Xasan Maxamed (Marreexaan) oo ka hadlayey qodobbo uu sheegay inay badanaa dadka isaga qaldamaan waxa uu yidhi; “Laba qodob oo dadku isku khaldaan ayaa jira, kuwaasoo ah qodobka ka hadlayaa shaqaalaha dawladdu in aanay gali karin xisbiyo iyo ururro, balse xildhibaanku shaqaale dawladeed maaha, waxana habboon in qofku barto in xildhibaanku amma gudoomiyaha wakiilladu hayo mansab siyaasadeed oo culus, waxa uu ka shaqeeyaana yahay siyaasad. Dadka la leeyahay waa in ay iscasilaan hadday isa soo sharraxayaan waa shaqaalaha dawladda inta uu ugu sareeyo agaasime.
Qodobka kale ee ay dadku isku qaldaan oo ah qodob dastuuriya oo odhonaya xildhibaanka Golaha Wakiilladu iskuma qaban karo laba xil. Labada xil ee la sheegayaa waa laba xil oo dawladeed. Tusaale ahaan; xildhibaanka wakiiladu wasiir ma noqon karo, Badhasaabna ma noqon karo, gudoomiye maxkamad sare ma qaban karo, markaas xil dawladeed baa laga hadlayaa ee mid xisbi laga hadli maayo oo dhammaantayo xisbiyo ayaannu ka nimi.”
“Dadka had iyo jeer Guddoomiyaha Golaha Wakiiillada naqdiyaya, xisbiyo ama ururro madax ha ka ahaadaane guddoomiyaha murmi maayaan, laakiin sharciga ayey murmayaan, waayo Xeer No:14 oo labada goleba way ansixiyeen, madaxweynuhuna wuu saxeexay ee ha ixtiraamaan, xeerkuna waa ka ay sharciga ku yihiin. Guddoomiyaha waxa doortay wakiillada oo cod aqlabiyadda ku doortay, sida looga qaadayana waa shaqo baarlamaan ee shaqo cid kale u taal maaha, ee is-eryadka iyo waxa ay suuq ku hayaan yaanay la soo dhex gelin golaha baarlamaanka,” ayuu xildhibaanku ku soo koobay hadalkiisii.
TogdheerNews…Burco.




Recent Comments