telesom
logo
logo
logo
|

Muj. Ibraahim Dhego-weyne oo uga Digay Ururrada Qorshe loo Maleegay Musuqmaasuqa Doorashada Golaha Degaanka


 

Hargeysa (Togdhnews)- Muj. Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhego-weyne), ayaa sheegay in xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo xukuumaddiisu damacsan yihiin qorsheyaal ay ku musuqmaasuqayaan doorashada goleyaasha degaanka, waxaannu goleyaasha sharci-dejinta ku eedeeyey inay waysada u biyeystaan meelmarinta xeerar sharci-darro ah, maadaama waqtigoodii muddo dhaafay.

Muj. Dhega-weyne oo khudbad ka jeediyey xaflad loo sameeyey shalay murrashax golaha degaanka uga tartami doona urur-siyaasadeedka XAQSOOR, waxa uu sharci-darro ku tilmaamay yihiin xeerarka Barlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida) ansixiyaan, maadaama waqtidoodu rasmiga ahaa dhammaaday oo ay muddo-dhaaf ku fadhiyaan.

Waxa kaloo uu ku eedeeyey xisbiga KULMIYE, xukuumadda iyo goleyaasha sharci-dejinta daacad-darro, isla markaana caadaysteen caddaalad-darrada iyo sharci-darrada.

 “Qofku hadduu garan waayo waar yaad waxan ku aaminsaysaa, berrito calaacal iyo is-ciil kaambi; wax baa la boobay iyo wax baa la gurtay ku jiri mayno, maantaanay ina hortaal, caddaalad-darro badanna way innaga horraysaa, waanad ogtihiin sidii KULMIYE wax u kala saarayey iyo maxkamadiihiisii Buur-hakamana weli wato. Idinku aad u kala garan maysaane, caddaalad-darradu halka ay ka bilaabantaa waa iyaga. Waa tuugo oo codkiina ayey boobayaan. Wax kaleba iska dhaafoo, wallaahi cajaladihii baan hayaa, isagaana maanta ugu liita (KULMIYE) fidig buu ku dhow yahay wuu baaba’ay. UDUB baynu sheegnaa. UDUB taariikhdeedu way soo gudatay, been yeynaan isu sheegin. Anigu waxaan leeyahay UDUB doorasho caddaalad ah oo xaq ah ayey idiin qabteen saddexdii doorasho, maantana golayaashu waa muddo dhaaf, xeerka ay meel-mariyeenna waa sharci-darro, sharci-darrada idiin samaysteena way badan yihiin. Ka digtoonaada oo ka feejignaada oo iska ilaaliya, laba boqol oo sharci oo tuugo ah ayey idiin samaysteen. Waydun arki doontaan is-xambaarka soo baxa iyo waxa la idiinku talogalay, waxaanan leeyahay codkiina u ilaashada oo u soo jeesta.”

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedkii hadhay ee UDHIS, waxa uu shacabka u soo jeediyey inay codkooda siiyaan Guddoomiyaha ururka XAQSOOR Mr. Xasan Ciise Jaamac oo ku ammaanay in lagu yaqaan daacad iyo ilaalinta caddaaladda.

“Xasan Ciise waa nin saaxiibkay muddo dheer ahaa. Waa nin halgamaa ah, waa aasaasayaashii SNM. Waxaad arkaysaan Somaliland aasaaskeeda markii lagu dhici waayey waxa uu ka mid ahaa raggii istaagay. Taariikhdiisa nololeed halgan buu ku soo qaatay, sida ragga kalena nin wax idinka boobaya maaha, nin wax idinka luminayana ma aha, waana dadka tirada yar leh ee ka bixi kara inuu caddaalad idiin sugo. Waa nin lagu aamini karo ummaddan hoggaankeeda, hantidiinana aan boobayn, horumarkiinana garanaya. Xasan Ciise oo taariikhdiisa wax boobaya lama arag. Qiime saayid ah ayuu leeyahay, ummaddeenana Ilaahay ha garansiiyo.

Mujahidiinta Somaliland waxaan si gaar ah u leeyahay, idinka waa aabbihii halgankiina oo aynu garanayno hoggaankiisa ee dawladnimada dhaliyey, nin kasta oo SNM ahaa waxaan leeyahay maanta waajib weyn baa idin saaran oo waa inaad garab istaagtaad,” ayuu yidhi Muj. Dhega-weyne.

Dhanka kale, Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka XAQSOOR Mr. Xasan Ciise Jaamac, ayaa isagu sheegay inay sugidda caddaaladda ahaan wax walba ka horreysiinayaan, “Ururka XAQSOOR waxa uu wax kasta ka horumarinayaa nabadgelyada iyo midnimada waddanka, iyadoo ay ugu horreyso caddaaladda, sababtoo ah haddaan caddaalad la helin midnimo iyo nabad la heli maayo, horumarna hadalkiisaba daa. Waxa muftaaxa midnimada ummaddu tahay caddaaladda oo nabaddana dhasha, horumarkana keenta,” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

 
 Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)