Ma Gole deganbaa la dooranayaa? Mise Madaxwayne, Gudoomiye Xusbi, Kaabi Qabiil?
Madaxwaynaha, Gudida Diiwan Galinta, Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida waxaan tiraba dhawr goor uga dignay inuu dalka khal iyo jahawareer ku imanayo , haddii aan la dhamastiro xeerka doorashada (Xeer-14).
Hadaba, iyada oon wali la is gaadhin ayaa waxaa muuqda hordhacii waxa aan ka digaynay. Waxaase aanu garan la’nahay sababta dalka khal khalka loo galinayo.Waxaan soo if baxaya in dadka hawsha loo diray in ayna shaqadani ku fashilmeen.
Ururad a siyaasada inta aan la ogalaan waxaa ay ahayd in la is waydiiyo ama la fahma waxa xusbiyada Qaranka ee jiray ka qaldanaa ama laga bartay. Waxaanu ka filaynay inuu Madaxwaynuhu ka faa’iidaysanayo qaladaadkii ka dhex jiray Xusbiyada Qaran.
Madaxwaynu waxaa ay ahayd in aanu iska saxeexin Xeerka ay u soo gudbiyaan Golayaasha Baalamanku, lakiin waxa ay ahayd inuu ka fakiro dhibta uu dalka u keenayo haddii aan Xeerka Asxaabta Siyaasada la dhamaystirin. Maanta waxaa filayaa waxaa soo socda qofkii inuu caqli lihii inuu fahansan yahay. Waxaan kale oo dadka kula talin lahaa, in ay iminka ay fududahay in dhibta soo socota laga hor tago, inta aanu dhiig iyo buuq dhacin.
Doorashadani waxaa ay ahayd in lagu doorto xubnaha golaha dagaanka, isla markana lagu kala reebo ururada/xusbiyada tartamaya. Lakiin maanta ururkasta iyo xusbi kastaba waxaa hor mood u ah KAABO QABIIL u sharaxan Madaxwayne iyo Gudoomiyaha xusbiga.
Marka waxaan u malaynayaa in aynu dimuqradiyada Somaliland la burburinayo. Cida isleh way ka faa’iidaysaa ayaanse garan la’ahay?
Faysal Cali Warabe inuu diido natiijada doorashada aan wali la galin, anigu la yaabi maayo isaga. Waayo Xusbi ayuu lahaa oo hantidiisa ahaa, marka hadii aan lagu badalayo xusbi kale oo nin kale leeyahay waxaan tahay inuu ku dagaalamo. Waayo ururada/xubiyada siyaasada Somaliland waa hanti qof ama koox, beeli leedahay.
Hadaba yaa ka masuula noqonaya haddii Somaliland khal khal siyasadeed ku yimado? Anigu waxaa qabaa inuu ka masuula yahay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilanyo. Waayo isaga ayaa furay ururada siyaasada, sharcigana lagu xakamayn lahaa ka horyimid. Waxaanan u soo jeedinaya inuu Xukunka ka dago haddii uu dalka ka baajin karin khalkhal dalka ku soo foolka leh.
Hadaba waxaan mar shanaad kula talinayaa cida danaynasa dalkani iyo dadkani in saddexdan qodab lagu daro Xeer -14 si doorashadani u noqoto Doorasho dagaan oo ay ku tartamaan dadka u sharaxan golaha deganka oo kaliya. Saddexdani qodab waxaa ay dalka ka badbaadinayaa khal iyo isku dhac siyaasadeed. Hadaba waa kuwani saddexda qodabi:
1) In gudoomiyaha Urur/Xisibi uu yahay ku meel-gadh, marka uu ururka/xusbigu la siiyo shahaada Xusbi Qaran in bilo gudahood (ugu badnaan saddex billod) la doorto gudoomiyaha xusbiga ee heer Qaran, Gobal iyo Degmo.
2) In Gudoomiyaha xusbiga Qaranku uu noqdo maamulaha (Managerka) xisbiga lakiin aanu isagu noqon musharaxa xusbiga. Haddii uu doono in musharaxa Madaxwayne/Madaxwayne-ku-xigeen noqdo waa in uu iska casilo shaqada uu xusbiga u hayo sanad ka hor.
3) Xusbiyada qaran waxaa iska leh dadka u-codeeyay. Sida daradeed, waa in uu jirto GUDI-WAYNE xusbiga u diiwan gashan oo matala dadka u-codaynaya.
Hadaba, sida ugu fudud ee lagu abuuri karo GUDI-WAYNAHANA urur/xusbi waa:
In musharaxkasta oo golaha deganku u sharaxani haysto 10 qof oo isaga tageersan. Ururkasta/xusbikasta waa inuu u gudbiyo gudida diiwangalinta ururada musharaxa golaha daganka iyo 10 qof ee tageersan. Hadaba, marka golaha dhexe/fulinta ee xusbigu soo xulo musharaxiinta u qalma jagada. Waa in GUDI-WAYNAHA xusbigu u diiwan gashani ay soo xushaan musharaxa (musharaxiinta) xusbigooda ee doorashooyinka qaranka uga qayb galaya. Tusaale ahaan, GUDI-WAYNAHA xusbiga ee heer qaran waa in ay soo xushaan musharax xusbiga ee Madaxwaynaha/Madaxwayne ku-xigeenka. GUDI-WAYNAH heer gobalna soo xushaan musharaxiinta xusbiga uga qayb galaya Golaha Wakiilada/Guurtida.
Hadaba, haddii uu ururka/xusbi hadho doorashada golaha deganka, musharaxiinta doorashada golaha daganka-ku-guulaysta iyo xubnaha u diiwan gashanba waxaa ay ku biiri karaan ururada/xusbiyada u gudba xusbiyo qaran.
Note 1: Waxaa xusbi/ururkasta uu golaha deganka u soo xulayaa 375 musharax dalka oo dhan, waxaana xusbi/ururkasta u diiwangalin doona 4,125 musharax iyo tageerayaashooda oo degmo kasta oo dalka ah, ka soo jeeda.
Note 2: Waxaan kale u aragnaa in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdillahi Ciro, oo ah Gudoomiyaha ururka WADANI, in uu Xeerkani (XEER-14) u dhigay si isaga u dan ah, lakiin dani ugu jirin dalka iyo dadka Somaliland. Sababta qodabadani kor ku xusan looga darin XEER-14, waxaa aanu doonaynin in uu hirgalo sharci ka hor imanaya jagada uu ka hayo ururkiisa WADANI. In Gudoomiyaha Urur Siyaasadeed uu isla markaana noqdo ninka ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee soo saraya sharciyada ururada siyaasadu xakamaynayaa waa “conflict of interest”. Marka waxaan ka codsanaynaa in dadka Somaliland in ay qodabadani dib u eegan iyaga oo ka eegaya danta dalka, iyo nabada galyada guud.
Omar Yousuf,
SPAC (Somaliland Political Action Committee)
Oakland, California




Recent Comments