telesom
logo
logo
logo
|

Dhacdo Cajiib ah: Libaax-badeed Badbaadiyey Sarkaal Boolis ah

Sarkaal ka tirsan ciidammada booliska dalka Ingiriiska, ayaa ka sheekeeyey dhacdo cajiib ah oo badweynta baasifiga (Pacific Ocean) ku dhexmartay isaga iyo Libaax Baddeed, waxaannu sheegay in libaax-baddeedkan badbaadiyey isaga oo muddo 15 toddobaad ah badweynta doon uu saarna dul heehaabaysay.

Sarkaalka booliska ah oo lagu magacaabo Mr. Tiori oo 41 jir ah, waxa uu xusay inuu naftiisa ka quustay, kadib markay xaalad aad u dag la soo daristay isagoo ku sugan  badweynta dhexdeeda, balse ay si mucjiso leh naftiisu u soo badbaaday.

Ninkan oo dhacdada cajiibka ah ee la soo daristay ka sheekaynaya, waxa uu yidh; “Waan ka rajo beelay inaan badbaado, kadib markii doon aan saarnaa igala gudubtay xuduudaha caadiga ah ee badweynta qofku ku safri karo, waxaanan halkaa ku sugna muddo 15 toddobaad ah, nasiib-wanaag waxa anigoo miyir la’ i soo badbaadiyey Libaax-badeed, kaasoo doontii aan saarna dabada ka soo riixay, keenayna bariga xeebta Jasiirada la yidhaa Marshal. Waxa aan ku soo toosay falaadhaha cadceeda oo indhaha iga qabtay, markii aan hareeraha eegay waxaan arkay lix Libaax-baddeed oo doontayda ku ag meeraaya, balse waxay riixaayeen doonta.”

Mr. Teitoi waxa halkaas ka qaaday Markab xeebtaas ku soo xidhay, isagoo sidaas cajiibka ah ku badbaaday.

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)