Wacdarihi Xalay iyo Cawayskii Munaasibadda Qalin Jabinta Arday Somaliland ee Sundan + Sawiro
Habeenimadii xalay ayaa waxa munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay loo sameeyay ardaydii jaamacadaha kala duwan ka dhamaysatay wadanka sudan. munaasibadan oo ay 34 arday oo wiilal iyo gabdhaba isugu jira isla markaana dhamaystay kuliyado iyo culuum kala duwan ku xusayeen kuna cabirayeen farxadooda guusha ay ka gaadheen hadafkii ay u soo boqooleen, ayaa waxa ka soo qayb galay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadankan Sudan, shaqaalaha shirkada Dahabshiil, jaamiciyiin iyo ururada ardayda oo ka kala socday Djibouti, Somalia iyo Sudan iyo marti sharaf kale oo badan. Munaasabadan oo ka dhacday hoolka xafladaha ee FARDOWS oo ahayd mid si wayn looga shaqeeyay bilicdeeda ayaa waxa ay gudbinaysay dareemka dhabta ah ee wadaniyadeed ee ka muuqday dhamaan dhalinyaradii iyo waayeelkii isugu yimi goobtaas, waxay sidoo kale ka turjumaysay munaasabadani masuuliyada aqooneed ay dhalinyaradaasi xambaareen iyo sida ay ula heelan yihiin inay cilmiga ay barteen ugu celiyaan wadankoodii.
Furitaankii munaasibada ayaa waxa ka hadlay Eng. C/raxmaan Daahir Ibraahim kaahin oo ku hadlayay afka ardayda qalin jabisay, waxa uu mahad celin balaadhan oo ka socota ardaya hawada u mariyay Madaxwaynaha Somaliland iyo xukuumadiisa, iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba. waxa uu sidoo kale mahadnaq gaar ah u jeediyay waalidiintii ardayda iyoguud ahaan eheladooda oo uu ku tilmaamay inaanay la'aantood heerkan soo gaadhi lahayn. waxa uu sidoo kale dardaaran siiyay ardaydii kale isagoo ku adkeeyay inay sidaa ay isugu duuban yihiin isugu duubnaada, siina xoojiya midnimadooda. ugu danbayntiina waxa uu eng. ku kalmadiisa ku soo xidhay iyadoo habeen farxadeed la joogo hadana in ay tahay waajib, sharaf iyo karaamaba inaynu muujino sida aynu uga xunahay film ka lagu fadeexanaynayo nabigeenii sharafta lahaa(NNKH).


gaba gabadii munaasibada ayaa waxa gudidii soo agaasintay munaasabadani oo uu horkacayo Eng. Siciid Saleebaan Xirsi ay shahaado sharafyo u qaybiyeen masuuliyiintii iyo dhamaanba cid kasta oo si wayn uga qayb qaadatay qabsoomida munaasibada loogu wan qalayay qalin jabinta ardaydan. munaasibadan ayaa waxay ahayd mid si qurux badan u agaasiman, dedaalka iyo isku duba ridka gudida protocolka ee uu hogaaminayay Eng. Siciid c/laahi Xuseen( Xergeye) ee ka hawl galay diyaarinta iyo kala nidaaminta agaasinka guud ee munaasibada ayaa si wayn looga dhex daalacanayay hoolka gudihiisa taasoo u horseeday in munaasibadu ay noqoto mid si bilic iyo qurux dheeraad ah leh oo ay bulsho wayntii ka soo qayb gashay ku il doogsadaan.
Ex. Chairman of Somaliland Students Assembly in Sudan
C/raxmaan Ismaaciil Cabdi dacar




Recent Comments