telesom
logo
logo
logo
|

Ragga Waalidiintood Kala Tagaan oo Cudurka Faaliggu ku Dhaco

Ragga ka waalidiintii kala tageen amma is-fureen ayaa la ogaaday inay la kulmaan cudurka waax-qallalka, marka loo eego kuwa qoyskoodu dhisan yihiin. Sidaa waxa sheegay dhakhaatiir u dhashay waddanka Kanacada oo baadhitaan caafimaad ku sameeyey arrintan.

Dhakhaatiirtani waxay sheegeen in ragga iyagoo 18 jir ah hooyadood iyo aabbahood oo kala tegaan ay 75% la kulmaan cudurka waax-qallalka amma faaligga, balse aanay arrintaasi saamayn dumarka waalidiintood kala tagaan.

Mr. Esme Fuller Thomson oo ah hoggaamiyaha daraasaddan, kana tirsan Jaamacadda Toronto ee dalka Kanada, gaar ahaan kulliyadda arrimaha bulshada, waaxdeeda qoyska iyo bulshada, ayaa isagoo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi; “Qoyska iyo cudurka qallalka waxa ka dhexeeya xidhiidh. Daraasadayada waxaannu ku ogaanmay in ragga dhibaatooyinkaasi soo wajahaan, maskaxdooduna cidhiidhi dareento, kadibna la soo soo darsaan cudurrada faaliggu ka mid yahay.”

Sidoo kale, Mrs. Angela Dalton oo ah dadka daraasaddan wax ka qoray, ayaa iyaduna sheegtay in ragga carruurnimadooda qoyskoodu kala xidhiidh furmo ay la soo darisaan cudurro halis geliya naftooda sida wadne-xannuun iyo faalig.

“Waxa hore macluumaad loogu hayey in waxyaabaha sababa faaliga ay ka mid yihiin da’da, tacliinta, dakhliga, cabbitaanka sigaarka, jimicsiga, buurnida iyo cabbitaanka alkoosha, laakiin waqtigan waxaannu ogaanay in furintaanka qoysku sababo cudurkaas.”

Cilmi-baadhistu waxa arrintan ku sababaysay in ragga ka soo jeeda qoyska kala taga sii daayaan hormoonnada Coristol oo dadku sii dayaan marka cadhada amma murugadu la soo daristo, sidaa darteedna maskaxda dhaawac u geysta.

Bulshada caalamka ayaa la sheegay in cudurka faalaggu sababo 10% dhimashadooda, waxana daraasaddan lagu daabacay bishan gudaheedii wargeyska la yidhaa International Journal of Stroke

Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)