Koomishanka Doorashooyinka oo ka hadlay Labadda Xil ee Gudoomiye Cirro.

Hargaysa-(TogdhNews)- Koomishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay, laba xil uu isku hayo Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani, ahna gudoomiyaha golaha wakiiladda .
Maxamed Axmed Xirsi Gelle afhayeenka koomishanka Doorashooyinka Soomaaliland oo waraysi Siiyey idaacadda VOA, ayaa faah faahin ka bixiyey waxa sharciga Somaliland ka qabo labad ee Xil Gudoomiye Cirro waxa ka mid ahaa hadaladiisi"Anagu waxaanu ku shaqaynaa xeerarka iyo shuruucda dalka u dajisan, arrinkaasina wax sharciya oo u yaala ma hayno sharciguna kama hadlayo arrinkaasi, wixii xeerkui dhigayo ayuun baanu ku shaqaynaa”.
Geesta Kale Afhayeenka waxa uu sheegay in dhaqaalihi doorashooyinka golaha degaanka , soo dhamaadeen doorashaduna qabsoomayso 28-November-2012.
Togdheernews.com
hamsedigaale@gmail.com




Recent Comments