telesom
logo
logo
logo
|

Maayar Cabdalle: Masuul Loogu Markhaati-furay Waxqabadkiisa. Faallo Wariye Xarago

 

 

 

Doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee sannadkii 2002 waxay ahayd tii ugu horraysay ee Somaliland ka qabsoontay muddo 36 sanno ah oo shacabku codkooda ku soo saaraan xildhibaannadii goleyaasha degaanka magaalooyinka dalka oo dhan.

Xildhibaannadii ku soo baxay goleyaashii degaanka dalka ee laga filayay waxqabad iyo isbeddel ay ku samayn doonaan adeegyada aas-aasiga ah ee arimaha bulshadu ka filaysay waxa soo foodsaartay isqabsi, kusri-kala-riixasho iyo danaysi gaar ahaaneed oo ragaadisay waxqadkii bulshadu ka filaysay inay sammeeyaan.

Haddaba, haddaynu hoos u eegno ama is-dul-taagno Duqa degmada Berbera ee hadda xilka haya Md. Cabdalla Maxamed Cali (Sandheere), waxa uu ku sifoobay maayarka keliya ee marka la qiimeeyo Somaliland oo dhan ugu wax-qabadka badan dhinaca horumarinta arrimaha bulshada, bilicda magaalada, hagaajinta waddooyinka, dhismaha garoonka cusub ee ciyaaraha Berbera oo noqonaya kii ugu horreeyey ee noo ciisa ah ee laga dhiso Somaliland.

Masuuliyiinta dawladda Somaliland ayaa badi ka marag-kacay waxqabadka muuqda ee Maayar Cabdalla ka hirgeliyey magaalada Berbera. Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina-Waris), ayaa toddobaadkii hore Shahaado sharaf ay sheegtay inuu ku mutaystay waxqabadkiisa waxay munaasibad uu mar labaad isugu sharraxay golaha deegaanka oo lagu qabtay magaalada Berbera ku guddoonsiisay Duqa Degmada Berbera Cabdalla Maxamed Cali.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa fadhi wada-jir ah oo ay yeesheen labada gole ee Baarlamanka oo uu horraantii sannadkan ka jeediyey khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah wuxuu ku sheegay in Maayerka Berbera Md. Cabdalla Maxamed Cali uu noqday ka ugu waxqabadka badan Maayerrada magaalooyinka dalka, waxaannu yidhi; “Waxaan ammaan gaar ah u jeedinayaa Maayerka degmada Berbera oo noqday Maayerkii ugu waxqabadka badnaa Maayerrada dalka.”

Hase ahaatee, inuu Maayer Cabdalla mar labaad isu soo taago inuu u tartamo xildhibaannimada degmada Berbera ee doorashada golahayaasha deegaanka oo Somaliland ka qabsoomaysa 28-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2012-ka waxa soo dhaweeyey in badan oo ka tirsan dadweynaha reer Berbera, masuuliyiinta dawladda iyo hoggaanka xsbiga talada haya ee KULMIYE oo uu hadda ka sharraxan yahay, halka uu doorashadii hore ka soo baxay xisbiga waqtigiisu dhammaaday ee UDUB.

Dhammaan waxay madaxda iyo dadweynuhuba sheegeen sababta ay u soo dhawaynayaan inuu Cabdalle mar labaad isu soo sharraxo golaha deegaanka Berbera inay tahay waxqabadka, kartida iyo hufnaanta uu muujiyey muddadii uu Maayerka ka ahaa degmada Berbera, gaar ahaan dhawrkii sano ee ugu dambeeyey, taasoo ay ku doodeen inuu mudan yahay in mar labaad uu ka mid noqdo golaha deegaanka ee Berbera loo dooranayo welibana loo sii doorto Maayer si uu waxqabadkiisa faraha badan ee uu degmada ka hirgeliyey halkaa uga sii ambaqaado.

Waxa maalmihii u dambeeyey lagu qorayey qaar ka mid ah saxaafadda Hunguri-ku-macaashka ah qoraallo borobagaando iyo aflagaaddo ah oo la doonayo ama loola jeedo in lagu wiiqo sharafta iyo sumcadda Maayerka Berbera Cabdalla Maxamed Cali, kuwaasoo ay wadaan dad ka tirsan kuwa wanaagga iyo horumarka ku xajiimooda, isla markaana qof kasta oo sharaf leh jecel inay Burush wasakhaysan marmariyaan.

Haseyeeshee, waxaynu odhan karnaa Cabdalle ma geyo waxaad u quudheen, shaqsiyadda iyo waxqabadka Cabdalle cidda doonaysana waxa ku filan weedhaha Madaxweynuhu ka yidhi waxqabadkiisa iyo shahaado-sharafta qiimaha badan ee ay Marwada Koowaad ee Somaliland guddoonsiisay.

Inkasta oo wax-qabadka Cabdalla Maxamed Cali uu ka sameeyey magaalada Berbera iyo weliba qaar ka tirsan deegaannada hoos tagaa aanay ahayn wax lagu soo koobi karo maqaal, laba iyo ka badan toona, haddana markaynu si dhab ah isu-dul-taagno ama u milicsanno horumarka uu Berbera gaadhsiiyey waxa markhaati ma-doon ah, isla markaana sida Cadceedda u muuqata inaanay Maayer Cabdalle ka maarmin magaalada Berbera iyo dadka reer Berbera-ba.

Si kastaba ha ahaatee, waxay qiimayntu u taallaa dadka wanaagga arka ee reer Saaxil, gaar ahaan magaalo-madaxda Berbera oo intooda badan diyaar ula yihiin Cabdalle inay mar labaad u doortaan xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee degmadaas, waxana cad murrashaxiinta golayaasha deegaanka hadda isu-sharraxay ee sida Gabbaarayda xilka iyo dhaqaale ay ka helaanba ugu oomman inaanay Cabdalle iyo dhiggiisa toona intooda badani jeex ka gaadhi karin ama aanay dhadhawayn karin. Sidaa daraaddeed, danta dadka iyo degmada Berbera-ba waxay ku jirtaa inay doortaan Maayer Cabdalla iyaga oo qiimaynaya wax-qabadkiisa ay shaqsiyaadka mucaaridka ku ahi indha ka lalinayaan.

 Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago)

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)