Faallo: Goormaa La Heli Karaa Caddaalad ? W/Q: A A omer Wayab
Qaab dhismeedka dawladnimo ee aan qaadanay waa mid ku saleysan ka ay ku dhaqmaan reer galbeedku,gaar ahaana kan Mareykanka,inkastoo Dastuurkeena marka la eego laga garan karo in aan la waafajin Dastuurka nidaamka dimoqraadiyadda ee ah saddexda dhadhaar ee kala ah Golaha sharci dejinta,Golaha Garsoorka iyo Golaha fulinta oo kala ah [Garsoorka,Golaha Wasiirrada iyo Golaha Baarlamanka.] Saddexdaa gole awood ahaan marka la raacayo nidaamka Dimoqraadiyadda waa in ay isku awood ahaadaan,taasoo loogu talo galay in midba ka kale dheelitiro, si aan midna ka kale awooddiisa ugu takri falin. Nidaamkaa Ilaalintiisa si loo dhawro loona adkeeyo waxa si aan madmadaw lahayn ay dawladaha qaatay nidaamkan ugu qeexaan Dastuurkooda in midna aanu ka kale ku lahayn hawlihiisa wax faragelin ah. Sidoo kale waxa lagu caddeeyaa in aanu Madaxweynuhu eryi Karin masuuliyiinta qaran ee Hay’adda Garsoorka sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo,Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Geesta kale hawsha Hay’adda Garsoorka oo ay ugu horreeyaan Fasiraadda Shuruucda Dalka, gaar ahaana marka ay arrin sharci isku qabtaan labada Gole ee kale iyo haddii labada Gole midkood ku xadgudubo qodob ama qodobo ka mid ah Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka. Haddaba faragelinta Xukuumaddu ku hayso Hay’adda Garsoorka,waxa ku dhiirigelinaya Dastuurka oo awoodihii ay yeelan lahaayeen aan ku xusin dastuurkeena,isla markaana siiyey awoodo xad dhaaf ah Madaxweynaha oo ah Guddoomiyaha Golaha fulinta,kaasoo xilka ka qaadi kara Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo xeer Ilaaliyaha Guud ee Qarankaba.
Sidaa darteed faragelinta Golaha fulinta ee Golaha Garsoorku ma noqon doono mid wax laga qaban karo,isla markaana lama gaadhi karo Caddaalad loo siman yahay ilaa iyo inta wax ka beddel lagu samaynayo qodobada Dastuurka ee la xidhiidha awoodaha Madaxweynaha ee dhinaca Garsoorka iyo qodobada kale ee wax ka tilmaamaya awoodaha Hay’adda Garsoorka oo u baahan in waxna laga beddelo,waxna lagu kordhiyo si loo helo Garsoor ka madaxbannaan Xukuumadda ,haddii kale sida haatanba dhacda,horena u dhici jirtay Xukuumaddu cid kasta oo ka hor timaad siyaasadaheeda,waa muran ma doon in ay xabsiga dhigi doonto wax kastoo ay ku qaadanayso oo ah in ay erido oo xilka ka xayuubiso Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyahaba haddii ay diidaan inay wax u fuliyaan sida uu Golaha Fulintu[Xukuumadda] wax u rabo.
Waxa kaloo meesha maqan waxyaabihii Golaha fulinya lagaga ilaalin lahaa ku takri falka dhaqaalaha dalka sida in Xisaabiyaha Guud ee Qaranka loo siiyo awood uu ku joojin karo in Xukuumadda isticmaasho wax ka baxsan dhaqaalaha looga qoondeeyey Miisaaniyadda sannadka,taasoo iyana ah mid u fududeynaysa in allaale inta ay doonto ee lacag ah u isticmaasho sida ay rabto. Arrinta labaad ee in la xadeeyo u baahani,waa ta daabacaadda lacagta ee ay Xukuumaddu iska soo daabacanayso hadba qaddarka ay doonto,iyadoo aan waxba laga ogeysiin Golaha Baarlamanka,taasoo sii siinaysa Xukuumadda awoodo kale oo uu dhaqaalahaasi ugu adeegsan karto arrin kasta oo aanu oggoleyn Dastuurku,iyadoo geesta kalana lacagtaasi tahay ta haddaba shacbiga u horseeday sicir bararka dhulka dhigay dhammaan inta dan yarta ah.
TogdheerNews.





Recent Comments