Murrashaxii Madaxweynaha ee UDUB iyo Masuuliyiin Kale oo ku Biiraya WADDANI

Hargeysa (Togdhnews)- Murrashaxii jagada madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Cali Maxamed Warancadde iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee Maaliyadda Mr. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa la sheegay inay ku biirayaan urur-siyaasadeedka WADDANI.
Sida ilo-wareedyo kala duwan Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay, isla markaana lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka, Cali Maxamed Warancadde oo shirkii golaha dhexe ee xisbiga UDUB dhowaan ku yeeshay hudheelka Ambassador ee loogu doortay inuu noqdo murrashaxooda madaxweynaha iyo xubno kale oo miisaan culus, ayaa la sheegay inay wadahadallo la leeyihiin madaxda urur-siyaasadeedka WADDANI, iyadoo la rajaynayo in wadahadalkaas ay ka soo baxdo natiijo la xidhiidha sidii Warancadde iyo xubno kale oo UDUB ah ugu biiri lahaayeen WADDANI.
Mr. Cali Maxamed Warancadde iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Mr. Cawil Cali Ducaale oo aannu xidhiidho kala duwan la samaynay in arrintan wax looga weydiiyo ayey suurtogal noqon wayday in aannu helno, iyadoo masuul sare oo ka tirsan urur-siyaasadeedka WADDANI oo Jamhuuriya khadka telefoonka ku helayna uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo wadahadalka u bilowday Warancadde iyo WADDANI.
Warku waxa uu intaa ku daray in xubnaha ku biiraya WADDANI uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Mr. Cabdiraxmaan Ducaale, maalmaha soo socdana siyaasiyiintaas loo qaban doono xaflad ay ku shaacinayaan ku biiristooda ururkaas.
Waxa jira qorshe la wado oo lagu doonayo sidii murrashaxiinta madaxweynenimo ee ka soo jeeda beelaha galbeedka Burco fikradahooga loo midayn lahaa, meelna laysugu keeni lahaa, iyadoo shir arrintaas lagu gorfeeyeyna shalay ka qabsoomay hudheel ku yaal bariga caasimadda Hargeysa, kaasoo la sheegay inay ka qaybgaleen Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UDUB Mr. Cali Maxamed Warancadde, waxana shirkaas ka manqaa guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.
Haddii ay dhab noqoto in Cali Maxamed Warancadde ku biro urur-siyaasadeedka WADDANI waxa ay dhabar-jab xooggan ku noqonaysaa xisbiga UDUB ee ka dhigtay murrashaxa madaxweynenaha.
Xigasho Wargayska Jamhuuriya




Recent Comments