Burco oo cabsi iyi aragagax darteed duco iyo qur’aan akhris laga bilaabay galinkii dambe ee shalay
Burco- (TogdhNews)- dabaylo wata siigo midabkeedu yahay casaan ayaa shantii iyo rubuc galabnimo ee shalay qarisay gebi ahaanba daafaha iyo gudaha magaalada Burco.

Dabayshan iyo siigadan is-huwan oo ka soo dhacday jihada dhinaca bari ee magaalada ayaa sababtay in ay mar kaliya joogsadaan dhammaan dhaqdhaqii kala duwanaa ee ka socday magaalada, iyadoo dabayshaasi sababtay in gaadiidkii qaarkooda shitaan laydhka, waxa la xidhay dhammaan albaabadii guryaha iyo goobihii ganacsigu ka socday, ka dib markii ay is arki waayeen dadkii marayay waddooyinka, isla markaana uu qarsoomay ilayskii cadceedu oo dhulkii isku beddelay mugdi.

Dhacdadan oo ahayd mid aan hore loo arag waxay bulshadda magaalada ku abuurtay cabsi iyo argagax naxdin leh, waxaa markaliya dadku bilaabeen qur’aan akhrisi iyo baryada Illaahay.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ayaa arrintan aragi qudha ka wada bixiyey, iyadoo dadku isku laaheeyn; erayo ay ka mid yihiin; “Waligay dabayshan iyo siigdan oo kale ma arag ee eebbe haynoo sahlo.”

Waxa ay dabayshan beddeshay jewigii ay go’day lixdii makhribnimo, muddo yar ka dibna waxa bilaabay raxmada roobka oo muuqday inuu aragaxii dadka ku dhacay uu ka qaado.
Waa markii u horreysay dabaylo noocan oo kale ah lagu arko magaalada Burco.




Recent Comments