Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Qaranka oo Mudeeyey Waqtiga ugu Dambaysa Qabashada Liiska Musharaxiinta

Hargeysa (Togdhnews)- Afhayeenka Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Mr. Axmed Xirsi Geele, ayaa ka hadlay xilliga ay ku eeg tahay qabashada liiska musharaxiinta ka qaybgalaayasha doorashada golayaasha degaanka iyo waqtiga uu bilaabmaayo ololaha doorashada.
Mr. Axmed Xirsi Geell oo maanta Warbaahinta kula hadlay xafiiska Guddida Doorashooyinka, waxa uu xisbiyada, ururrada iyo musharixiinta u soo jeediyey inay shuruucda u hoggaansamaan.
“Waxaan doonayaa inaan la socodsiiyo xisbiyada, ururrada iyo musharaxiinta ka qayb qaadanaya doorashada iyo cidii kale ee ay khusayso shuruudaha looga baahan yahay inay raacaan. is casilaada shaqaalaha dawlada ee ka qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka waxa looga baahan yahay inay shaqada ka tagaan ugu danbayn bishan dhamaadkeeda.
Waxaannu xasuusinaynaa xisbiyada, ururrada iyo musharixiinta ka qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka in wakhtiga kama danbaysta ah ee ay soo gudbinayaan liiskooda uu yahay 14/09/2012, ugu danbayna waxa laga qabanayaa lixda galabnimo ee isla maalintaas,” ayuu yidhi Md. Axmed Xirsi.
Afhayeenka Koomishanka Doorashooyinka Mr. Geele, isagoo ka hadlaaya waqtiga ololaha doorashada golaha degaanku bilaabmaayo waxa uu yidhi; “Ololaha doorashadu waxa uu bilaabmi doonaa 29/10/2012, soo gudbinta liiska muraaqibiinta Xisbiyada iyo ururrada u joogi doona goobaha cod-bixinta waa in la soo gudbiyaa 07/11/2012. Dhamaadka ololaha doorashadu waxa uu noqon doona 25/11/2012, taasoo doorashaduna dhici doonta 28/11/2012.”
Mr. Axmed Xirsi Geelle waxa uu ka hadlay shuruudaha looga baahanyahay inay xisbiyada, ururrada iyo musharaxiintu buuxiyaan, waxaannu yidhi; “ Xisbi kasta iyo urur kasta waxa looga baahan yahay inuu liiska musharixiintiisa ee degmada ku xareeyo xafiiska degmada ee komishanka doorashooyinka qaranka, 23 degmo ee dalka marka laga reebo labada degmo ee aanay doorashadu ka dhacayn ee Taleex iyo Laas-goray inta kale waxa liiska musharixiinta lagu hagaajinayaa xafiiska komishanka ee degmooyinka.
Liiska musharaxiinta degmadu waxa uu la mid noqonayaa tirada xubnaha ee golaha deegaanka ee degmadaas loogu tala galay,waxanan xisbiyada iyo ururrada ku adkaynaynaa inaan la keeni karin liis kala dhiman oo aannu xeerku ogolayn.”
“Xisbiyada iyo ururradu kuma qasbana inay ka tartamaan dhammaan degmooyinka dalka, balse iyaga ayaa ikhtiyaarka iska leh hadday iska dhaafayaan degmooyinka qaarkood, laakiin saamayn ayey ku yeelan doontaa qiimayntooda xisbinimo, waayo waxa loo eegayaa gobol walba codkay ka helaan,degmo walibana gobol ayey ka tirsan tahay, markaa haddii xisbi amma urur kari waayo inuu gaadho qaar ka mida degmooyinka dalka wuu ka tagi kara, laakiin waa wax isaga ka go’an,” ayuu yidhi Mr. Axmed Xirsi Geelle oo ka hadlaayey in ururrada iyo xisbiyadu iska dhaafi karaan degmooyinkay doonaan.
Mr. Geelle, waxa uu intaa ku daray; “Waxa muhiima in musharixiinta ka qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka buuxiyaan shuruudaha uu dhigayo xeerka doorashadu, kuwaasoo ay ugu muhiimsan tahay inuu keeno caddayn ka tilmaamaysa ka tegida shaqada dawladda, inuu raalli ka yahay musharaxnimada iyo warqada caddaynta u ah inuu bixiyey lacagta cashuurta ah ee ay uga baahan tahay Wasaarada Maaliyadu.”
Weriye: Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews/Hargeisa




Recent Comments