telesom
logo
logo
logo
|

Cismaan Hindi oo qaylo dheer ka bixiyey shirka golaha dhexe ee xisbigiisa UDUB yeeshay shalay

 

 

Hargeysa (Togdhnews)- Guddoomiyhii ololaha xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi), isla markaana toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu yahay murrashax madaxweyne, ayaa shirkii garabka Daahir Rayaale ee xisbigiisu ku qabsadeen shalay hudheelka Ambassador ku tilmaamay mid aan loo dhammayn oo ajandahiisa la marin-habaabiyey.

Mr. Cismaan Hindi oo shir-jaraa’id ku qabtay shalay hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa, waxa uu daadafeeyey murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee lagu doortay shirka UDUB yeeshay, isagoo xusay in shirkaasi ahaa mid lagaga sii hordhacay wadahadalka u socda UDUB iyo ururradii hadhay si masuuliyiinta ururradaas boosaska looga sii buuxsado.

 “Waxaan idiinku yeedhay inaan wax ka idhaa shirka maanta [shalay] ka socda Ambassador Hutel ee uu qabanayo Madaxwaynihii hore iyo Guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale, shirkaas waxaannu leenahay ajandihiisu wuu qarsoon yahay, loomana dhamma, meel wax lagu dooranayana maaha.

Waxa jira ood wada ogtihiin in maalmahan dambe ay wadahadallo noo socdeen ururradii hadhay, gaar ahaan ururka ugu weyn ee UDHIS ee ay hoggaaminayaan mujaahidiintii dalka u soo halgantay oo ka mid yihiin mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, mujaahid Ibraahim Dhaga-wayne, mujaahid Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi iyo mujaahidiin faro badan oo kale. Waxa masuuliyiintaas noo socday wadahadal oo waxaannu wada rabnay inaannu badbaadino xisbiga UDUB ee ummadda Somaliland miisaanka weyn ku lahaa, isla markaana ahaa aabbihii dimuqraadiyadda maanta Somaliland ku faanto, nidaamka xisbiyada badan keenay oo haykalka dawladeed ee dalkan abuuray,” ayuu yidhi Cismaan Cabdillaahi Cigaal.

Waxa uu intaa ku daray, “Xisbigan UDUB ee godka ku sii dhacayaa waa xisbi dan u ah ummadda reer Somaliland taariikhdeeda, waana xisbi mucaarad iyo muxaafidba waajib ku ah in la badbaadiyo. Beryahan dambe waxaannu ku mashquulsanayn badbaadintiisa, isla markaana aannu u yeedhno walaaladayada kale oo aannu ugu baaqno inay ka qaybqaataan badbaadadiisa, tusnana walalahayo inaanaan waxba ka lahayn oo aannu xisbiga u simanahay, wadahadaladaasina meel fiican ayey noo marayeen oo waxaannu samaysanay guddi farsamo oo shan qof ka kooban si arrimahaas looga baaraan-dego, laakiin waxa nasiib-darro ah oo aan ka xumahay in dadaalkaa aannu soo galnay maanta lagu ciyaaro.

Midda kale, waxa jira oo aannu damacsanayn in la qabto shir golaha dhexe ee xisbiga lagu ballaadhiyo si aannu wax uga siino walaalahayaga nagu soo biiraya, waxaanad mooddaa in waxaasba  laga saaray meesha oo shirkaas maanta [shalay] Ambassador lagu qabanayo ajandihiisu wuu qarsoon yahay oo murrashax ayaa la rabaa in meesha lagu doorto, in markaa murrashaxiin la doorta maanta hore ayaannu uga galnay shir, isla markaana xisbigu heshiis ka galay oo aannu nidhi murrashax madaxwayne iyo ku-xigeen uu maanta dooranayaa xisbiga UDUB ma jirto, waxana la dooranayaa xilalkaas doorashada golayaasha degaanka kadib ee ninkii mansabyadaas hunguri kaga jiroow faddal doorashada deegaanka dabadeed.

Waxa jira rag badan oo hunguri ku jiray oo aannu saaxiib nahay oo arrintaasi ka digo-rogtay, aadna waan ugu mahadnaqayaa raggaas maadaama markay fikirkayaga nala qaadan waayeen ay naga digo-rogteen.

Haseyeeshee, arrintaas aannu ka midaysnayn xisbi ahaan ayaad mooddaa in ajandaheedii la qalloociyey oo rag aannu saaxiib nahay ayaa sidaan hore u soo sheegay aannu arrintaas ka diidnay. Ta kale, aniga laftaydu murrashax ayaan ahaa, Cali Warancade oo aannu saaxiib nahay murrashax ayuu ahaa oo waa nin aannu saaxiib ahayn, soona wada shaqaynay, xilal badanna Somaliland ka soo qabtay, una qalma inuu murrashax madaxwayne ka noqdo Somaliland, una qalma inuu Madaxwayne ka noqdo, laakiin ma aha maanta markeedii ayaan leeyahay oo salaad walba waqtigeeda ayaa la tukadaa, maadaama xisbigu ku heshiiyey in murrashaxiinta doorashada golayaasha degaanka kadib la doorto. Waxaan arkayaa in la afduubayo ajandahaas, raallina kama nihin oo looma dhamma, waxaanan filayaa in ragga maanta (shalay) ku shiraya Ambassador ay is leeyihiin ka hordhaca qolada idinku soo biiraysa oo waxba ha siinina, arrintaasna waannu ka soo horjeednaa oo raalli kama nihin, haddii raggaas laga baqayana waxaan leeyahay waa mujaahidiintii dalka u soo halgantay oo xaq ayey u leeyihiin inay tartanka ka qaybgalaan oo ay guddoomiyeyaal iyo murrashaxiin xisbiga ka noqdaan, laakiin haddii la is leeyahay ka gaadhsiiya oo boobsiiya wax suurtogalaysa maaha, waxaanan leeyahay Guddoomiyaha xisbiga iyo intii la socota ee shirkaas ku jirtaba xisbiga jar ha ka sii tuurina ee badbaadadiisa ka taliya.

Waxaan leeyahay ajandaha aynu isku ognahay ee shirka wax ka badan ha soo saarina. Haddii aad soo saartaan murrashax Madaxwayne ama Madaxwayne-ku-xigeen waa xaaraan, waananu qaadacaynaa. Xisbiga UDUB mar hore ayaa la odhan jiray waa laba garab, laakiin muu ahayn laba garab markii hore ee fikir ayaa la isku hayey laakiin haddaad ku dhaqaaqdaan arrintaas maanta ayuu laba garab noqonayaa,” ayuu yidhi Cismaan Hindi.

 Togdheernews

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)