telesom
logo
logo
logo
|

‘Waxaannu go’aammadan uga gol leenahay in ay digniin u noqoto dad faro- ku-tiris ah oo caadaystay in ay wiiqaan hawlaha wasaaraddan’

 

 

Hargeysa (Togdhnews)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa soo saaray shalay go’aan wasiir oo xambaarsan xil-ka-qaadis iyo magacaabis lagu sameeyey qaar ka mid ah madaxda waaxyaha ugu muhiimsan wasaaraddaas.

Wasiir Boobe waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Agaasimihii Telefishanka Qaranka Somaliland Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Guddoomiyihii waaxda wargeysyada dawladdu maamusho ee Dawan Media Group Mr. Maxamed Cismaan Mire (Sayid), isagoo xilalkaasna u kala magacaabay Xuseen Cabdillaahi Deeqsi iyo Cumar Maxamed Faarax.

Sidaa waxa lagu shaaciyey warsaxaafadeed aad u dheer oo Wasiirka Warfaafintu ku soo bandhigay eriga labadaas masuul iyo magacaabista kuwa cusub iyo weliba go’aamo uu ka soo saaray xallinta khilaaf beryahanba ka dhex aloosnaa wasaaraddiisa oo ka dhashay baadhitaanno Hantidhawrka Guud ka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

 “Go’aammo wasaaradeed:

Aniga oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ahna Afhayeenka rasmiga ah ee xukuumadda Somaliland, waxaan halkan ku soo saarayaa go’aammo maamul oo daarran dardar gelinta hawlaha Wasaaradda Warfaafinta qaybo ka mid ah.

Waxa kale oo aan go’aamadan aannu soo saarnay uga gol leenahay in aannu hawada iyo saaxaddaba ka saarno hadal-haynta dami wayday ee lagu saydhinayo Wasaaradda Warfaafinta oo ka mid ah hormoodka hay’adaha Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dedaal iyo duunyo badanba geliyay, mana suurtowdo in guulihii xukuumaddan dedaashay loo beddelo guuldarrooyin iyo dacaayado ay ku dawarsadaan makas aan dal iyo dadba muraad ka lahayn.

Waxa kale oo aannu go’aammadan uga gol leenahay in ay digniin u noqoto dad faro- ku-tiris ah oo caadaystay inay wiiqaan hawlaha wasaaraddan:

Go’aammada wasiirka:

1. Xasan Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo TV-ga Qaranka:

Soddonkii bishii July 2012-kii ayaa Hantidhawr ku waabariistay Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland hawl-galkaas oo dhaliyay in saldhiga Koodbuur lagu xidho Xasan Maxamed Maxamuud. Arrintii waxay gashay xeer-ilaalinta iyo maxkamadda oo Xasan Maxamed Maxamuud ku sii daysay dammiin.

Intaa kadib warqad u qoran sidii taararkii hore ayuu Hantidhawrku noo soo qoray, taasi oo ay ku sheegeen:

. Tirada lacageed ee Xasan Maxamed Maxamuud lagu soo eedeeyay iyo in aannu hawshiisii geli karin ilaa baadhistu dhammaanayso.

Xasan Maxamed Maxamuud xerada Wasaaradda Warfaafinta in uu soo galo wax fal-dambiyeed ah oo ku jiraa ma jiro oo aan ahayn in aannu wax hawl ah qaban ilaa inta ay baadhistu dhammaanayso. Arrinta Xasan Maxamed Maxamuud hawl aniga ii taal ma aha. Waa hawl u taal Hantidhawrka iyo garsoorka Somaliland, waxana lagu camal fali doonaa wixii go’aamo ah ee ka soo baxa.

Haddaba, maadaamma ay baadhistii dheeraatay, hawlaha xasaasiga ah ee wasaaradduna u xannibnaan karin waxaan si-ku-meel-gaadh ah ugu magacaabayaa:

1. Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale oo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka ee Idaacadda Radio Hargaysa.

2. Xuseen Cabdillaahi Deeqsi oo ahaa madaxa barnaamijyada ee TV-ga Qaranka, waxaan u magacaabay Agaasimaha TV-ga Qaranka Somaliland.

3. Cumar Maxamed Faarax oo ahaa Tifaftiraha wargeyska DAWAN, waxaan u magacaabay Guddoomiyaha DAWAN Media Group.

Aniga oo hawshoodii hore ee ay soo qabteen uga mahadcelinayaa, waxaan si naxariis leh oo weliba dabacsan uga codsanayaa madaxdii xilalkaas hore hayey inay madaxda cusub ee la magacaabay xilalkii ay hayeen ku wareejiyaan, iyagoo mahadsan ugu dambayn 1-da bisha September 2012-ka.

Waxa xilalkaa kala wareejintooda u xilsaaran in ay fuliyaan guddida hoos ku qoran:

1. Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta

2. Siciid Aadan Cige, Agaasimaha Radio Hargaysa

3. Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta.

FIIRO GAAR AH:

Baahida jirta awgeed, ku simaha agaasimaha waaxda maaliyadda iyo xisaabaadka Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, wuxuu hawshiisa bilaabayaa berrito oo ay bishu tahay 28-ka August 2012 [maanta], haddii Eebbe idmo.

Gobonimo dadkaa muddan, galladana Allaa iska leh,” ayuu Wasiir Boobe Yuusuf Ducaale ku soo afmeeray go’aammadiisa. 

 
Togdheernews

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)