DAAWO: Sida looga Ciiday Burco
Burco – (TogdhNews) – Subaxnimaddi hore ee saaka ayaa dadweynaha magaaladda Burco u dareereen, tukashadda Salaadda Ciidal Fidriga, ka dib markii ay soo guteen waajibaadka Bisha barakaysan ee Rabadaan.

Dadweynaha oo saaka ku lebisnaa dhar qurx badan ayaa ku kala tukaday goobo kala duwan, oo ay ka mid yihiin, Masaajidada, garoomadda iyo goobaha, Banaanka, haseyeeshe garoonka kubadda cagta oo ay ku tukadeen dadweynihi ugu badnaa ayaa waxa kala qayb galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Culu-awdiinka.

Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir oo la hadlay dadka halkaasi ku tukaday ayaa u soo jeediyey inay ilaashadaan Nabadooda, Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay dad dhawaan laga afduubay degaanka Buhoodle oo wali la haysto,isagoo ugu baaqay Kooxaha afduubay in ay xoriyadooda u soo celiyaan
Sh. Cali Warsame oo ka mid ah culumadda gobolka ayaa dad ku baraarujiyey cabsidda ilaahay ,isla markaana bulshadda ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha madaarka Burco
.
Sheekh Cabdiraxmaan Axmed oo ah Madaxa Hay’adda Wanaag farista iyo Xumaan Reebista iyo Agaasimaha W/Cadaaladda ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay.

Dadweynaha Burco, oo isugu jira Ciroole iyo Caruur, haween iyo Dhalinyaro, oo ku labisan Dhar aadu qurux badan, una socda koox koox, ayaa buux dhaafiyey jidadka magaaladda Burco, oo shirkadda Laydhka Kaah si qurux badan ugu xidhay Nalal ay ku xardhan yihiin Ciid Mubaarak.

Waxaana dadweynaha ay isku salaamaayeen Ciid Mubaarak iyo macal ciidayn, caruurta iyo dhalinyarada ayaa iyaguna ku ciyaarayey waxyaalaha loogu talagalay caruurta, maanta oo kale ku ciyaarto.
Waxa si weyn u camirmay goobaha lagu cabo buunka iyo Sharaabka waxaana dadku iyagu faraxsan isku gudbinaayeen fariimaha marti qaadka ciidda.
Guud ahaanba Bulshadda Burco, ayaa maanta u ciiday si farxad iyo ragyn rayni ku dheehantahay.
Sidoo kale Magaalooyinka Oodweyne, Buuhoodle, Caynaba ayaa iyaguna sii weyn loogu ciiday





Recent Comments