SHIR JARAA ID MAANTA KU QABTAY XAFIISKIISA QARAMADA MIDOOBEY EE NAIROBI MARK BOWDEN
UNITED NATIONS NATIONS UNIES
United Nations Resident & Humanitarian Coordinator for Somalia
Aqoonsashada shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya ee Maalinta
Bani’aadamnimada Adduunka
Toban iyo sagaal shaqaalaha gargaarka ah ayaa lagu diley Soomaaliya tan iyo 19kii Agoosto ee sanadkii hore
Nayroobi/Muqdisho (17 Agoosto 2012) – Maalinta Bani’aadamnimada Adduunka oo loo dabbaaldego 19ka
Agoosto waxaa ay aqoonsaneysaa dadaalka shaqaalaha bani’aadamnimada.
“Maalin kasta Soomaaliya dhexdeeda, NGO-yada iyo hay’adaha bani’aadamnimada waxaa ay dadka Soomaaliyeed
kala shaqeeyaan wax ka qabashada raadadkii abaarta, gaajada iyo colaadda ay ku yeesheen dadka aan waxba
galabsan,” ayaa uu yiri Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada Mark Bowden. “In kasta oo Soomaaliya ay weli
tahay mid ka mid ah deegaamada ugu halis badan shaqaalaha gargaarka, haddana waxaa shaqaalaha gargaarka ka
go’an dadaalka ay ku doonayaan in ay ku yareeyaan silica dadka.”
In kasta oo xaaladda bani’aadamnimada ee Soomaaliya ay ka soo wanaagsanaatey sidii ay ahayd sanadkii hore,
haddana weli waa mid cakiran iyada oo 3.8 milyan ay weli dhibaatooyin ku sugan yihiin ama ay halis ugu jiraan in
ay dib ugu noqdaan dhibaatooyinka haddii aaney helin taageero joogto ah. Waxaa jira qaxooti Soomaaliyeed oo hal
milyan oo qof ka badan oo jooga dalalka deriska la ah iyo tiro ka badan hal milyan oo ku barokacay Soomaaliya
gudaheeda. “Qaybo ka mid ah Soomaaliya, ayaa dadku ay mar kale qaxayaan, iyaga oo ka tagaya guryahooda si ay
u raadsadaan cunto, biyo iyo gargaar kale, ama ka cararaya colaadda.” ayaa uu yiri Bowden. Sanado ay colaad jirtey
ayaa uu ka dhashey jiil ay cabsi ku hayaan wixii soo marey. Rabshadda ku saleysan dheddig-laboodka ayaa iyana
badan.
“Colaaddu waxaa ay si toos ah raad ugu leedahay nolosha Soomaali aad u tiro badan oo aan waxba galabsan, gaar
ahaan haweenka iyo carruurta,” ayaa uu yiri Bowden. “Carruur tiro badan ayaan aan garaneyn nolol taas ka duwan.
Maaddaama ay soo martey rabshad intaas le’eg, waxaa laga yaabaa in inta noloshooda ka hartey ay ku ahaato
dhaawac maskaxeed (trauma).”
Colaadda ayaa sidoo kale si weyn u sii adkeeysey dadaallada gaarsiinta gargaarka – waxaana ay weli halis toos ah
gelineysaa shaqaalaha gargaarka. “Halisaha jira waa kuwo dhab ah. Tan iyo Maalintii Bani’aadamnimada Adduunka
ee sanadkii hore, 19 shaqaale gargaar ah ayaa lagu diley oo siddeed kalena waa lagu af-duubey Soomaaliya, kuwaas
oo afar ka mid ah weli la haysto,” ayaa uu yiri Bowden. “Weerarrada lagu qaadayo shaqaalaha gargaarka gebi
ahaantoodba waa kuwo aan la oggolaan karin.”
“Shaqaalaha gargaarka haddii ay yihiin kuwa caalami ah oo ka soo fogaadey guryahooda iyo qoysaskooda ama
haddii ay yihiin shaqaale dalka u dhashey oo ka dhex shaqeeya bulshadii ay ku soo dhex barbaareen, ajandaha keliya
ee ay leeyihiin waa in ay gargaaraan kuwa dadka ugu nugul. Waa in dhammaan qaybaha ku lugta leh colaadda ay
ixtiraamaan hawsha bani’aadamnimada ayna u oggolaadaan in gargaarku uu si buuxda u gaaro dadka u baahan.”
Ku saabsan Maalinta Bani’aadamnimada Adduunka ee sanadkan
Si uu u xuso Maalinta Bani’aadamnimada Adduunka ee sanadkan, Xafiiska Isuduwidda Arrimaha
Bani’aadamnimada (OCHA) waxaa uu qabanqaabiyey olole ay qayb ka tahay xiddigta caalamiga ah ee Beyoncé, oo
duubtey heeso fiidiyow oo ay dadka meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigelineyso in ay gacan siiyaan dadka kale ee
bani’aadamnimadu wadaagaan.
Tallaabooyinka Beyoncé ay qaaddeyso waxaa ay la mid yihiin codsigeeda ay qof walba uga codsaneyso in uu gaaro
uuna dadka kale kala shaqeeyo isbeddel-dhalinta. Fal yar oo uu qofku ku tallaabsado oo uu qof ku gargaarayo qof
kale oo bani’aadam ah ayaa gacan ka geysan karaa isbeddel lagu sameeyo nolol. Qof kasta waxaa la weydiisanayaa
in uu ku yabooho wax uun, si kasta oo ay u yar yihiin isaga oo u maraya www.whd-iwashere.org.
Sanadkii 2008dii, Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa 19ka Agoosto u qoondeeyey in ay ahaato Maalinta
Bani’aadamnimada Adduunka si kor loogu qaado wacyiga dadweynaha ee ku aaddan gargaarka bani’aadamnimada
ee guud ahaan dunida. Maalintan waxaa ay aqoonsaneysaa dadka naftooda halis geliya si ay gacan u siiyaan dadka u
baahan, meel kasta oo ay joogaanba, waxaana ay xuseysaa maalintaas oo kale sanadkii 2003dii markaas oo 22 qof
ay nafahooda ku waayeen weerar lagu soo qaadey xafiisyada Qaramada Midoobey ee Baqdaad.




Recent Comments