telesom
logo
logo
logo
|

OO maad madaxweyne iska noqotid!

 
 
Iyadoo tartanka jagadda  madaxweynaha soomaliya loogu jiro uu cirka marayo LIISKUNA dheeraaday ayaa caalamka oo dhan waxaa ka duulay rag soomali ah oo kursiga aad ugu jibaysan haddaba magaalada London waxaa ku nool soomaali badan . waxaana dhacda marka qurbaha in badan la joogo in rag badan ayku soo oodanto  oo uu waayo waxii uu  rabay inuu noqodo  .waxaa kaloo jira dad badan oo reer London ah oo madax ka noqday Dhulka  Soomalida taasina waxay dhiiri galisy in nin waliba hanqal taago oo uu yidhaa ana WAYKAN! .
Barigii hore dadku way is qaban jireen  oo runta ayaa laysu sheegi jiray hadaad gidaar isku qaado waxaa lagu odhan jiray waar ka joog  ha jiidhine. Lakiin immika waxaad doonta sheego horta reerkiinu waa ku tageerayaa  TVyada  soomalida ee faashlayaasha ahna waxaa kaa xiga  saddexdooda boqol  iyagoo aan u aabo yeelayn waxaad ka hadlayso .waxaa kaloo jirta koox Gabayo iyo heeso qiiro hindi ah la taagan meel walba oo raba inay kazoo baxaan  TVyadaa iyagoo madaxweyne walba isku si u gu heesaya walibana ilmadu hililiqda hayso waxaanad moodaa xafaldahoo dhami  inay u eeg yahiin aroos  aan habaysnayn oo is dhexyaac ah.
Xaafada galbeedka London ayaa la sheegay inay immika ku nool yahiin in ka badan lix madaxweyne soomaliyeed oo ka masuul  Maamulo  Hawada ah(virtual states) . waayo qaar badan oo iyaga ah waxaaba ka masuula dawlda Britian oo noloshooda kabta waxaana laga yaabaa inaanay wax shaqo ah qaban waligood isla markaana  XILKAA madaxweynahu yahay shaqadii ugu horeysay ee ay qabtaan intii ay addunka joogeen 
Gebegebo: Nin reer London ah oo makhaaxi lahaa ayaa ay  makhaaxidii ku fadhiisatay oo waxba laga cuni wayay  waayo raashin xumo iyo waxuu isku darsaday nadaafad xumo  waana laga kala yaacay  maalintii danbe ayaa isagoo kaligii meesha fadhiya waxaa u yimi miday saxiib yahiin waxaanu ku yidhi  waar maxaan yeelaa waatan igu dul xidhantaye markaasu yidhi  ALLORE OO MAAD MADEXWEYNABA ISKA NOQOTID.
 
Abdirahman bidhaan  bcfm radio Bristol 93.2fm
 

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)