telesom
logo
logo
logo
|

Wiil uu Nelson Mandela Awow u Yahay oo Faddeexad Jacayl Dul Hhoganayso

Wiil uu awood u yahay hoggaamiyihii caanka ahaa ee dalka Koonfur Afrika Mr.Nelson Mandela, ayaa la xaqiijiyey inay waqtigan dul hoganyso fadeexad jacayl aad u culus  oo la xidhiidha xaas labaad oo uu guursaday, kadib markuu jebiyey sharciga guurka ee u yaal qoysaska waddankaas.

Arrinta fajicisada noqotay ayaa ah markii la ogaaday in ninkani xaaska uu qarsoodiga ku guursaday uu hore wiil uga dhalay mid ka mid ah saddex rag ah la dhashay, taasoo keentay in arrintani si weyn u soo jiidato indhaha waraabinta dalka Koonfur Afrika.

Fadeexaddan ayaa bilaabantay, kadib markii Mandla Mandela oo 38 kor lagu eedeeyey inuu galay dambi ah inuu guursaday gabadh dhallinyaro ah oo u dhalatay dalka Faransiiska oo la yidhaa Anais Grimaud, isagoo qaba xaaskiisii hore.

Gabadha Faransiiska ah ayaa Mandla ka tegtay, kadib markii hoggaamiyaha siyaasadda ku caanka ah ee Nelson Mandela ka war helay inay ilmo u dhashay mid ka mid ah Mandla wiilasha ay walaalaha yihiin.

Sidoo kale, fadeexaddan ayaa soo shaac-baxday waqti Nelson Mandela ku dhawaaqay in Mandla Mandela ka dhaxlayo miisaanka siyaasadeed uu dunida ka xambaarsan yahay.

Mandela waxa uu caaqil u yahay qabiilka Tembu, waxana la sheegaa inuu u dhaqmo hannaanka Nelson Mandela.

Wiilkan ka dhashay qoyska aadka dunida looga ixtiraamo oo ka qallin-jebiyey culuunta siyaasadaha, waxa uu xaaskiisa hore oo la yidhaa Tanda Mabunu Mandela ku guursaday sannadkii 2004 xaflad-dhaqmeed loo dhigay.

Mrs. Mabunu markii ay maqashay guurka labaad ee ninkeeda waxay kiis ka furatay maxkamadda, iyadoo loo xukumay in guurkaasi sharci-darro yahay.

Mandla’s fadeexadihiisa jacalku waxay soo ifbaxeen xilligii loo dabbaaldegayey ciidda Kirismaska oo la sheegay inuu guursaday amiiradda Swazi Nodiyala Mbali Makhathini.

“Qoyska Mandela waxay qoyskayga u direen gurigoodii, kadib markii la ogaaday inay xidhiidh la leedahay mid ka mid ah walaalahay. Waxaan caddeeyey in arrintani sababtay in inanka ay dhashay Nkosikazi Nobubele uu dhashay 2011. Waxaan sidoo kale xaqiijin karaa markii DNA-da laga qaaday in aannu inankaygii ahayn. Markii arrintan la ogaaday waxay nagu abuurtay fajac, waxayna iigu keentay xannuun aad u badan, sababtoo ah waa walaalkay qofka fadeexadda dhuunta ugu jira.” Sidaa waxa lagu yidhi war-murtiyeedka ka soo baxay qoyska Mandela.

Haseyeeshee, war-murtiyeedku ma caddayn saddexda walaal ee uu la dhashay Mandla Mandela midka ilmaha ka dhalay xaaskiisa cusub.

Mr. Mandla waa wiilka ugu weyn qoyskaas, waxaannu dhashay 1974, waxana ku xiga Ndbaba oo 1983kii dhashay. Mbusu waxa uu dhashay 1991-kii iyo Andile oo isagu dhashay 1993.

Wiilashan walaalaha ah ee fadeexaddu dul hoganayso waxa dhalay Nelson Mandela walaalkii Makgatoho Lewanika oo ahaa xeer-ilaaliye, ka hor intii aannu sannadkii 2005 u dhiman xannuunka AIDS-ka.

Ibraahim Khadar Siciid
Togdheernews.com

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)