telesom
logo
logo
logo
|

Finland oo Go’aan ka Adag ku soo Rogtay Soomaalida ku dhaqan Wadankaasi

Dowlada Finlad ayaa soo saartay Sharciyo Cusub oo ku aadan Soomaalida kunool Dalkaasi in ay eheladooda u dacwoodaan si fududna ay dalkaan ku kenaan sidii hore u dhici jirtay oo kale.

Dowlada ayaana hada adkeesay arintaasi iyadoona soo rogtay in dadka dacwadaha xareenayaa aysan gudaha Finlad ka xareer Karin cidii rabtaana ay tagto dacwadana ka xareeso Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Markii hore Soomaalida kunool Dalkaan ayaa ayaa dacwadaha dooda waxa ay ka xareen jireen gudaha Finlad iyagoona eheladooda iyo xaasaskooda loo keeni jiray iyaga oon wax sgfar ah galin hasa ahaatee taasi hada waa is badashay.

Dadka doonaya in Eheladooda u doodaan ayaa hada toos u aada Dalka Itoobiya si ay Safaarada Finlad ee Dalkaasi ugasoo xareeyaan Dacwadahooda taa oo la sheegay in ay dhibaato weyn kala kulmaan Soomaalida kuna rafaadaan.

Waxaa sidoo kale Ehelada ay u dacwoonayana lagu amray in Dalka Itoobiya ay ku yimaadaan Viiso cidii aanafiiso kusoo galina aana heesan Baasaboor Soomaali ah oo cadeenaya Soomaalinimadiisa aan Dacwadiisa aambo la galeyn.

Si kastaba arimahan ayaa noqday kuwa ay aad uga naxeen una dhibtay Soomaalida kunool Dalkan Filnad oo markii hore si sahal u keensan jiray eheladooda qoysaskooda hasa ahaatee hada lagu adkeeyay.

 

Maxamed Ciise Shilke
jowle2005@hotmail.com
Ouluu -Finlad

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)