telesom
logo
logo
logo
|

Dawladda Masar oo ku Dhawaaqday Murrashaxa ay la Jeceshahay Madaxtinimada Soomaaliya

 

 

Qaahira (TogdhNews)- Dawladda Masar, ayaa shaacisay murrashaxa ay la jeceshahay inuu ku guulaysto tartanka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya ee la filayo inuu 20ka bishan August ka qabsoomo magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar, laguna magaacabo, ayaa rajo wanaagsan iyo  yididiilo ka muujiyey in waqtiga kala guurka ah ay bulshada Soomaalidu dooran doonaan madaxweyne dib ugu soo celiya waddankooda burburay, isla markaana soo nooleeya  doorkii iyo sharaftii Soomaaliya ku laheyd fagaarayaasha caalamka, waxaannu sarkaalkaasi badka soo dhigay magaca siyaasiga dawladdiisu la doonayso inuu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya.

Mr. Abdulle Nasrullaahi oo waraysi siiyey wargeyska Egypt news, waxa uu kula taliyey xubnaha wax dooranaya ee xildhibaannada Soomaaliya inay dib u eegaan dhibaatooyinka dabada dheeraaday ee ummadda Soomaalida ku haysta gudaha waddankooda iyo dibedda, sidaa awgeedna looga baahan yahay inay xilkasnimo dheeraad ah muujiyaan oo ay hoggaaminta Soomaaliya u doortaan shaqsi dalkooda ka saari kara maxladdaas adag, isagoo tilmaamay in dawladda Masar door ka qaadanayso sidii loo afjari lahaa xilliga ku-meel–gaadhnimada, looguna guuri lahaa dawlad rasmi ah oo ka dhalata Soomaaliya.

"Inkastoo go'aanka doorashadu tahay mid Soomaalida u taal, haddana dawladda Masar waxay muujineysaa inay ku han weyn tahay oo ay taageereyso inuu doorashada ku guulaysto murrashaxa Dr. Cabdillaahi Axmed Caddow, maadaama uu yahay nin ay maanta la xaajoon karaan beesha caalamka, soona celin kara sharaftii dawladnimada Soomaaliya," ayuu yidhi sarkaalka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

"In la xusho qofka ku habobon waqtigan waa mid muhiim ah. Shirar badan oo Soomaalidu madax ku dooraneysay ayaan goob-joog ka ahaa, kamana madhnayn musuqmaasuq iyo laaluush, waana wax la filan karo marka doorasho la galayo, laakiin runtii Soomaaliya waxay u baahan tahay dhiig-joojin degdeg ah oo aan waqti dheer lala sugin,” ayuu hadalkiisa ku soo afjaray Mr. Abdulle Nasrullaahi.

 

TogdhNews

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)