Gaadhi siday Walaxa laga Sameeyo Aaaladaha Qaraxa oo Lagu Qabtay Degmada Dararweyne.
Dararweyne(TogdhNews)- Gaadhi ay saarnaayeen walxaha laga sameeyo aalladaha qaraxa ayaa maanta lagau qabtay degmada darweyne ee ka tirsan gobolka Sanaag.
Gaadhigan oo noociisu ahaa kuwa loo yaqaan Waaraadka oo u socday dhinaca Boosaaso ,ayaa la sheegay inuu ka tagay dhinaca gobolada Togdheer iyo Maroodi –Jeex .
Sida ay Jamhuuriya Burco u xaqiijiyeen masuuliyiin ku sugan magaalada Dararweyne oo khadka telifoonka kula xidhiidhnay ,waxay sheegeen inay ku raran yihiin aalladaha laga sameeyo waxyaalaha qarxyada loo adeegsado, islamarkaana darawalka iyo geerashboygii oo kaliya ay la socdaan baabuurka.
Waxaana hada gaadhigaasi gacanta ku haya ciidanka booliska ee degmadaasi.
Mana jiraan warar faahfaasan oo ilaa cadeynayay waxa gaadhigan saaran iyo cida lahayd balse waxa socda baadhitaan la xidhiidha arimahaasi .
Togdheernews.com
Ceerigaabo




Recent Comments