telesom
logo
logo
logo
|

Dhul-gariirradii Caalamka Dhacay Kuwii ugu Xumaa, Khasaaraha ka Dhashay iyo Waddamada ay ku Dhufteen

1.      Dhul-gariirkii Japan mashaqeeyey – 2011:

Dhul-gariirkan waxa lagu cabbiray inuu ahaa 9.0 Magnitude, waana kii ugu ballaadhnaa adduunka, waxana wehelinayey dabaylaha duufaanka wata ee la yidhaa Tusanaami.

Qiimaha hantida ku burburtay dhulgariirkaas waxa lagu qiyaasay inay gaadhaysay ilaa $300 bilyan oo doollar, waxaanay ahayd masiibadii ugu xumayd ee soo marta abid Japan bambooyinkii lagu tuuray magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki dagaalkii 2aad ee adduunka.

Dhul-gariirkii Great Hanshin amma Kobe oo ka dhacay Japan – 1995-kii:

Dhul-gariirkan oo magaciisa loogu yeedhay ‘Great Hashim’ amma Kobe, waxa uu waddanka Japan ka dhacay 17kii January 1995kii, waxa uu cabbirkiisu ahaa 6.8 magnitude, waxana ku naf-waayey 6,5000 qof, waxaannu Bangiga Adduunku ku qiyaasay in dhul-gariirkaasi tirtiray hanti gaadhaysa $100 bilyan oo dollar.

2.      Dhul-gariirkii Northridge ee ka dhacay Maraykanka:

Dhul-gariirkan oo lagu magacaabo Northride waxa uu ka dhacay magaalada Los Angeles ee dalka Maraykanka, qiyaastiisuna waxay ahayd 6.7 magnitude. Muu ahayd mid sidaa u xoog badan, balse wuxuu isugu yimi xuddunta magaaladaas, waxana ku dhintay dad tiradoodu gaadhayso 60 qof, dhaawucuna waxa uu ahaa 5,000  ruux.

Dhaawacyada ugu xun ee dhulgariirkaasi keenay waxa uu ahaa burburka guryaha, dhismayaasha ganacsiga iyo xarumaha dawladda, waxaannu lacag ahaan khasaarihiisu dhammaa $25 bilyan, waana mid ka mid ah masiibooyinka ugu xun ee dalka Maraykanka soo mara.

3.      Dhul-gariirkii ku dhuftay jasiiradda koonfureed ee New Zealand – 2010

Waxa loo yaqaanay dhul-gariirkii aaska weynaa ee 2010-ka, waxaannu qiyaas ahaan 7.1 magnitudes. Wax dhimasha ah oo uu sababay lama sheegin, laakiin waxa ku dhaacmay dad aad u tiro badan oo degaankaas ku noolaa.

Khasaarihiisu wuxuu dhammaa $6000 milyan, waxaannu kaalmaha ugu horreeya ku galay cadadka hantida uu burburiyey oo aad u badnayd lacag ahaan.

4.     Dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Australia – 1989-kii:

Dhul-gariirkani waxa uu saameeyey magaalada Newcastle ee waddanka Australia, 28kii December 1989-kii, waxana khasaaraha uu guud ahaan lagu waayey gaadhayey $1200 milyan oo dollar, waana masiibadii ugu xumayd ee dalkaas la soo darista, waxana ku naf waayey 13 qof, halka ay kud haawacmeen 160 qof

TogdhNews

Comments are closed

Horn Cable TV (LIVE)